|
Qofkii Ilaah wax fahansiiyo baa wax fahma waa
jawaabtii aan is fahanno
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahadleh.
Nabedgelyo iyo Naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Akhristayaal nin sheekh ah
baa maalin kusoo baxay nin meel cidlo ah kaligii taagan markaasuu yiri war
maxaa meesha ku taagay? Ninkii wuxuu yiri “insaan” qof baan sugayaa.
Shiikhii wuxuu yiri wax badan baad meesha taagnaan. Kollay waxaan anigu u
qaatay inuu shiikhu ka wado inaysan dad qumman oo badani joogin fursadda ay
ku suuroobi karto in qof fiicani kusoo baxana ay yartahay laakiin Ilaah baa
og wuxuu ka waday.
Horta xisaab ahaan
xarriiqaha bar-barada ahi (parallel lines) isuma yimaadaan sidoo kale
Ibraahim Yuusuf Axmed isuma imaankarno ismana
fahmi karno maxaa yeelay miisaanka aan wax ku beeggano ayaa kala duwan.
Isagu wuxuu soo qaatay “Anthropology” oo uu ku sheegay cilmiga dadka. Si
kastaba ha ahaatee waa barashada iyo daraasadda lagu sameeyo dadka Binu
Aadamka ah (human race) khaasatan asalkiisa, horumarkiisa/koridiisa/kobcintiisa,
caadooyinkiisa iyo wuxuu rumaysanyahay. Waxaan ka soo qaatay qeexidaas
qaamuus. Qoraaagu wuxuu aad uga hadlay qaybo ka mid ah qaybaha laantaas sida
isirrada iyo caadooyinka. Aniguna waxaan jeclahay in aan wax ku dhiso waxa
uu yiri Ilaahii dadka iyo dunida abuuray.
Inta badan dadka ugu
caansan barashada laantaas ma aaminsana inuu dadku ka yimid Aadam iyo Xawaa.
Qaar ka mid ahna ma rumaysna Ilaah. Sida aan horay ugu lahaa walaalkeen
eraygii ilbaxnimo meeshuu ka soo qaatay ayaa khaldanayd ayaa haddeer dadka
cilmigaan bartaa ku guul-darraysteen inay ogaadaan asalka dadka (origin)
halka aniga oo aan cilmigaas aqoon aan garanayo asalka dadka. Marka ma
Ilaahii dadka abuuray wuxuu yiraahdo ayaan raacaa mise waxa uu
“anthropologist” yiraahdo? Dadka Soomaaliyeed baa la waydiin. Markuu
walaalkay rabay inuu is difaaco wuxuu yiri eray lid ku ah ilbaxnimo ma
waayine waxaan raadinayey kalmad u dhiganta “badaa’i iyo primitive”. Horta
qoraagu kalmadaas buu maqlee ma jirtaa in dadkii ugu horreeyey ay saas
ahaayeen?
Waxaan shakki ku jirin in
qofkii ugu horreeyey dadka uu ahaa mid ka mid ah kuwa ugu aqoonta badan, waa
Nabi Aadam (CS). Ilaah baa Qur’aanka ku sheegay inuu shay kasta baray. Marka
Ibraahim waxaan waydiinayaa Nabi Aadam (CS) ma “primitive” buu ahaa? Jawaab
baan kaaga fadhiyaa? Muslimiinta Soomaalida oo dhanna arrintaas waa ogyihiin.
Marka hadalkaas ay “anthropologists” dhahaan waa wax-kama-jiraan. Nabi Aadam
(CS) ilmihiisa ayaa qaarkood beeraley ahaayeen. Midaan ah darsida ay dadka
darseen oo ay dhaqankooda iyo caadooyinkooda barteen waa arrin jirta oo aan
la inkiri karin waa waxa ay ku gaareen horumarka maadiga ah. Ummaddihii hore
qaar ka mid ah waxay yaqaaneen farsamooyin iyo aan ilaa hadda jirin.
Qaarkoodna awood dheeraad ah bay lahaayeen. Quruumo badan oo kumanaan sano
ka hor noolaa baa Soomaalida kaga horreeyey xagga farsamada. Akhri Qur’aanka
sida uu Ilaah uga warramay qoomamkii sida Caad, Thamuud iyo kuwo kale. Fiiri
Nabi Sulaymaan (CS). Marka arrintaas ay cusuurta u qaybiyeen waa wax-kama-jiraan.
Dadkii aan ilbaxa ahayn ee waayadii hore waxay la midyihiin kuwa hadda jira
iyagaana doortay inay saas u noolaadaan laakiin waxa dad badan aysan fahmin
in sheegashadaas ay caawinayso laanta kale ee Sayniska ah ee tadawurka loo
yaqaan (evolution). Hadday ku guulaystaan in qofka muslimka ah uu rumaysto
inuu jiray waagii dhagaxa (casrul xajar ama the stone age) diintiisaa khatar
ku sugan ama wuxuu ku soo baxayaa cawaan. Suurtogal ma ahan in qof muslim ah
isku helo inuu rumaysnaado evolution iyo waagii dhagaxa iyo inuu Ilaahay iyo
diinta rumaysto.
Qoraagu wuxuu ku adkaystay
in erayadii uu il ka xussay ay asal ahaayeen kuwii aan anigu xussayna ay
sarbeeb yihiin. Waxaan waydiinayaa qoraaga maxaa asal ah? Anigu waxaan
keenayaa tusaale ay muslimiinta oo dhan arki karaan. Horta isha cilmiga ah
ayaa asal ah oo ka horraysa kuwa kale. Sidee? Waxaa axaadiis sheegtaa inuu
Ilaah qalinka u hor abuuray oo yiri qor waxa imaan doonaa ilaa qiyaamaha.
Sidoo kale Aayadihii Qur’aanka usoo hor degay cilmi bay ka hadlayaan.
Aayadaha iyo Axaadiista sheegaya araga oo laga wado wax fahma lama soo koobi
karo. Khaasatan erayga ilbaxnimo inuu cilmi iyo horumar kasoo jeedo qofna
shakki ugama jiro oo sidaan horay u sheegay araga dadka kaliya khaas kuma
ahayn. Miyaadaan u jeedin in qalinkii iyo qoraalkii ay ka horreeyeen ilaha
biyaha? Goormayse ilaha cilmigu sarbeeb noqdeen? Isha biyaha iyo tan cilmigu
isku micnay ku fadhiyaan laakiin tan cilmigaa asal ah.
Nin qolyaha sabka ka
qaraabta ayaa la waydiiyey waxa uu Qur’aanka ka yaqaan markaasuu yiri
Qur’aankii aan aqaanay oo dhan waa la i iloowsiiyey marka laga reebo aayadda
ay ku jirto “aatinaa qadaa’anaa laqad laqiinaa min safarinaa haadaa nasabaa”
oo Nabi Muuse (CS) khaadimkiisii ku lahaa noo keen qadadeenii safarkeenaan
waxaan kala kulanay daale. Waa sida ay Soomaalidu u dhahdo ninba
ceesaantiisu ceel geystaa.
Qoraaga waxaan waydiinayaa
haddii Hadalkii Ilaahay uu ku sheegay margi oo waliba uu ku sii indho
adagyahay isagoo leh diintu waa hadal, hadalkuna waa mergi. Horta intuusan
qofku u gelin barashada dadyowga kale waa inuu bartaa dadkiisa. Maah-maahdii
ahayd hadal waa mergi jiidma waxaa loo dejiyey hadalka dadka ee looma dejin
Kan Ilaah. Qofkii aan saa u fahmin khalad buu ku dhacayaa. Waxaan wada
ognahay in ragga iyo dumarku xittaa ay kala leeyihiin hadalada qaar. Waligaa
ma aragtay Soomaali oo leh waxaasi ma ahan wax rag loogu maahmaaho. Ma oran
wax qof loogu maahmaaho. Waa dhaqan iyaga u khaasa oo ay dumarka ku liidi
jireen laakiin waxaan ka hadlayaa caadada Soomaaliya ilayn adaa
“anthropology” meesha keenee. Marka maah-maahyihii ragga lagala xishooday in
Hadalka Ilaah iyo diinta la aado waa khalad weyn. Sidoo kale marka cuntada
laga hadlayo sida hilbaha waa in hilbaha ragga la siinayo laga fiirsadaa.
Hilbaha qaybta xaabka ah rag looma geeyo oo haddii la isku dayo waxaa ka
dhacaya dagaal iyo in godob la isku qabsado iyagoo meesha uga tagaya. Shakki
ma leh xaabku waa xalaal oo waa la cuni karaa laakiin waxaa jira curfi.
Dadkii baa saas u xaalaya marka qoraagu maka xishoon waayey Ilaah iyo Diinta
Islaamka?
Waxaan aaminsanahay inay
jiraan qorshayaal dad weerar ku ah Diintii iyo Carabigii oo bilaabay inay
weerar kusoo qaadaan. Waxaa kaaga sii daran waxay rabaan inay dhahaan yaan
nalaka dabo qaadan, markaasaad noo gasheen talooyin ah qofka u daa
fikirkiisa, qoraalada yaan laga dabo qaadan, IWM. Ninkii raba inaan cidna
wax ka sheegin meel ha fariisto. “diirkaan ka garan xaajadaad dabaqa
saarteene”. Anigu ma ahi nin fikradihiisa ku daaya wax dad falsafad barad
ahi wataan. Dadka khaladka ka gelaya diinta iyo Caribiga waa dad sheegta
inay yihiin qorayaal iyo suxufiyiin. Mid wuxuu yiri Addoon Hal isagoo C/Waaxid
ka wada. Mid kale wuxuu yiri khuburo Maraykan ah baan ka dhagaystay iyagoo
leh Carabiga kuma jiro eray “compromise u dhigma oo hal eray ah. Haddeerna
waa adiga kusii indho adag Hadalka Ilaahay baa mergi jiidmo ah.
Teeda kale waxay Soomaalidu
dhahdaa run iyo ilkaba waa la caddeeyaa marka Ibraahimoow markaad ka
hadlaysay dadkii Ilaahay abuuray maad soo qaadan hal Hadal oo uu Ilaah yiri
ama Rasuulkiisii (SCW) yiri. Hal mar baan Nabi Muxamed (SCW) soo galisay
sheekada adoon xaddiis ka xussin markiina kumaad saliyin. Way dhici kartaa
inaad afka kaga salisay. Waxaad noo soo qaadatay Karin iyo waxay ka qabtay
Soomaalida. Marka hadday sheekadaadu ku ag-wareegayso dad, duunyadiina aad
doofaar la gashay goormaan is fahmaynaa? Soomaalidu waxay tiraahdaa quffac
iyo jacayl lama qarin karo. Marka nin walba wuxuu jecelyahay ayuu soo
daliishadaa. Waxaan la yaabay qaar baa dhaha maxaad Qur’aanka iyo axaadiista
usoo daliishataa? Diintaba waxaa loo soo dejiyey in la isku waaniyo oo la
qaato. Qofkii aan muslim ahayn baa dhihi kara maxaa diinta iigu soo
qaadanaysaa laakiin qof muslim ah uma habboona. Markii aan lahaa Imaam
Shaafici wuxuu sheegi jiray xirfada dadkaas waxaan ka waday in nin aan
haystay uusan diin Islaam shuqul ku lahayn. Walaalaha qaar baa sheegay isna
wuxuu soo qoray hadal laga fahmayo arrintaas. Waxa aan Binu Aadam u nahay
waa inaan fahanno qasadka wax loo qorayo.
Qoraaga waxaan u sheegayaa
horta anigu muslim baan ahay waxaan aaminsanahay Hadalka Ilaahay waloow aan
ka gaabiyey wax badan oo la ii diray oo danuubtayadu tiradii ka badatay
laakiin bal waxaad soo heshaa wax uu Ilaah sheegay ama Nabi Muxamed (SCW) oo
ay saynisyahannadu ama “anthropologists” beeniyeen?
Allaahu Akbar markii
Ilaahay lahaa “wafii anfusikum afalaa tubsiruun” oo ah miyeydaan naftiina u
jeedin? Horta dadku waa cajaa’ib waxaad arkaysaa qof intaas oo sano baadiye
taagnaa oo ku soo koray nolasha qoraaga ka sheekeeyey oo markay hanuunka
Ilaah qaataan ama diinta bartaan hal habayn ku noqda qofka dadka ugu
ilbaxsan. Haddaad i rumaysan waydaan fiiriya Saxaabadii Rasuulka (SCW)
Ilaahay raali ka noqdee. Saxaabadii (RC) markii ay muslimeen ba sifooyinkii
uu qoraagu soo xussay oo dhan hal habayn bay iska tureen. Qoraagu ma
akhriyey heshiiskii Xudaybiya? Markii nin adeer u ah Muquurah Binu Shucbah
ay Qurayshi Nabiga (SCW) xaggiisa u soo dirtay. Markuu laabtay wuxuu Quraysh
ku yiri Wallaahi waxaan wafti u tagay Furus iyo Ruum oo waligay ma arag cid
qof u jecel sida Saxaabadu (RC) ay Nabi Muxamed (SCW) u jecelyihiin. Wuxuu
Quraysh kula taliyey inaysan dagaal isku deyin. Saxaabadii Carabta u badnayd
oo aan waligood dowlad iyo kala-dambayn arag ayaa habayno dhowr ah ku noqday
dad sida ay ukala dambeeyaan aan horay loo arag. Waa suu u sheegay
taariikhdu ma qorin dad saxaabada ka jecel Nabi Muxamed (SCW). Waxaa dhici
karta in dadka qaar is yiraahdo dad badan baa dad kale jecel sida
fanaaniinta iyo xiddigaha kalaba loo jecelyahay. Waa adagtahay in la helo
qof u diyaar ah inuu u dhinto.
Miyaadan u jeedin waxa
Ilaah iyo Rasuulkiisu ka dhaheen in wax la barto, la walaaloobo, doodda iyo
muranka la iska daayo, la is maqlo, derisku is tixgeliyaan xitta kala
diimoba ha ahaadeene. Waxaan kaloo labo iswaydiinayn inuusan adduunkaan soo
marin cid ka caddaalad badnayd Nabi Muxamed (SCW) sidoo kale sidii ay
Khulafadii Raashidiinta ahayd wax usoo xukuntayna ma jirto cid wax usoo
xukuntay waa dadka Nabiyada ka soo hara. Talooyinkaas aad bixisoo dhan
Islaamkaa noo sheegay. Qof kasta oo Soomaali ah waa ogyahay in dadka
Soomaaliyeed ee Ilaah ku xiran ayna cidna dhib ku hayn. Dad ma dilaan, dumar
ma kufsadaan, wax ma dhacaan, isbaaro ma dhigtaan xittaa qaarkood baadiye
haka yimaadeene. Dhakhaatiirtu dadka waxay ka daweeyaan cudurka haya marka
hore haddii ay suurtogal tahay in cuduro laga sii talaalo waa arrin fiican
marka qofkii Soomaaliyeed oo raba inuu dad Soomaaliyeed la taliyo ama wax ka
qabto waa inuu ka bilaabaa kuwa u baahan oo dhibka wada waana qab-qablayaal
iyo kuwa taagera.
Qoraalkii hore waxaan ku
xussay in Islaamku naga badbaadshay gumaysiga. Kartida uu qoraagu Soomaalida
ku sheegayna isagoo Karin xussay waxaan ka keenay Islaamka. Maddaama aan
muslim nahay waxaa la rabaa qof kasta oo muslim ahi inuu ilbax noqdo oo ka
tago caadooyinka iyo dhaqamada xun-xun.
Qoraalkii hore iska daayoo
kanaan boobsiis ku qoray laakiin wixii boobsiis lagu qoro ka laasimimayso
inaysan cilmi ku fadhin laakiin waxaan ka waday inaan u qori karay qaab ka
sii fiican. Marka “Muraadkaa ku toos awgayoow ha ii makiikiyine”
Affeef:
waxaa dhici karta inaan labo-laabo xarfo aan ahayn toddobadii marka
qaarkoodna marna waa sameeyaa marna waan ka tagaa. Waxaan aaminsanahay in
eray kasta loo qoro sida loogu dhawaaqo.
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | OCT 22,
2003
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|