|
Sweden oo looga dareertay aftida lacagta Euro-da
kadib dilkii wasiirkeedii Arimaha Dibadda
Inkastoo guud ahaan dalka uu kujiro xaalad murugo leh iyo siyaasad madow
kadib dilkii loogeysatay wasiirki Arimaha dibada Sweden ee Anna Lindh, hadana
maanta axad ah waxaa gebi ahaan dalka looga dareeray aftidii luga qaadayey
qaadashada lacagta bahwadaagta Midowga Yurub ee Euro-da loo yaqaano.
Gebi ahaan waxaa albaabada loo furay xarumaha codka lugu qaado iyadoo dadku
badi weli ku jiraan naxdin iyo muraal dilaac ay ka qaadeen geeridii ku timid
wasiirka Arimaha Dibada ee Anna Lindh. Ka hor inta aysan dhiman Anna Lindh
waxaa ay warbaahinta dalkan sheegtay iney aad u tiro badneyd inta diidaneyd
qadashada, hase ahaatee mar qura dadku isbadaleen oo codkii siiyeen ururada
sida weyn ugu ololeeynaya qaadasha lacagtan. Waxaana arintan sabab looga dhigay
dilkii loo geystay wasiirka oo si weyn ugu ololeynesay qaadashada lacagta Euro-da.
Dhanka kale maalintii jimcihii ayaa si weyn
dalka looga baroordiiqay wasiiradii la dilay ee Anna Lindh, waxaana guud ahaan
dalka oo dhan laga xusay waxqabadkeedii muddadii dhowr iyo tobanka sanno ee ku
jirtay siyaasada. Gaar ahaan masaajida ku yaala magaalooyinka Stockholm,
Gothenburg iyo Malmö ayaa muslimiintu xuseen salaadii jimcaha kadib, sida ay
warbaahinta dalkan sheegtay. Hase ahaatee qaabkii ay dadka muslimiinta ah u
xuseen ayaan faallo laga bixin, waxaana ay Anna Lindh noqotay shaqsigii ugu
horeeyey ee aan Islaamka meel kasoo galin oo lugu xuso goobaha diiniga ah ee
dalkan Sweden ku yaala.
Anna Lindh wasiirkii Arimaha Dibada Sweden ayaa galabnimadii
arbacada aheyd waxaa nin aan la aqoon si ula kac ah mindi kaga dhuftay caloosha
iyo beerka oo waxyeeladii mindidaasi kasoo gaaray u dhimatay aroornimadii
khamiista, kadib markii qaliin qaatay saacado badan la bad baadin waayey
nafteedii.
Sidoo kale Anna Lindh markii ninku mindida ku soo weeray
waxaa ay la socotay saaxiibteed oo ay ka wada adeeganeeyn dukaanka caanka ah ee
NK, markaasoo aaney la socon wax ilaalo ah haba yaratee. Taasina ay keentay in
buuq badan hareeyaan canaana dusha looga tuuray ciidama amniga oo iyaga
arintaasi ka seexday. Ra'iisalwasaaraha dalkana markii uu warfidiyeenada u
sheegayey iney wasiiradiisi dhimatay maalintii khamiista, waxaa uu sheegay
inaan tafaasiil ka bixin karin sababta keentay in wasiirka xilligii shilkaasi
dhacayey aanu la socon wax ilaalo ah.
Wasiiradii geeriyootay ee Anna Lindh waxey aheyd haweeney aan dadka badankiisi
ilaawi doonin kaalintii wax ku oolka aheyd ee kaga jirtay siyaasada dalkan iyo
guud ahaan midowga Yurub, waxaana lugu tilmaamay iney aheyd haweeney cod kor ah
oo cadaalada iyo sinaanta u dirirta Islamarkaasina aan runta la gaban.
Sidoo kale waxey aheyd haweeneydii keliya ee reer Galbeed ah
ee ku tilmaanta madaxweyne Bush nin Axmaq ah, ra'iisal wasaaraha dalka
Israa'iilna ay sheegtay nin waalan aaneyba kala saari karin waalidiisa iyo
fiyoobidiisa., arimaha murugsan ee bariga dhexena waxaa Anna Lindh sheegtay in
maamulka Bush iyo Israa'iil aysan dooneyn xukuumad falstiin leedahay, mareykana
uusan ka aheyn arimaha bariga dhexe dhex dhexaad si xal loogu hello mushkilada
daba dheetay ee bariga dhaxe.
Isku soo wada duuboo maalintii khamiista ee taariikhdu ku
beeneyd sanad guuradii labaad ee kasoo wareegtay maalintii daarihii dhaa
dheeree ee New York iyo wasaaradii Gaashaandhiga dalka Mareykanka lugu soo
qaaday, maalintaasina si weyn looga xusayey maalintaasi murugada leh ayaa dadka
reer Swedena waxey maalintaas u tahay maalin madow kadib markii maalintaas
wejiyada badan leh ay ku soo beegantay geeridii Anna Lindh oo dhimatay 11
september ee 2003-da
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com
Booliiska Sweden
oo u Dhow inuu Aqoonsado
Qofkii diley wasiiradii arrimaha dibadda
Sweden..
Guji..
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 14,
2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
»
Hab-Qoraalka
Miro-Dhalka ah
[C/Shakur]
|