| w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
|
SOMALITALK
-
KENYA
|
|
war-1-29,Oct,Mbagathi,Nairobi.
Xasan Qalaad:-shirka waxa uu lugta saarey wadadii.........................
Hogaamiyayaasha Soomalida ee ku sugan madasha Shirka dib u hershiisiinta
Soomaalida oo haatan ka socda Mbagath ayaa maanta warsaxafadeed ku sheegay in
ay taageersan yihiiin Goaanaddii iyo Qoddobadii ka soo baxay shirka wasiirada
Arrimaha dibada ee IGAD oo ku shiray magaalada Nairobi Kenya.
warsaxaafadeedka waxaa kaloo ay ku cadeeyeen in ay raali ka yihiin wax kasta oo
lagu heli karo maslaxada iyo dib u soo celinta Nabada shacabka Soomaaliyeed oo
dagaalo sokeeye ku soo jiray 13-sanno la soo dhaafey.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan HPA Muddane Xasan Qalaad oo ka tirsan
golaha SRRC ayaa ii sheegay in marxalada shirka uu marayo meeshii ugu habooneyd,
isagoo ii cadeeyey in wadadii cadey uu shirka lugta saarey ,tasoo aan cidna
loogu aaba yeelin.
Muddane Xasan qalaad ayaa waydiiyey sida uu u arko qodobada shirka wasiirada
Arrimha Dibada IGAD , waxana uu ku jawaabey "Anagu waxba kama qabno ,markii
horana anaga shirka xaadir ayaan ku aheyn habeen iyo maalin ,hadana diyaar
ayaan u nahay waddo walba oo lagu heli karo xal waar oo ka dhasha shirkan dib u
heshiisiinta Soomalida oo haatan ka socda Mbagathi."
Dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
mbagathi,Nairobi.
abdikarimhussein@hotmail.com
Magaca Guddiga Farsamada IGAD ee Shirka oo Labedalayo, oo La Balaarinayo...
Magaca cusub waxaa laga dhigayaa
Guddiga Fududeynta Geeddi Socodka Nabadda
Somalida oo Kenya hoggaaminayso, laguna kordhiyo Jabuuti, Eritrea, Ethiopia,
Uganda iyo Sudan (haddii ay oggolaato)...
Guji
Oct 28
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 29, 2003
..
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
|