SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Governorka Minnesota oo u Hanjabay Ardada Dugsiyada MN.

wardheere Maxamuud Nuur Wardheere 

 mnwardere@yahoo.com 

Minneapolis, Minnesota, USA

Oct 20, 2003 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Governorka Minnesota Tim Pawlenty ayaa u hanjabay ardada dhigata dugsiyada Minnesota oo yiri “waxaan soo gabogabaynayaa iska gudub gudubkii ay ardada isaga gudbi jireen sanad dugsiyeed ka cusub level ilaa level ama grade ilaa grade ka sareeyo ayagoo aanan ku najaxin imtixaanka . Habkan oo loo yaqaan (social promotion) waa hab ardada lagu ilaalinayay in aanay niyad jebin oo ay la socdaan kuwa ay isku da’da yihiin.

Qubaradii dejisay habkan social promotionka ayaa aaminsan in aanay cadaalad ahayn in ardayga la rido ama la ciqaabo haddii uu imtixaamaka ku gudbi waayo waayo waxay aaminsan yihiin in ardayga haddii la rido ay ku abuumi karto inuu damiin yahay ama ceebaysan yahay oo qalbigiisa wax gaari karaan iyo in ardayga la rido oo faciisa laga reebaa aanay ahayn hab fiican oo sare u qaadi karta inuu ardayga waxbarashada ku najaxo.

Qubardan waxa kale oo ay aaminsan yihiin in tartanka iyo dadaalka loo dib dhigo jaamacadaha iyo marka ardaygu weynaado waayo markaas ardayga waa xor ama wax ha barto ama yuusan baran isagaana iska bixinaya waxbarshada inkastoo haddii uu rabo waxbarasho dhaqaale ahaanna uu liito la caawimi doono.

Muddo dheer ayuu gobolkan Minnesota hirgelinayay habkan waxbarashada noocan ah hase yeeshee governorku wuxuu leeyahay sidan cadaalad ma aha waayo sidee lagu kala baranayaa kii waxbartay iyo kii kale; kii dadaalka badnaa iyo kii seexday.

Governorku waxaa kale oo uu ku hanjabay inuu hirgelin doono in ardaygiii dugsiga gooyaa laga qaadi doono sharciga uu baabuurta ku wado (Arday badan oo dugsi sare dhigta ayaa baabuur wadata). Governorku wuxuu leeyahay ardaygii maqan waa qasaaro mana ogolaan doono ardada waa in ay maalin kasta dugsiga imaadaan oo waxbartaan. Governorka oo hore looga bartay ad adeeg xagga daryeelka caafimaad iyo dhaqaalaha lagu daryeelo dan yarta waxaa uu hadda u soo dhigtay ardada.

Dadka u arka governorku inuu ku qaldan yahay in uu ardada dusiyada ka maqnaata ka qaadayo batantaha waxa ay leeyihiin – ardada maqnaataa qaarkood waa jiran yihiin ama waalidkood oo jiran ayay daryeelayaan ama mashaakil ayaa haysta oo ay la iman la yihiin dugsiga waxay u baahan yihiin in la taageero ee uma baahna caga juglayn iyo in la ciqaabo.

Xubno ka tirasan congresska Minnesota ayaa leh waxa uu governorku ku dhawaaqay hadda ka hor ayaa dhawr goor la soo jeediyaya oo lagu fashilmay haddana kama yeelayno waana uu ku fashilmi doonaa.

Waa arrin u baahan in sharci laga dejiyo sidey ku danbaysona la arki doona.

Caruurta Soomaaliyeed ee Minneapolis Qaarkood ma Gangs bay ku biireen?
Waa Daraasaad uu sameeyey Maxamuud Nuur Wardheere.. Guji..

Mahamoud Wardere

mnwardere@yahoo.com    

Minneapolis, Minnesota USA.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

  

QORAALADII HORE EE WARDHEERE

 Caruurta Soomaaliyeed ee Minneapolis Qaarkood ma Gangs bay ku biireen?
Waa Daraasaad uu sameeyey Maxamuud Nuur Wardheere.. Guji..

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD