|
3 Nin oo Lagu Dilay Bartamaha Magaalada
Galkacyo Cabdi Xasan Cali
Somalitalk.com/Muqdisho
abdi172@hotmail.com
Axad Sept 14, 2003
Wararka naga soo gaaraya magaalada Galakcyo
waxay sheegayaan in maanta saacaddu markay ahayd 12:00 duhurnimo ay niman
hubaysan oo ka tirsan beesha reer Nimcaale (sacad)ay si gaadmo ah magaalada
bartamaheeda ku dileen labo nin oo ah beesha Saleeman Cabdalle (Dir)
islamarkaana xabadihii ay uwadeen ay haleeshay nin kale oo taagnaa agagaarka
ragga lala beegsaday toogashada ninkaasoo aan ka tirsanayn labada beelood oo
xurguftu ka dhaxaysay.
Sida lawada ogsoonyahay dagaal dad badani ku hoobteen ayaa udhaxeeyay beelaha
reer nimcaale(sacad) iyo saleemaan cabdalle(Dir)kuna dhexmarayay dooxada golol
laakin hadda waa markii uhoreysay oo dagaalka lasoo dhexgaliyo magaalada
galkacyo labada beelood wada deggan yihiin.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in magaaladu kacaday oo laga cabsi qabey beesha
laga dilay ragga inay iyana samayso aargoosi oo ay qalabqaateen. Masuuliyiin
iyo odayaal ka tirsan degaanka ayaa aad ucambaareeyay falkaas fulaynimadu ku
jirto oo dagaaladii miyiga soo dhex galiya magaalo camiran oo lawada degan
yahay,waxayna ka codsadeen jufada reer nimcaale inay gacanku dhiiglayaasha soo
qabtaan si sharciga loo horgeeyo isla markaana looga fogaado kala qax ku
yimaada magaalada.
warkii udambeeyay waxay sheegayaan in nimankii wax dilay ay u carareen dhanka
magaalada hobyo sarkaal ka tirsan ururka USC/SNA Caato ayaa noo sheegay in lagu
raad joogo dhagarqabayaasha,kana codsadeen beesha gaadmada lagu waxyeeleeyay ee
saleman cabdalle iyo qolada kamada(qasdi la,aanta) ninku uga dhintayba ay ka
warsugaan oo xasilaanta ilaaliyaan inkasstoo magaalada dhiilo xuni ka jirto.
Dhacdo kale waxaa maalintii jimca ahayd lagu dilay tuulada beyra oo ka tirsan
20km waqooyi ka xigta magaalada galkacyo nin oday ah una dhashay beesha sacad
isla markana waxaa lagu dhaawacay 2 qof oo kale waxaana gaystay baa la yiri
dablay ka tirsan beesha cumar maxamuud. waxaad moodaa gobalka mudug inoo u
qasanyahay sida xamar oo kale oo dilku macno ku fadhiyin.
Cabdi Xasan Cali Somalitalk.com/Muqdisho
abdi172@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 14,
2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
»
Hab-Qoraalka
Miro-Dhalka ah
[C/Shakur]
|