SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Xarunta Ibnu Baaz ee Dacwada & hanuuninta

Xafladda xiritaanka Seminaarka saxaafadda

Waxaa khamiistii lasoo dhaafay ee taariikhduna ahayd 11/09/03 lagu soo gabagabeeyay Xarunta Ibnu Baaz ee dacwada & hanuuninta ee ku yaal magaalada Muqdisho Seminaar ku saabsan xirfadaha saxaafadda oo socday muddo 7aad ah.

Ujeeddooyinka Seminaarka

1- Soo saarista xirfadlayaal saxaafadeed oo buuxiya baahida warbaahineed ee bulshadeenna.

2- Isku xirka maabaadi’da ummaddeenna & aqoonta saxaafadda.

3- In lagu baraarugo hagardaamooyinka warbaahineed ee lagu hayo bulshadeenna & siyaabaha looga hortagi karo.

4- In la xoojiyo kaalinta warbaahinta Islaamiga ah, loona helo kaadir ka hawl gala.

Seminaarka waxaa duruus ka bixiyay 7 macallin oo ugu deeqay aqoontooda & waqtigooda siday ugu faa’iidayn lahaayeen dadkooda. Duruusta lagu qaatay Seminaarkaan waxaa ka mid ah: Tifaftirka saxaafadeed, Ahmiyadda warbaahinta, Shuruudda sharciga ah ee wartabinta, saamaynta Ra’yilcaamka iyo kuwa kale.

Gabagabadiina waxaa Markazku ugu baaqayaa aqoonyahanka Soomaaliyeed inay dadkooda uga faa’iideeyaan takhasusyada kala duwan ee ay leeyihiin. Dadwaynahana wuxuu ugu baaqayaa inay uga faa’iidaystaan waqtigooda wax ay ku anfacaan naftooda & ummaddoodaba.

Qore: xuseen c/rashiid  shxuseen@hotmail.com

Waxaa soo tebiyey
 
Abuukar yaasiin abuukarsom@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 14, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

» Hab-Qoraalka Miro-Dhalka ah [C/Shakur]
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD