SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
OGEYSIIS: JAGO BANAAN

12.09.03

JAGADA MADAXWEYNANIMO OO KA BANAAN SOMALIA

ku: Dhamaan warbaahinta xorta ah.

Ku. Dhamaan ummada Somaliyeed.

Waxaa lala socodsiinaayaa dhamaan ummadda somaaliyeed in ay Somaliya ka banaan tahay jago amase shaqado muhiim ah taas oo ah QOF MADAXWEYNE U NOQDA SOMALIYA.

SHAHAADOOYINKA

Qabyaalada iyo kala qaybinta

Guulihii Kacaankii 21 oktoobar.

Dagaal Ooganimo

Aqoon dheeraad ah Xasuuqa,abaabulka ciidan beeleedka iyo kicinta qabaailka uu ka soo jeedo,musuqmaasuqa iyolunsiga xoolaha dadka ka dhexeeya.

SHAQADA UU QAABANAYO.

Waa in uu soo dhisaa dowlad balaadhan ,waana in ay iska dhex arkaan qabaailk oo dhami,waan in dowladaasi ay raali gelisaa dowladaha deriska iyo kuwa fogfogba,waa in dowlada uu soo dhisaa haba yaraatee aanay raali gelin dadka Somaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba.

Dowlada uu soo dhisaaa waa in haba yaraatee aanay waxba u qaban ummaadda Somaliyeed,waana in aanay dhaafin mid ka mid ah Xaafadaha Muqdisho.

SHURUUDAHA

Waa in dadiisu aanay ka yaraan 55 ilaa uu ka dhinto.

Waa in uu Qabyaalada si fiican ugu dhaqmi yaqaanaa, si dhaqso ahna isugu diri karaa qabaailka Somaliyeed,dagaalna ka dhex ridi karaa saacado gudahood amase markasta oo loo baahdo.

Waa in uu ka soo shaqeeyey Kacaankii 21kii Oktoobar,xilal kala duwana ka soo qabtay.

Waa in 12kii sano ee ugu dambeeyey uu ahaa Dagaal Ooge,kana qayb galay dagaalo sokeeye oo badan kana soo hooyeyey ,guulo wax ku ool ah.

Waa in uu haystaa ugu yaraan 2000 oo ciidamo beeleed ah,qalabkooda dagaalna u dhan yahay.

Waa in uu haystaa ugu yaraan 40 gaadhi oo kuwa Tekniko-da loo yaqaano ah.

Waa in uu xukumaa mid ka mid xaafadaha Muqdisho,haddii laysku dayo in laga qabsadana waa in uu difiici karaa.

 

Waa in uu leeyahay saaxibo xun xun sida Qadaafi oo kale.

Waa in shir dibada lagu qabtay laga soo magacaabay,lana yimaadaa Dastuur iyo Baarlamaan shirkaa dibada laga soo wada magacaabay.

Waa in wixii mucaawino ah ee la siiyo dowladiisa uu sida u dhaqsaha badan u jeebka ugu shuban karaa.

Waa in ay col yihiin dhamaan dagaal oogayaasha kale oo dhan ,laakiin ay heshiis ku yihiin in Somaliland in aanay gooni u goin.

Cidii isu aragta in ay shuraadahaa buuxin karto shaqadaana ka soo bixi karta waa in ay sida ugu dhaqsaha badan ugu soo hagaajisaa codsigeeda shirk gudoonka shirka Narobi ee Kenya amase Abdi M.Saleiman aniga ayaa u sii gudbin doonee .

F.G. Ogeysiiskan hore ayaa qaarkiis loo daabacay wuxuu ku qornaa afka English,haddaba cabashooyin badan oo naga soo gaadhay dad doonaya in tartanka ka qayb galaan ayaanu hadda mar kale idiinku soo daabacnay afkiina hooyo.

Araajidu waxay ku egyihiin 30.10.03


Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 12, 2003 | 

QORAALADII HORE EE CABDI M. SULEYMAAN...

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Hab-Qoraalka Miro-Dhalka ah [C/Shakur]
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]