SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN
Shir Jaraa`id oo uu Madaxweynaha somaliland Mudane Riyaale kaga Hadlay Arinta heshiisiinta Beelaha Hawiye ee ay Qaarka mida Salaaadiinta somaliland u ololaynayaan
  • Daahir Rayaale oo Gaashaanka ku Dhuftay hindisaha dhowaan ka soo yeedhay koox salaadiinta Somaliland ah oo sheegay inay heshiisiinayaan beelaha reer Muqdisho.


MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Hargeysa (Halganews): Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa gaashaanka ku dhuftay hindisaha dhowaan ka soo yeedhay koox salaadiinta Somaliland ah oo sheegay inay heshiisiinayaan beelaha reer Muqdisho (Hawiye), isaga oo sheegay inaanay xukuumaddu arintaa ogolayn, isla markaana aanay salaadiintu ku talaabsan karin talo aanu qaranka Somaliland u dhamayn, wuxuuna madaxweynuhu sidaa ku sheegay shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay aqalka madaxtooyada.

Shirjaraa’id ee uu madaxweyne Rayaale qabtay waxa uu ka dambeeyey kulan wax yar ka hor dhexmaray qaar salaadiinta ka mid ah iyo isaga (Madaxweynaha), iyadoo dhinaca kalena uu hadal xagga salaadiinta ka soo baxay sheegay inay hindisahan xukuumaddu la ogayd, laakiin madaxweynuhu ganafka ayuu ku dhuftay, isaga oo beeniyey hadalka odhanaya inay xukuumaddiisu wax ka ogayd hindisaha caynkaas ah.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inaanay hadda muuqan dan Somaliland halkaa ugu jirta iyo buu yidhi Hawiye islaynaya oo la heshiisiiyaa toona, laakiin hadalkii hordhaca ahaa ee uu shirkaa jaraa’id ka jeediyey waxa ka mid ahaa “Aniga iima muuqato dan ay qayb inaga mid ahi ay Xamar ku tagto ama meel kale ku tagto, taa uma arko runtii inay Somaliland dani ugu jirto, Salaadiintana waxaan qabaa inaanay ku kicin karin wax aanay qaranka kala tashan ama aanu la ogayn ama ka gooniya talada uu qaranku leeyahay, taasna iyaga waanu u sheegnay oo waanu ka wada hadalnay, waxayna ballanqaadeen inaanay taas oo kale ku kacayn.

Run ahaantii anigu ma arko talo maanta Xamar taal, waayo hadii ay talo halkaa taal waxa lagu maamuli lahaa Xamar gudaheeda, Somaliland iyo Somaliyana laba dal ayey kala yihiin, Mawqifka xukuumadduna gooni isu taagga Somaliland halkii hore ee ay ka taagnayd wax iska bedelay iyo wax bedelayaa toona ma jiro, ciddii talo xumaysata ee shir aanay ummadda Somaliland dan u arkayn ka qayb gashana waxay noqonaysaa cid tala xumaysatay sidii ay awelba shakhsiyaad ahi ay meelahaa u tegi jireen, xukuumadda Somaliland-na ma jirto cid ay gacan ku siinayso ama ku taageerayso talo ka duwan ama lidi ku ah gooni isu taagga Somaliland”.

Intaa ka dib weriyayaasha ayaa madaxweynaha su’aalo ka waydiiyey mawduuca uu ka hadlay, waxayna su’aalahaas iyo jawaabahoodu u dhaceen sidan:

S: Salaadiintu waxay sheegeen inay doonayaan inay soo heshiisiiyaan beelaha Hawiye oo naga soo codsaday inaanu heshiisiino, anaga oo aan madax banaanidii iyo qaranimadii Somaliland meel kaga dhacayn, markaa mawqifka xukuumadda ee arintaasi muxuu yahay ?

J: Horta anigu ma ogi Hawiye qabiil ahaan isu laynaya oo maanta Xamar qabiil-qabiil isugu laynaya, laakiin waxa jira Hawiye siyaasad isku haysta, balse siyaasadda ay Hawiye isku haystaan ma jirto wax allaale wax inaga khuseeya arimohooda gudaha ee iyaga ayey u taal inay ku kala baxaan waxyaalaha ay isku hayaan, markaa hadii aanu jirin Hawiye islaynayaa uma arko Hawiye in loo tago.

S: Kulankii aad hadda (Shirka jaraa’id ka hor) la yeelatay salaadiinta miyey u dhamaayeen salaadiintii bayaanka soo saaray, mise qaar ka mid ah ayaa kula joogay ?

J: Saddex suldaan baa ila joogay, laakiin inaanay bayaankaa isla wada ogayn baa ii soo baxday.

S: Salaadiintu waxay sheegeen inaad adiga iyo xukuumadaadu la ogaydeen arinta, adiguna waxaad sheegtay inayna xukuumaddu la ogayn, markaa maxaa isbedelay ?

J: Horta suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir baa sheegay oo yidhi xukuumadda ayaa nala ogayd, taasi waa beentii oo waxba kama jiraan, aad baana uga xumahay inuu yidhaahdo wax aanan la ogayn wuu ila ogaa. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa markii aanu xam-xamta maqalay ayaanu suldaan Maxamed u yeedhnay aniga iyo saddex oday oo guurtida ahi, waxaanuna ku nidhi qaar kalena (Salaadiin kale) waa kuwa ku shiraya Abudhabai oo iyaguna hawshan hawl la mid ah wada, markaa waxaanu ku nidhi Somaliland maanta uma baahna ninba tuur gooniya inuu istaago oo uu ku kaco talo aanay Somaliland isla ogayn, sidaa darteed ma jirto talo aad ku dhaqaaqi kartaan ilaa wax aynu ka wada tashanno mooyee, iyaguna taa way nala ogolaayeen.

S:Waxa la sheegay inaad dhambaal ka hesheen Imaamka beelaha Hawiye, taasi ma jirtaa ?

J: Wax allaale wax aan anigu ka helay ma jirto.

S: Masalan maxaa Somaliland u diidaya inay arimaha Somaliya gasho oo ay wixii danno ah ee kaga xidhan ka fushato ?

J: Taasi farsamooyin kale ayey u baahan tahay , laakiin inaga oo talo isla ogayn hadii kolba kooxi meel tagto ma jirto wax dan ah oo inoogu jirtaa.

S: Hadii ay salaadiintu iska tagaan maxaad ka yeelaysaan ?

J: Anigu ma qabo inay tegayaan.

S: Salaadiintii Somaliland ee Puntland heshiisiisay iyo kuwani maxay ku kala duwan yihiin ?

J: Horta Puntland dad aynu jaar nahay oo inagu soo qaxay ayey ahaayeen oo aynu dib isaga celinay, markaa inaynu dad aynu jaar nahay oo inagu soo qaxay dhibaatadooda iska celino ayey ahayd taasi.

S: Waxa kale oo la sheegayaa inay Abudhabey wax ka soc-socdaan, taa maxaad war ka haysaa ?

J: Taa lafteeduna inay iska soo dhamaatay ayaan filayaa oo ay salaadiintii halkaa joogtayna imanayaan.

S: Dawladaha shirka Kenya maamulaya ee gobolka waxa la leeyahay way ku kala qaybsameen shirka, siiba Itoobiya iyo Jabuuti oo waxay kala taageerayaan kooxaha, ka dibna dawladda Jabuuti oo taageersan kooxaha shirka ka soo baxay ayaa la leeyahay waxay lugta la soo gashay Somaliland oo iyadaa arimahan wad-wada, taa maxaad ka odhan ?

J: Horta taasi ma aha mid inaga ina khusaysa, arimaha jaararkeenana inaynu faragelino wax inoogu jiraa ma jiraan, taasna hadda ka jawaabi maayo.

S: Guddigii aad dhowaan u magacowday bariga Somaliland maxaa hortaagan inay xukuumadda Somaliland maamulkeeda gaadhsiiso bariga Somaliland ?

J: Dhakhso ayey u tegayaan guddigaasi, mana jiraan wax isbedelay.

S: Waxa jira dad badan oo had iyo goor ku dhaqaaqa arimo ka soo horjeeda jiritaanka iyo qaranimada Somaliland, kuwaas oo dalka yimaadda cidina aanay waxba la qaban, waa maxay ku tala-galka xukuumadda ee dadka noocaas ahi ?

J: Horta berigaa hore golayaasha iyo xukuumaddu go’aan ayey ka soo saareen dadka noocaas ah, go’aankaasna waxa la yidhi ciddii cafis ku soo gasha yaan la xukumin, markaa dadkaa intooda badani cafis ayey ku soo galeen dalka, koleyba inaynu dadkeenu urursano maslaxad baa ku jirta ayaan qabaa anigu.

S: Waxa jira wefti wasiiro ah oo Jabuuti qabtay oo ay weheliyaan dad shicib ahi, kuwaa ka waran ?

J: Anigu saddex wasiir oo keliya ayaan diray, dad shicib ah ma ogi.

S: Ma jiraa xidhiidh gaar ah oo adiga (Rayaale) iyo Ina Cumar Geelle idinka dhexeeyaa ?.

J: Waxa naga dhexeeya xidhiidh dawladeed, waayo dal aynu jaarnahay, oo aynu walaalo nahay hadii aydaan garanayn waxa aynu isu nahay ama inaga dhexeeya, taas ayaa naga dhexaysa, maslaxad ayaana inoogu jirta inaanu dawladda Jabuuti iyo dawladda Itoobiya labada la yeelano xidhiidh sokeeye.

S: Weftiga wasiirada ah ee Jabuuti tegay maxaad u dirtay ?

J: Hawlo gaar ah oo aanan iminka idiin sheegayn ayaan u diray oo dano kale ah oo aan xataa Jabuuti ahayn, intaana u dhaafi maayo.

S: Hore waxaad u sheegtay inaad samayn doontaa guddi la dagaalanka argagixisada ah, xagee bay guddigaasi ku dambaysay ?

J: Waqtigeeda ayaanu samaynaynaa.

S: Salaadiintani waxay sheegeen inay ka hortegayaan ninkii Laas-caanood kaa soo saaray (C/laahi Yuusuf), taa sidee baad u aragtaa ?

J: Taa dagaalkeedu Somaliland oo dhan ayuu u wada yaal.

-dhammaad-

Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey:
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 3, 2003

Sool iyo Somaliland Yaa Ugarnaqa [Assad]


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Xaalada Magaalada Laascaanood:-
Degaanka, dhaqaalaha, nabadgeliyada iyo guud ahaan horumarka Laascaanood ka akhri warbixintii Asad Cadaani

YAASABABAY DAGAALKII KADHACAY LASCAANOOD?
Qoraalkii IBRAAHIM MAXAMED HURUUSE.... Dec 14, 2002

BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa  

Ururka Darwiish Party oo Tacsi u diray laascaanood
Qoraal uu ururku maanta soosaaray ayaa ku bilaabmay.... GUJI  8/12/2002
 

Bayaan ay soo saareen jaaliyada SSH ee Kuwiat
Annagoo ah Jaaliyadda dalka Kuwait deggan ee ka soo jeedda Gobolada Somalia ee Sool,Sanaag iyo Hawd in badan ayaanu   GUJI  12/12/2002

Jaaliyada dhulbahante ee w/america warsaxaafadeed
la xiriira dagaalkii Laascaanood ayey ku sheegeen in GUJI  11/12/2002

Warsaxaafadeedka Puntland ee Dagaalkii Lascanod
Madaxweyne ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland mudane Maxamed Cabdi Xaashi oo ku sugan Eldoret ayaa.. GUJI  8/12/2002

Woqooyi Sidee Looga arkay Dagaalkii Laascaanod
Dagaal aad u kulul ayaa ka dhacay magaalada laascaanood, kaasoo ay sabab u ahayd booqashadii Madaxweynaha... GUJI  8/12/2002

DUX LA'AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE
iyo dibin daabyada dadweynaha ... Guji June 7

 QORAALADII HORE EE DIRIDHABA  

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


 Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]