Soomaalida Minnesota oo aad oogu raaxaysanaysa af Soomaaliga iyo dhaqan
Soomaaliga.
Qofka bani’aadamka ma oga muhimada ay leeyihiin waxyaabo badan ilaa uu u
soo baahdo badanaa sida nabadda,caafimaadka, iyo nimcooyin badan oo ilaahay
ku manaystay oo aanan halkan ku soo koobi karin. Qofka haddii uu garan waayo
nimcooyinkaas waxaa laga yaaabaa in shukrintu ku yaraato. Qofwalba haddii uu
baaro nimcooyinkaasi la siiyay iyo dadka aan haysanin waxaa u soo baxaya inuu
qanacsanaan ka qaado waxa uu haysto haba yaraatee.
Soomaalida Minnresota maanta waxay isku haystaan nabad, dawlad iyo kala
danbayn, iyo ayagoo dhaqankoodii wata. Waxaa laga yabaa qofka Soomaaliga ah
ee Minnesota joogaa inuu gurigiisa oo nabad ah ka soo kaco maqaayad cunto
Soomaali ka cuno (Shaah Soomaali, Muufo, Canjeero, hilib geel, hilib ari,
baasto, bariis, sambuusa), salaadda jamaaco ku soo tukado, tafsiir soo
dhagaysto ama muxaadaro, Soomaali kale la soo cawaysimo, raadiyo af Soomaali
ah dhagaysto, joornaal af- soomaaliya soo qaato oo aqristo gurigana ku
fiirsado TV Soomaali ah oo wata madadaalidiisii, wacdigiisii iyo
warbixintiisii.
Abwaan Soomaaliyeed baa yiri “ Magli inuu af weyn yahay ninkii uu midigta
gooyaa og.
Walaal inuu macaan yahay ninkii madi ahaa og”.
Ardaygii Soomaali ah oo wax ka dhigta Minneapolis iyo nawaaxigeeda ma
cidloobayo oo waxaa hareerihiisa dhooban arday kale oo Soomaaliyeed. Sida ay
ku talinayaan dadka ka fekera mustaqbalka Soomaalida America ku nool waxay
leeyihiin in la isu dhowaado oo aan la kala fogaanin waxaa ku badbaadaya
diinta caruurteena, afka Soomaaliga, iyo isjecelka Soomaalida. Waxaa ayadana
xusid mudan in ay jiraan dad dhalaan u badan in ay ka qatan yihiin raaxada af
soomaaliga aan ka soo hadalnay waayo joornal af soomaalia ma fahmi karaan..
Maalin Taariikhda Minnesota ku madaw (xasuuq 1920)
Maanta oo Duluth Minnesota laga xusay dilkii 3 nin oo madow ah 83 sano ka
hor
Elias Clayton, Elmer Jackson, IsaacMcGhie waxaa la dal dalay 83 sano ka
hor ayagoo magaalada u yimid inay madadaalo ka sameeyaan. Dhallinyaradan
madawga ahaa waxaa lagu eedeeyay inay kufsadeen gabar cadaan ah oo 19 jir ah
ayadoo aanan wax cadayn ah keenin.
5000 ilaa 10,000 oo qof ayaa habeen xoog ku soogalay xabsigii ay ku
xirnaayeen wiilashaas la dilay oo xoog kula baxay. Waxayna iska dhega tireen
codsigii ka yimid kaniisadda iyo sarkaalkii booliis ah ee meesha joogay ka
dibna mid mid ayaa loo dal dalay ayagoo leh “war yaan nala dilin waxba ma
galbsane”. Wiilashaas waxaa loo dilay inay madaw ahaayeen ayagoo safar ku
ahaa magaalo aan madaw laga aqoon halkaas oo la yiraahdo Duluth 1920.
Dhaqanka ah in dadweynaha sharciga iyo go’aanka gacantooda ku qaata ayadoo
aanan maxkamad la gayn eedeysanaha ama daliil iyo baaritaanba aanan la samayn
waxaa afka qalaad lagu yiraahdaa “mob jusice” anigu kuma arag kelamdaas afka
Soomaaliga sababtana waxaan u malaynayaa in aanay dhaqanka soomaalida ka mid
ahaan jirin ee ay tahay wax jaahili ah oo aanan islaamka iyo dhaqankii hore
ee Soomaalida aanan lagu ogayn.
Meeshii iigu horaysay oo aan ku arko mob justice waxay ahayd Kenya oo
qofkii la yiraahdo waa tuug asagoon maxkamad la gayn lana hubsanin lug
baabuur madaxa loo geliyo dabna la qabadsiiyo isla markiiba dhagax iyo wax
kasta lagu dilo. Annaga gudniinka fircooniga ayaa noo bedelay caado xumidaas
iyo kuwa kale.
Dilka wiilashaas oo lagu dilay dhagax iyo garuumo si waxashnimo ah waxay
noqotay baal madaw oo taariikhda Minnesota gala oo sanad walba la xuso.
Mob Justice waxa Soomaalida uu ka bilawday markii dawladdiiSoomaaliyeed la
riday oo jabhadaha ayaa soo kordhiyay intii dawlada laga helyona dhaqankan
jaahiliga ah oo u dhigma casrul jaahiligii carabta duugi jirtay gabdhaha waa
nala joogayaa.
Maanta 2000 oo qof oo uu horkacayo mayorka Duluth ayaa xusay dal dalkaas
xaq darada ahaa oo taalo u taagay saddexdii nin oo la dilay Su’aashu waxay
tahay taalo ama xus malala kala gaaraa dadkii badnaa ee Soomaaliyeed ee
gardarada lagu dilay ? Jawaabtu waa maya laakiin maalinta xisaab alle ayaa ka
danbaysa jabhadaha iyo dhamaan dabkii qubay dhiig Soomaali.
Rush Limbaugh: In badan ayuu ku celceliyay in kuwa daroogada gadaa la xiro
asagii ayaa qirtay inuu daroogada isticmaalo.
Waa nin leh barnaamij raadiyo iyo TV haystana dhagaytayaal gaaraya 20
million; waa nin aftahan ah oo maadeyn badan; waana nin taageera xisbiga
republicanka ee Maraykanka oo la aaminsan yahay inuu ka danbeeyay guulihii
xisbiga ee sanadahii danbe. Waa nin aad ugu dheeraaday sidii loo xiri lahaa
qofkii daroogada si aan sharci ahayn u isticmaala; waa nin faaladiisa laga
daayo 600 oo radio iyo dhawr TV. Waa nin aad u xag jira oo ah muxaafid oo ku
ad adag dan yarta iyo kuwa laga badan yahay naxariisna aan looga baran---
laakiin usbuucan xaaladiisa ma fiicnayn
Rush Limbaugh waxaa iskugu darsamay labo shil
1) TV cayaaraha oo uu ka shaqayn jiray oo uu isaga tegay ka dib markii
hadal qalad ah afkiisa ka soo yeeray asagoo ka baqay in TV la dacweeyo (
Wuxuu yiri nin madaw oo cayaartoy ah uma qalmo ee meesha waxaa loo geeyay
qalabka warbaahinta inay arkaan in nin madaw ah cayaarayo)
2) Gabadhii u shaqaynaysay oo daroogada u soo gadaysay oo fashishay ka
dibna uu qirtay inuu daroogada ku xad gudbo.
Arrimahan oo dhan waxay caawiyeen ninkii buuga cayda ah ka qoray oo
beryahan suuq yeeshay. Buugaas oo la yiraahdo “doqonkii buurnaa ee weynaa”.
Asagoo ku jeeda Rush Limbaugh.
God qayaano ha qodin ku dhici doontaana ma ogide!.
Talyaaniga: Maalinkasta oo Jimco ah in la soomo waa haboon tahay!
Halka meelo badan oo adduunka ka tirsan dadka macluul u dhintaan dalalka
reer galbeedka ayaa waxa ka socda wal wal badan kaasoo ku saabsan buurnida
haba u sii badnaadee maraykanka oo lagu qiyaasay saddex meeloodow labo meel
inay dadkiisa buur buuran yihiin. Faransiiska ayaa ugu caatosan Europe.
Galbeedka ayaad ku arkaysaa dadka oo waqtigooda gelinayaan inay ordaan ama
iscaateeyaan oo qalab badan soo gataan waxaa kale oo aad arkaysaa in kaftanka
iyo maadaytune u badan tahay buurnida caydana sidoo kale buurnida.
Caruurta buuran e iskuulada taga ayaa la kulma cay iyo fadeexayn badan oo
la xiriira buurnida. Gabdho tiro yar ayaa cuntada iska dhaafa ilaa ay suuxaan
oo beerku qalalo markaas ayaa isbitaalada loola cararaa si nafaqo loogu shubo
kuwa waaba u dhintaan arrintaasi waxaa la yiraahdaa anorexia. Waalidiin badan
waxa ay eedeeyaan qalabka warbaahinta reer galbeedka oo dadka u sheega waxa
quruxdu tahay iyo waxa loo baahan yahay in la gato.
Haddaba dalka talyaaniga ayaa wasaaradda caafimaadka ay ka fakiraysaa in
maalinta jimcaha la soomo si cayilku u yaraado. Arrintan ma noqon doonto mid
qasab ah ee waxay noqon doontaa talo ka socota wasaadda caafimaadka ee
talyaaniga.
Winona, Minnesota: Ardada Hub waa la imaan karaan dugsiga .
Arrintaasi waa talo ay soo jeediyeen xubno ka tirsan gudiga gudoonka
dugsiga Winona, Minnesota ayagoo aaminsan in ardada la baro sida fiican oo
hubka loo adeegsado iyo sida loo xifdiyo; Haddii ay isku raacaan waa yeeli
karaan waayo maraykanku go’aanada iskuulada waa awood u leh gudoonka oo ah
xubno la soo doorto wax soo faragelin karaana ma jiro haddii aanay wax weyn
dhicin.
Hase yeeshee arrintaas waxay noqotay la yaab waayo muddo dheer ayaa la
oran jiray iskuulada hubka iyo daroogada ha laga ilaaliyo xataa aagga
iskuulada. Waxaa taas ka daran toogashada ardada iyo dhacdooyinka ammaan
darada iskuulada maraykanka oo beryahan ka sii darayay.
Gudoonka waxbarashada Winona arrintaas sahal kuma marsiin karaan waayo
waxay u baahan tahay in waalidiinta laga dhaadhiciyo in caruur hubaysani
aanay qatar ku ahayn ubadkooda.
Xubno ka tirsan gudiga gudoonka waxbarashada ee degmada Winoona ayaa ku
dooday oo yiri “fiiri statistikada intii aan Minnesota lagu soo rogin
sharciga tababarka hubka kontomeeyadii shilalaku waa badnaan jireen maxaa
yareeyay? Ayaga ayaa isu jawaabay oo yiri “waa tababarkii hubka oo la soo
rogay. Haddii ardada la baro hubka iyo sida wanaagsan oo loo isticmaalo ama
loo xifdiyo kaas oo ay ku baranayaan iskuulka Winoona oo ay joogaam qubaro
wax dhib ah kama imaanayo”.
Beryahan danbe dad qorshe u gooni ah wato ayaa faraha la soo gala
iskuulada Minnesota waxaana ugu danbeeyay markii ay qaar xag jira ku soo
rogeen dhowaan in ardada Isniin kasta istaagto oo qaado heesta calanka iyo
qaranka. Sharcigan waxa uu ku bilawday in qofkii raba qaado heesta hadda se
macalimiinta badankood waa dhaqan geliyaan oo xataa kii ka hara waxaa uu ka
baqayaa inuu yahay macalin caasi ama bulsho qilaaf ama ardo qilaaf.
Waxaan kale oo aan ogsaaonahay in iskuulada ardada la is dacaayadeeyo lana
is yaso oo aanay naxariisi oolin oo cadaadiska saaxiibadu aanan la caabin
karin sidaa darted ardada badankood waa qaadaan ayagoo uu sharciga ogolyahay
inuu xor u yahay.
Caruurta
Soomaaliyeed ee Minneapolis Qaarkood ma Gangs bay ku biireen?
Waa Daraasaad uu sameeyey Maxamuud Nuur Wardheere..
Guji..
Mahamoud Wardere
mnwardere@yahoo.com
Minneapolis, Minnesota USA.
