|
Gabdhihii soomaalida Sweden ee xijaabkooda
muranka dhaliyey ayaa weli xiran indho shareerkoodii iyadoo wasaarada
Waxbarashada Sweden ay soo saartay go'aan ka dhan ah arintaasi.
Sida
uu maanta qoray wargeyska maalinlaha ah ee Gothenburg Post ayaa shaaca ka
qaaday in labadii gabdhood ee soomaalida reer Sweden ee xijaabkooda muranka
dhaliyey ay weli xiran yihiin xijaabkoodi indho shareerka ahaa kadib markii ay
heysashada xijaabkooda isku afgarteen maamulihii iskuulka Burgården Gymnasium (Burgarden
high shool), iyadoo weliba ay wasaarada waxbarashada Sweden ay soo saartay
go'aan ay gebi ahaanba ku mamnuucday xijaabkaasi.
Heshiiskan dhexmaray maamulaha iskuulka iyo labdiisa arday ayaa ka danbeysay
markii cabasho xoog leh oo ay ka muujiyeen gabdhahaasi go'aankii lugu diiday
xijaabkooda, sidaas daraadeedna uu calool dabacsanaan u muujiyey maamulahii
iskuulka.
"Cadaadis xoogan ayaa labada gabdhood saaran,
sidaa daraadeed ayey iga codsadeen inaan fasaxo oo ay guryahooda iska joogaan
si ay uga nastaan buuqa hareeyey" ayuu yiri Staffan Hallström oo sheegay inuu
aqbalay codsigii labdaasi gabdhood ee soomaalida ah ee iyagu baryahan danbe
cadaadis xagga saxaafada ah saarneyd.
Mr: Staffan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas
ku daray in heshiisha ay gaaraan isaga labadaasi gabdhood ay tahay xitaa mid
kujirto in marka tabarbar loogu dirro xaruumaha carruruta aysan xiran karin
xijaabka ay iskuulka la yimaadaan, taasina buu yiri ay si diiran u soo
dhaweeyeen gabdhahaasi.
"Iminka waa Falis iyo Ismahaan oo qura ardeyda xiran xijaabka noocan ah,
haddiise ay xeyn kale oo gabdho ku soo darsoomaan ay in markaasi arintu tahay
waa mid halis ku ah goobaha waxbarashada, waxaana qaadi doona talaabo aan kaga
hortageynoo" ayuu yiri Staffan Hallström, oo ka jawaabayey su'aal aheyd Sideed
yeeli doontaan hadey gabdho kale ay xijaabkan soo xirtaan ama ay ku soo bataan
iskuulka.
Haweeneyda la yiraahdo Noura Halawie oo iyadu ah gudoomiyaha "la taliyeyaasha
ardadeyda" ee iskuulkaasi ayaa sheegtay iney aad ugu faraxsan tahay sid uu u
maareeyey maamulahu arin caqabad aheyd, islamarkaasina isagoon jebin
qawaaniinta dalkanu degsan ee la xirriirta diimaha .
Noura waxaa ay sheegtay ineysan aqoon u laheyn
hablahaasi oo aysan weli wada sheekeysan, sidaas daraadeedna aysan jirin wax ay
ka sheegto marba haddii gabdhuhu yihiin kuwo aan la sheekeysan ardeyda qaar
taasina ay igu noqoneyso magac xummo hadaan wax ka sheego, waxaana ku
qasbanahay ayey tiri inaan aqbalno dooqooda iyo dharka ay iskuulka la yimaadaan.
Maalintii jimcaha ayaa wasaarada waxbarshada
Sweden waxey soo saartay go'aan deg deg oo wax looga qabanayo xijaabka indho
shareerka ah ee ay gabdho soomaaliyeed soo xirteen.
Go'aankii ay soo saartay wasaarada waxbarashada ayaa gebi ahaanba mamnuucay
xijaabka Niqaabka loo yaqaan, kaasoo ay ku sheegtay inuusan aheyn mid la aqbali
karro oo aan ku habeeneyn goobaha waxbarashada. Balse ay fasaxday xijaabka
caadiga ah ee madaxa lugu xirto.
Sidoo kale haweeneyda ugu ah dalkan
wasiirka isdhexgalka Mona Sahlin ayaa aad u soo dhaweysay go'aankii ay gaartay
wasaaradu, waxaana ay sheegtay in xijaabka noocaas ah uu yahay mid aan la
aqbali karrin islamarkaasina aan u baahneyn in iskuulka lala yimaado "Sumado
diimo", waxaana ay ku boorisay iney xijaabkooda caadiga ah qaataan.
Tan iyo intii ay soo shaac baxday muranka ku saleysan xijaabka ay soo xirteen
gabdho soomaaliyeed oo wax ku barta mid kamid ah dugsiyada sare ee magaalada
Gothenburg ee dalkan Sweden, ayaa aad u dhalisay dood aad u dheer oo ku saabsan
sidii arrintan ay dadka swedhish-ka ahi u aqbali lahaayeen, ugu danbeyntiina ay
wasaarada waxbarashada ka soo saartay go'aan ka dhan ah xijaabka Niqaabka ee
indho shareerka soomaalidu u taqaan, balse muranka iyo dooda xijaabku ay weli
halkeedii taagan tahay.
Isha warka: Gothenburg Post.
Waxaa isku soo duwday,
Ikraam Cali-kaar
ikraam@journalist.com
SomaliTalk | Oct 26, 2003
Saxaafada Sweden oo
Weli hadal haysa gabdhihii Soomaaliyeed ee Xijaabkoodu Muranka Dhaliyey
Warbixintii Ikraam....
Guji... Oct 8
Gabdho Soomaali ah
oo Xijaabkooda Muran Dhaliyey
Labo gabdhood oo ah ardey soomaaliyeed
oo . Guji...
Oct 7
..
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|