SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

SOMALITALK - CANADA

Doorashada Ontario : Soomaalida Ontario Deggan Maxaa la Gudboon 

Siciid Cali Axmed
Ottawa, Canada
Saidahmed67@aol.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Maalinta Khamiista ee bisha Oktoober ay tahay 2, 2003 ayaa gobalka ontario ee wadankan Kanada waxa ka dhici doonta dooroshodii dawlad gobeleedka Ontario. Doorashadan oo ay ku tartamayaan sadexda xisbi ee kala ah Progressive conservative party (PC), New Democracy Party iyo Liberal Party ayaa waxaa la saadaalinyaa in xisbiga Liberalku uu si xooga uga guulaysan doono xisbigga PC oo ah kan talada gobolakan hayay sideedii sanno ee la soo dhaafay. Ontario waa gobolka ay Soomaalidu Kanada ugu badantahay, waana markii ugu horaysay ee inta badan ee Soomaalidu ay xaq u yeeshaan in ay ka qayb galaan doorashada gobolkan. Sidaad daraadeed maqaalkan waxaan ku eegi doonaa qaar ka midda mawaaqifta kala duwan ee labada xisbi ee laga yaabo in midkood uu ku guulaysto tallada gobolkan (kuwaas oo ah Xisbiga PC ga iyo Liberalka). NDP da mawaaqifteeda ma ku eegi doono maqaalkan laakiin hoos ayaan ku soo lifaaqi meelaha laga heli karo macluumaadkooda. Mawaaqiftaas aan soo bandhigi doonaana waa kuwa aan is leeyahay waxa ay saamayn ku yeelan karaan Soomaalida gobolkan deggan. Ugu dambaynta maqaalkan waxaan ku eegi doonaa waxa la gudboon jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolkan iyo guud ahaanba Soomaalida deggan Kanada.

Mawaaqifta Xisbiyadan

1. Adeegida Bulshada

In badan oo Soomaalida deggan Gobolkani waxa ay u badan yihiin caruur iyo dumar laga yaabo in aanay shaqaynin. Sidaa daraadeed adeega dawladu noloshooda saamayn wayn ayuu ku leeyahay. Balan qaadyada xisbiyadan ee adeega bulshada waxaa ugu muhiimsan kuwan soo socdda :

Xisbigga Liberalka:

1. Xisbigga liberalku waxa uu balan qaaday in uu mushaharka lagu shaqeeyo uu saacadii ugu yaraan ka dhigayo 8 dollar halka uu iminka yahay 6 doolar iyo 85 senti.

2. Waxa uu balan qaaday in aan la dalici doonin lacagta ijaarka guryaha labda sanno ee soo socda.

3. In uu dan yarta u dhisi doono 200000 oo aqalo cusub ah.

4. In qofkii caydh qaata, lacagta cashuurta ee caruurta la siiyo aan loo xisaabin doonin marka la qimaynayo gunada bishii la siiyo.

5. Lacagta ay dawladu siiso dan yartu in ay la kordhi doonto hadba sida uu sicirka noloshu u kordho.

6. In reeraha caruurta haysta deeqmo lacageed la siiyo. Tusaale ahaan reerkii haysta caruur da’doodu ka yartahay 4 sanno dakhligooduna uu gaadhayo $75 000 waxa uu u balan qaaday in maalin kasta la siinayo lacag gaadhaysa $5 yacni sandkii 1800 oo doolarka kanadiyanka ah.

Xisbiga Conservativeka

1. Wuxuu balan qaadayaa in lacag gaadhaysa 192 Milyan uu ku bixin doono barmaamijyada loogu talagalay koritaanka ubadka yaryar.

2. Waxa kale oo uu balan qaadayaa in uu bilaabi doono barmaamij cusub oo lagu caawin doono qoysaska caruurta leh ee ay dawladu caawiso.

3. In uu abuuri doono kooxo dadka dariiqyadda seexda caawiya. Kooxahan ka shaqaynaya arinkan waxaa la siin doonaa awood ay ku muquurin karaan dadkaa darbiyada seexda.

2. Danbiyyada

Ka hortaga danbiyada guud ahaanba iyo danbiyada uu asalkoodu yahay cunsurinimadu waa arin muhiim u ah Soomaalida deggan Ontario. Magaalooyinka ugu waaween Gobolkan waxaa ku soo badanaya falalka danbiyada ee ay sameeyaan caruurta Soomaalidu. Sidaas oo kale Soomaalidu waa dad diin , dhaqan iyo midaba ka duwan badiba dadka deggan wadankan. Mararka qaarkoodna waxaa dhacda in la inagu sameeyaa falal cunsurinimo. Sidaa daraadeed waa loo baahanyahay in la ogaado mawaaqifta xisbiyadan ka jooogaan arinkan. Hoos waxaan ku soo bandhigi mawaaqifta ugu muhiimsan ee labadan xisbi

Liberalka

1. Wuxuu balan qaadayaa in uu ilaa 1000 booliis ah shaqaaleeysiiyo, si ay ula dagaalamaan danbiyada.

2. In uu ka dhiso gobolka farac cusub oo boolis ah kaas oo la dagaalama cunsurinimada.

3. In caruurta yaryar ee gala danbiyada marka ugu horaysa ay ciqaabtoodu noqoto in ay ka shaqeeyaan jaaliyadaha (ama communitiyada) halkii loo diri lahaa jeelasha.

Conservativeka

1. in dadka wadankan u soo hijrooday la baadho inta aanay gobolkan soo degin.

2. In qaxootiga laga jaro caawimada xaga sharciga ah ( legal aid) ee ay dawladu siiso.

3. In laga hortago in danbiilayaasha caalamiga ahi ay gobolkan soo degaan.

3. Tacliinta

Mustaqbalka wanaagsan ee ubadkeenu waxa uu ku jiraa hadba sida ay wax u bartaan, Tacliintu wadanka Kanada waxa ay ka mid tahay arimaha uu gobolku ka masuulka yahay. Jaaliyada Soomaalida ee gobolkan deggana boqolkiiba in ku dhaw 70 waxa ay da’doodu ka yartahay 25 sanno. Sidaa daraadeed tacliinta halka ay ka joogaan xisbiyadani in la ogaado waa mid muhiim ah.

Liberalka

1. Waxay balan qaadeen in ay kindergarten-ka (SK & JK ) maalin dhan ka dhigi doonaan, halka ay iminka ka yihiin maalin badhkeed..

2. In lacagta loo soo celiyo waalidka caruurtoodu ay dhigtaan iskuulada khaaska ah sida Islamic Schoolka la joojin doono, lacagtii waalidkaa la siin jirayna la galin doono iskuulada dawalada (public School).

3. In caruurta lagu qasbo waxbarashada ilaa ay gaadhayaan 18 jir halka ay iminka ka tahay khasab ilaa 16 jirka.

4. In waalidka loo ogolaado in caruurtooda ay gaystaan uskuulka ay doonaan.

5. In aan la dalici karin lacagta (fee-ga) jaamacdaha Onatario muddo laba sano ah.

6. In caawimada la siiyo ardayda dan yarta ah ee jaamacadaha dhigata la kordhiyo

7. in boqolkiiba tobonka ugu faqiirsan ardayda laga dhaafo fiiga jaamacada ama collegka.

Conservativeka

1. In la mamnuuco shaqa joojinta macalimiinta.

2. In laga hortago dhibaatooyinka caruurta kaga yimaada caruurta kale ee la dhigata Iskuulka.

3. In waalidka loo ogolaado in ay caruurtooda geeyaan iskuulka ay u arkaan in caruurtooda uu u fiicanyahay.

4. In caruurtu inta ayna ka bixin dugsiga sare ay galaan imtixaan lagu eegayo in ay u qalmaan in ay qalin jabiyaan. Hadii la arko in ayna ka gubi karin imtixaankaana waa in caruurtaa la caawiyaa.

5. In waalidka caruurtoodu dhigtaan iskuulada khaaska ah loo soo celiyo badh ka mida kharashka ubadkooda ee iskuulda khaaska ah ( waa hadii waalidku uu cashuur bixiyo)

Maxaa La gudbooon Soomaalida

ERNIE EVES -
oo ka tirsan xisbiga  PC, waa premierka Ontario ee hadda.

DALTON McGUINTY
Hogaamiyaha Xisbiga Liberal-ka Ontario
 
HOWARD HAMPTON
Hogaamiyaha xisbiga NDP.


GUJI HALKAN..

Mawaaqiftaasi waxa ay ka mid yihiin mawaaqifta ugu muhiimsan ee xisbiyadani ay ka kala taaganyihiin arimahaas muhiimka ah ee nolosheena saamaynaya. Soomaalida Dhulkan soo degtay badidoodu lacag iyo cilmi wayn lamay iman laakiin waxa ay la yimaadeen tiro. Wadamadan galbeedkana tiradu waa macdan aad iibin karto waqtiga doorashooyinka. Waxa ay ahayd in jaaliyada Soomalidu isu timaado codkoodana ay siiyaan cidii ay u arkaan in ay u khidmaynayso danta jaaliyadooda. Hogaanka jaaliyadaha Soomaalida ayay ahayd in ay shaandheeyaan mawaaqiftaa kala duwan ee xisbiyada ka dibna ay taageeraan kii ay ku jirto danta dadkoodu. Maadaama aana maanta arag hogaankaas ay jaaliyadu u baahantahay (hadii ay jiraana aniggu ma arag) waxaan ku boorin lahaa qof kasta oo akhrista maqaakan oo deggan gobolakni in uu maalinta Khamiista ka qaybgalo doorashadan. Cidda uu u codaynayo (footaynayo) damiirkiisa ayaan u dhaafaynaa laakiin aragtidayda waxaa muhiim ah in aynu dhaqan ka dhigano in aynu ka qayb galo keenista dad aan u ragno in ay u khidmaynayaan maslaxada dadkeena iyo maslaxad wadankan aynu soo degnayba. Waxaan rajaynaya in maalinta aan fogayn aan arko dadkayga oo ka midaysan dhibaatooyinka ku haysata qurbaha si wada jirana isaga kaashanya ugu yaraan arimaha saamyanta ku leh noloshooda.

Mahadsanidin,

Fiiro Gaar Ah

Maqaalkan si degdega ayaan u qoray markaa ka raali ahaada qaladaadka xaga madbacada ah.

Isha Maqaalkan

http://www.cbc.ca/ontariovotes2003/features/ed_platforms_052903.html

Siciid Cali Axmed
Ottawa, Canada
Saidahmed67@aol.com

QORAALADII SICIID CALI: 1aad | 2aad | 3aad  | 4aad | 5aad | 6aad  |  7aad  | 8aad

Faafin: SomaliTalk.com | October 1, 2003

 Soomaalida London, Ontario oo u Codeyn Doona Xisbiga Liberalka:
Canada:
Doorashada dawlada Ontario oo dhici doonta Guji

.. WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD