|
Heshiisiinta Koonfur waa Waajib
Saaran Reer Somaliland.
Siciid Cali Axmed
Saidahmed67@aol.com
Ottawa, Canada
Waxaan ka akhriyay bogoga internetka ee Soomaalida
qaarkood maqaal uu ciwaankisu yahay “KHATAR
HORLEH OO KU SOO WAJAHAN SOMALILAND”. Maqaalkan qoraagu waxa uu
ku dhaleecaynayaa oday dhaqameedyo reer Somaliland ah oo la sheegay in ay
rabaan in ay dhexdhaxaaadin ka sameeyaan khilaafaadka ka taagan Koonfurta
Soomaaliya. Arintan waxa uu qoraagu ku tilmaamay khiyaamo qaran iyo
burburin loo gaysanayo Somaliland. Xaq ayuu u leeyahay qoraagaasi iyo
qofkasta oo fikradaas aaminsani in uu soo jeediyo sida ay la tahay
aragtidiisu, waxaase maqaalkaas ku suggan arimo muddan in ugu yaraan la
dul istaago waxna laga yidhaahdo. Sidaa daraadeed ayaan nuqdooyinka soo
socda (oo ku saabsan heshiiska la sheegay in ay odayaashani ay wadaan )la
wadaagi akhristaha qiimaha leh.
Heshiisintu Waa Waajib Diineed
Soomaalidu waa Muslimiin. Dhexdhexaadinta
Muslimiintuna waa waajib saaran qof kasta oo Muslim ah oo damiir leh.
Heshiisiinta Muslimiintu waa akhlaaqda waanaagsan ee diinteenu ina faryso,
halka isku dirka Muslimiintu uu yahay akhlaaqiyaadka xunxun ee la inooga
digay. Waxa la soo wariyaa in Maalinta Qiyaamaha ay laba qof Alle isku ag
qabsanayaan. Mid la dulmiyay iyo mid dulmi gaystay. Kii la dulmiyay ayaa
Alle waxa uu ku odhanyaa walaalkaa iska cafi. Waxa uu odhan maanta
Ilaahayoow ma aha maalin aan xuquuqdayda ka tanaasulayo. Waa uu diidi.!!.
Marka uu sidaas yidhaahdo ayaa Ilaahay waxa uu u soo bandhigi Qasar
(Palace) wayn oo quruxdiisa aan la sifayn karayn. Wuxuu odhan qofkaas la
dulmiyay Ilaahayoow yaa iska leh Qasarkan. Alle waxa uu ugu jawaabi
adigaa iska leh...laakiin waa hadaad iska cafiso walaalkaagan ku dulmiyay.
Waan cafiyay ! waan cafiyay ayuu la soo boodi!!!. Nabi Maxamed (CSW)
markii uu ka sheekeeynayay arinkan ilmo ayaa ka timid waxaanu yidhi “
Ilaahay ayaa sidaas adoomihiisa u dhexdhexaadinaya ee adoomihii Alloow
idina sidaas oo kale u dhexdhexaadiya Muslimiinta. Sidaa daraadeed waxaan
leeyahay khilaafaadka Siyaasiga ah ee Muslimiinta dhex iman karaa waa in
aanay marna ina iloowsiin mab’dan assaasiga ah ee ay diinteenu ina
farayso. Arinkani waa arin aan filayo in aanu daliil u baahnayn.
Salaadiinta Mawqifkoodu khiyaamo ma aha
Oday dhaqameedyadu ma aha markii ugu horeysay ee ay
khilaafaad ka baxsan Soomaaliland dhex galaan. Heshiiskii dhinacyadii
isku hayay Puntland ee odayaasha qaarkood ka qayb galeen waxa uu ahaa mid
la wadda ogsoonyahay. Odoyaashaa ka qaybgalay heshiiska Puntland
khiyaamada ay gaysteen iyo burburka uu keenay mee?. Niyadda odayaashan
garn maayo oo Ilaahay baa og taa laakiin mawqifka ay qaateen waa mid ka
duulaya Islaanimo, dhaqan wanaagsan yo dadnimo. Hadii ay Kiiniyaanka iyo
gaalada ka fog fogi ay isku dayayaan in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka
Soomaaliyeed, miyaanad adigoo Musulim ah kula haboonayn in aad ugu yaraan
isku dayddo daminta dabkan holcaya ee dadka ku gubanayaa ay u badan
yihiin masaakiin wax ay galabsadeen aaanay jirin.?.
Nicmadda Alle Ha Ilaawin
Aminga iyo dhergu waxa weeye nicmoyinka Alle. Nabadda
iyo dherega maanta ka jira Hargaysa, Boorame iyo Burcaba waa nicmooyinka
Alle ee u baahan in Alle lagu mahadiyo. Nicmadani kuma iman xeelad iyo
maskax bani’aadmi laakiin waxa ay ku timid tawfiiqda Alle. Aragtidaydana
odoyaashani waa kuwuu Alle garnsiiyay in ay qaboojiyaan fidnooyinkii soo
dhex maray dadka walaalaha ah ee wadda degga mandaqadan, nicmada maanta
la haystaana Ilaahay ka dib sababtooda ayay ku timid. Hadii hadaba ay
odayashani ay doonaan in xigmadii Alle waafajiyay ay la wadaagaan
Soomaalida kale, aragtidayda waa mid ka turjimaysa garashada odoyaashan
ee Nicmooyin Alle ….ee ku garab istaag.
Xalka Soomaaliya Waa Waddada Xalinta Qaddiyada Somaliland
Inta ay dhibtu ka jirto Soomaaliya qadiyadda
Somalilandna waxa ay ahaanaysaa mid sidaa ay tahay ahaata. Waxa ay
ahaanaysaa dawalad iyaddu is ictiraafsan laakiin aanay jirin cid
ictiraafsani.Taasi waa sida ay ahayd toboneeyadii sanno ee la soo dhaafay
xalna ma’aha. Sidaa daraadeed aragtidayda in dhibta Soomaliya xal loo
helaa waxay ay keenaysaa in qaddiyadda Somaliland xalinteeda si dhaba loo
galo. Shuruudaha la soo jeedinayo in lagu xidho heshiiisiinta odayaashani
ay wadaan waxaa ka midda in marka hore dadkan la heshiisiinyaa ay qiraan
jiritaanka Somaliland. Aragtidayda xitaa haday qiraan jiritaanka
Somaliland wax badan ku soo kordhin mayso qadiyadda Somaliland. Waxa wax
soo kordhinyaa waxa weeye in la helo dawlad Soomaliyeed oo la xajooota
Somaliland. Hadii markaa laga qaybqaaadan karo sidii lagu keeni lahaa
dawladaa waxaan aaminsanhay in laga qayb galo keenitaankeeda waayo taas
ayaa faa’idadu ugu jirtaa labada dhinacaba. Waxaaban arkaa in siyaasada
ah halkaaga fadhi inta ay Somaaliya xal helayso ama ay burburayso ay
noqotay mid waxba aan soo kordhin, waxaanan aaminsanaa walina
aaminsanahay in reer somalinad ay tagaan meelaha qadiyadaha Soomalida
lagu hayo aanay dadka kale u bandhigaan xalka ay arkaan…..waxaaba laga
yaabi lahaa in dad badani ay ku raaci lahaayeenba.
Intaas ayay ku eegtahay aragtidaydii …..waxaaan
rajaynayaa in aan wuxuun ku soo kodhiyay doodan.
Mahadsanidin
Siciid Cali Axmed
Saidahmed67@aol.com
Ottawa, Canada
Faafin: SomaliTalk.com | October 4, 2003
QORAALADII
SICIID CALI:
1aad |
2aad |
3aad |
4aad |
5aad |
6aad |
7aad |
8aad
Daahir Rayaale
oo Gaashaanka ku Dhuftay Hindisahii
Salaadiinta Somaliland ee heshiisiinta
Beelaha reer Muqdisho
Guji
.. WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK
.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|