|
BAROORTU ORGIGA KA WEYN
Farah Warsame
bile1971@hotmail.com
Assalaamu caleykum ,
Qoraalkeygu maanta kuma saabsana jawaab aan
cid u jawaabayo, mana jecli in aan qoraalada caadifaddu ku jirto ka naqdiyo,
laakiin mowduuceygu waa NASEEXO aan ugu digayo shacbiweynaha reer Puntland.
Waxaan Akhriste rabaa in aan ku tuso sida
fitno loo abuuri karo , la isugu aaddin karo karo, hadhowna si sahal ah laguugu
gelin karo haddii aadan (analyse) baarid ku sameyn ama aadan lafagurin. Dadbaa
waxaa ka dhaadhacsan in shacbiweynaha P/Land si sahal ah loo duwi karo.
Dhibaatadii ka dhacday dhulkeenana (dhulkii udugga) waxaa sababay fitno ay dadi
abuureen sidey doonaan ha u abuuraane. Halkaa waxaa laga helay galdalool laga
soo geli karo dadkeena si beri haddii dhibaato lala maago si sahal ah loogu
gudbiyo. Anigoo taa ka faaideysanaya ayay ila noqotay in aan laga aamusin cid
walba oo damacda ama isku dayda in khalkhal geliso nabadda iyo horumarka
Puntland maanta ka jirta. Qofka reer puntland ahna waxaa wanaagsan haddii uu
garto in ay jirto khatar iyo fitno lala maagan yahay dadkiisa in uu walaalihiis
u iftiimiyo ugana digo.
Munaafaqadda dadkan lagu hayo weligeed waa
jirtay, laakiin waxey si fiican u soo shaac baxday markii C/rashiid Cali
Sharmaarke madaxwene loo doortay, waxeyse aad u soo xoogeysatay 13-kii sano ee
aan dowlad la’aanta aheyn, haddii aan Soomaali nahayna si naloo fidneeyo waxaa
fitnada naloogu soo dhex qariyaa meelaha ay Soomaalidu ka hesho sida suugaanta
(heesaha, gabayada, majaajilada(ila qosol) IWM), ama meeshii kale oo macquul
ah. marmarka qaarkoodna diinta ayaaba lagu soo gabadaa.
Haddii aan u soo leexdo dulucda qoraalkeyga
maanta oo ku saabsan sida ninkan magiciisa ku sheegay C/waaxid uu doonayo in uu
ummadda P/land ugu cago jugleeyo, isaga horkeeno , dab uga dhex huriyo, uguna
cabsi geliyo wax aan waxba ka jirin. Sheekaba sheekey keentaaye qoraaladeydii
hore waxey ku saabsanaayeen in aan ogaado halka C/waaxid salka ku hayo, markii
aan meesha bukta taabtayna waa taas oo uu soo burqaday inkastoo xadiisydii naga
yaraadeen haddana waxaa soo baxay ujeedada qoraaladiisa oo uu awalba boorka ku
qarin jiray, ileyn wixii uurka kaaga jira afkaa kaa xadee. Su’aashuse waxey
tahay maxaa ninkan loo arki waayay markii qalalaasaha P/land uu qoyanaa oo
dadka qaarkii ay calanwaleynayeen, muxuuse ka tarayaa hadda oo ay lugaheeda
isku taagtay waa P/land-ye dadkuna fahmeen dabinka loo qoolayo??????????
Qoraalkiisii ugu dambeeyay ee uu madaaluhu
(c/waaxid) soo qoro oo cinwaan khaldan watay waxa uu isku dayay in uu naga
dhaadhiciyo sheeko uu isku aad-aadiyay, isagoo hal qabsi ka dhiganaya C/laahi
Yuusuf , ileyn markii aad meel maagan tahay meel baa loo sii mareeye WUXUU:
Ku taliyay in madaxdii cinqilaabkii
dhicisoobay 1978-dii waday oo ay rabeen in uu noqdo mid aan dhiig ku daadan,
ay xabbad dadka la kor tagaan sida ay yeeleen kuwa hadda xaaraanta Muqdisho
ku heysta.
Rabay in aan la mucaaradin xukuumaddii
Max’ed Siyaad ee dadka jiifka iyo joogaba u diiday.
Rabaa in uu dadka ka dhaadhiciyo in P/land
nabadi ka jirin waqtigan xaadirka ah.
Jecelyahay in qodobka lagu muransanyahay ee
federaalisamka meesha laga saaro.
Ku faraxsanaan lahaa in dagaaladii p/land
ka dhacay oo dadkiisii ka heshiiyay ay dib u soo noqdaan.
Isku deyayaa in Jaamac Cali Jaamac & Cadde
Muuse eed kala dhex dhigo.
Rabaa in dadka wada dhashay ee reer P/land
iska hor keeno.
Magaalo keliya ku koobay qalalaasihii
P/land oo dhan saameeyay.
Rabaa beel ama jilib hoos isu sii xigta in
ay is colaadiyaan.
Saaxiibbo ku sheegay kuwii ka dambeeyay
dhibaatooyinkii shacbiga P/land ku dhacay, dhiigoodana daadiyay.
Rag xoog badan ku sheegay kuwa soomaaliya
ay ka dagi la’dahay, dad liitana ka dhigay siyaasiyiinta caanka ah ee aan
qoriga caaraddiisa wax ku dooneyn.
Rabaa in uu dadka ku cabsi geliyo
Somaliland baa idinku soo maqan.
Doonayaa in uu kala jaro gobolada iyo
degmooyinka ay P/land ka kooban tahay.
Rabaa in Madaxweynaha P/land ka tanaasulo
qodobka 19aad oo P/land burburto,18-kii gobolna loo noqdo.
Isku dayayaa in siyaasiyiin reer P/land ah
oo shirka joogta iska hor keeno.
Reer P/land ku cabsiinayaa in la leyn (gumaadi)
doono.
Rabaa in uu dadka ka dhaadhiciyo in
mooryaanta Xamar ay P/land difaacayaan.
Rabaa in shacabka iyo madaxda reer P/land
iska hor keeno.
Rabaa in uu naga dhaadhiciyo in uu nin ehel
ah yahay (puntlander). laga yaabe in uu ku dhashay, laakiin isagu isu qaatay
in uu yahay.
Iyo kowo kale oo badan ma anaa soo wada koobi
kara, arimahaasoo dhan waxey iyagoo habeysan ugu jiraan qormadaa aan kor ku soo
sheegay.
Akhristow marka wax laguu sheego ayaad wax
garataaye, maxaad fahamtay(maxaa kuu baxay)? Maxaa kula gudboon in aad ka
yeesho fitnooyinkaa oo kale? Maxaan uga hortagi karnaa xargaha Xamar laga soo
maleegayo oo ay dad badani hoggaanka u hayaan?
Arintu C/laahi Yuusuf ka weyne sidee isaga
caabinaa khiyaamooyinkaa iyaga ah?
Jawaabtu waa sahal, keliya waa
adigoo xarigii la xiraaba dib u fura. sideeeee? Waa adigoo jawaab kulul ka
bixiya wixii xumaan iyo fitno ah oo dadkaaga iyo ehelkaaga lala maagan yahay,
ugana diga khatar walba oo jirta. Kama wado hadaladan maalaayacniga ah ee
ninkani qoray iyo kuwa la halmaala, laakiin waa arin kuwo badan oo XAMAR jooga
qabaan.
Waxaan ku soo gabagabeynayaa P/land ha jirto,
ha joogto, ha jabo cadawgeeda.
Wabbilaahi Towfiiq.
Waad mahadsan tihiin.
Wassalaamu caleykum
Farah Warsame
bile1971@hotmail.com
QORAALADII HORE EE
FAARAX WARSAME...
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk Sept 14, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
»
Hab-Qoraalka
Miro-Dhalka ah
[C/Shakur]
|