|
Dhambaal Ku socda Shirka
Nairobi-Kenya
Hawa Kamaludin
H.Ali-Afhayeenka Haweenka Nabadda Jecel ee
Gob.Minnesota ee Noth America
September 6,2003 | Faafin:
Sept 14, 2003
Anigoo ku hadlaya magaca Haweenka nabadda iyo
xornimada jecel ee Gob. Minnesota, waxaan la hadlahayaa: Odayo Dhaqmeedka jooga
shirka nabadda iyo badbaadinta Somaaliyeed; in ay talo iyo waxtar ku biiriyaan
shirka. Dadka kale ee u howl iyo dan seegay badbaadinta Somaliya in dawlad loo
dhanyahay ee adag la helo. Dadka aqoonyahanka isku sheega ee internedka wax ku
daabaca. Dadka ama kooxda kaloo hadba ka baxda/ku soo noqota shirka sidii
caruur akhlaaqdii ka xumaatay ee carqaladda ula taagan.
Odayo dhaqameedka,siyaasiyiinta,aqoonyahannada
iyo dadka kale(rag iyo dumarba)ee shirka majaraha u haya, diidayna in la
marinhabaabiyo oo uu fashilo; walaalayaal Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa
“waari mayside war ha kaa haro”. Taariikhda qof ma samaysto ee iyadaa isa
samaysa, waxaadna ka geli doontaan baal dahab ah oo lama illaawaan ah, jiilalka
naga dambeeyana ay akhrisan doonaan. Waxaad u adkaysateen dhib
badan,hagardaamooyinka kuwa aan danta ka lahayn dawla soomaaliyeed iyo sharaf
soomaaliyeed midna, waxaad u adkaysateen kuwa sharafka iska qaaday oo
isqaawiyey oo ummadoodu iyo aduunkuba la yaaba nyahay, waxaad u seegteen danta
guud ee Soomaaliyeed danihiinnii ,reerihiinnii,hawlihiinnii idinkoo intaa ka
hormarinaya badbaadinta dadkiinna iyo dalkiinna.
Waana taa midda taariikhda soomaaliyeed aad
baal cusub aad uga qormi doontaan. Walaalayaal ,"gacmo wadajir ayey wax ku
gooyaan", waxaan Alle idiinka baryaynaa in caqabadda iyo turxaanada idin
hortaagan Alle idinka horqaado. Waayo wadadii xaqa ahayd ee ummadeennu iyo
dalkeennu mudada badan sugahayey ayaad ku taagantihiin, kuwa isbaarooyinka
idinla daba joogana waxaan Alle uga baryaynaa, habaari maynee, in xaqa,
cadaalada iyo danta guud ee dadkooda iyo dalkooda Alle tuso. Waxaannu
leenahay-toobadkeena kana baxa dhibka ,baaba'a iyo halaagga aad ummaddatan la
daba joogtaan.
Haddii aydnaan yeelin,ogaada ummaddu idinma
cafiyi doonto,xisaabtii Alle iyo tii aakharana waydiin xaraysantahay oo Alle
waxba kama daahna. Walaayaal, ninka maanta u xusul duubahaya sii raajinta ama
sii dheeraynta dhibka dadkeenna iyo dalkeenna haysta,isla markaana qiiqa isku
qarinahaya in uu soomali yahay oo danteeda ka hadlahayo, yaa cagliga la' oo uu
beenta u sheegahayaa.
Sow ma arkaan dadka uu beenta u sheegahayo
dhibta laftooda haysata: dhimashada aan cidna loo aaba dayeyn, afduubka, boobka,
dhaca, faraxumaynta haweenka iyo waxyaalaha bini-aadanimada iyo islaanimada ku
foosha xun oo maalin walbaba beelaha uu horboodahayo haysata. Dadkaasow
indhihiinna fura oo isweydiiya waxa idin haysta, maxkamad soo taaga oo ha u
turinina wuxuu yahayba, hana ka dhagaysanina wuxuu idiin sheegahayo, mid ka
foolxun horyna idiinkuma dhicin dibna uma dhici doonto oo Alle ayeynu ka
magangalaynaa. Wixii ka masuulka ahaana abaalkeeda ayey heli doonaan aduun iyo
aakharaba.
Walaalaha shirkow-naga guddooma hambalyo iyo
annagoo idiin rajaynayna guul si dhaqsiyo leh Soomaliyu ugu aydo. Mid dibed
jooga iyo mid gudaha ku jiraba dhibkani waa na wada saaqay,inkastoo kan gudaha
ku jira dhimashada, dhaca iyo nabadgelyo xumidu u dheertahay, taana ay aabbe u
tahay sharci la'aanta iyo fowdada haysatay dalkeenna 13kii sano ee la soo
dhaafay. Walaalayaal,haddii aannu haweenka soomaaliyeed nahay, waxay dhegtu
noogu taagantahay natiijo deg deg ah oo waarta oo aan mar dambe burburin ama
shaqayn waayin, taana waxaa nala qaba oo aan ka simannahay haweenka shirka
jooga oo aan ka warqabno in ay jahowareerinta shirka horistaaganyihiin, geed
gaaban iyo mid dheerna u fuuleen sidii uu shirku u najixi lahaa.
Ogaada maanta waxaad taagantihiin booskii (Xaawa
Taako iyo kuwii la midka ahaa ee taariikhda aannu maanta sheeganno noo sameeyey).
Mawaad aragteen iyagoo shirka galoo-baxaya cid kasta ha lahaadeene? Haddaba
sidaa ku ogaada haweenka soomaaliyeed in ay ragga ka daacadsanyihiin kana
wadanisanyihiin. Haweenka Soomaaliyeed ma laba bogleeyaan waana naga dhab in
aanu doonayno Calan Soomaaliyeed iyo sharafkii qarankeenna ee rag godka ku
riday, taana waxaannu si cad oo aan loo kala harin adduun weynuhuna nagu garab
taagnaa ugu muujinnay haddii aannu nahay haweenka soomaaliyeed ee ku nool
gobolkan Minnesota ee waqooyiga America xafladii caanka ahayd ee aannu qabannay
10kii August ee bishii la soo dhaafay.
Bannan baxaas waxaa lagu tilmaamay kii ugu
weynaa oo ugu sharafbadnaa oo guud ahaan haween soomaaliyeed ay qabtaan intii
burbuku ku dhaca dalkeenna. Internetka ayaa laga aqristay, jaraa'id badan baa
soo qoray, dad badan iyo ururro badan baa nagala qayb galay oo nagu taageeray
oo caad ma saarayn-inkasto BBCdu dabooshay, waliba inta Ahmed Xassan Cawke
telephone nagu waraystay muddo dheer sifaha iyo ujeedada shirka oo aannu si
fiican ugu warrannay, taana jawaabteeda Soomaalida ayaa loo deynayaa oo BBC
maalin kula xisaabtami doonta. Walaalayaal,dad badan oo weliba qaarkood isku
tilmaamo in ay yihiin aqoonyahan, waxay aaminsanyihiin in uusan shirku
guulaysanayn mar haddii ay iyagu ka maqanyihiin, halkaana ay joogaan warLords
iyo dad aan wax ku ool ahayn. Annagu waxaannu ku leenahay"intee sano oo dambe
ayey soomaalidu ku sugtaa in aad talo u qabato?" Jawaabtu waa maya; shirkanna
guul kama dambays ah oo weliba deg deg ah ayaan Alle uga rajaynaynaa, adiguna
halkaaga iyo meel ka fog !naga joog Soomaali maslaxad uma hayside.
Waxaan leenahay qofka aqoonyahanka isku
tilmaamayow, haddii aad qalin iyo warqad qaaddo ama aad computer keeboard
isticmaashid, fadlan ha isku deyin in aad sii shiddo oo aad gaas ku sii shubto
dabka Somaaliya ka dami waayey 13sano. Ogow in ay dad kula garaad ahi ama kaa
aqoon badani jiraan, ishana lagugu hayo ee ama aamus ama wax san ku hadal.
Dambi iyo eedna dadkaaga iyo dalkaaga ha ka gelin.
Walaalayaal,sidoo kale waxaan ku oran lahaa
garabka jidkii toosnaa iyo jahadii ka lunsantahay ee shirka galoo-baxaya, ama
hadba belo la shirayso oo loo soo sheekaynayo-ogow in laguu jeedo oo aadan
daruur caafimaad oo curatay, saxansaxo udgoon, doog iyo rob wadata, Daayinkuna
doonayo dadkiisa dhibtooday in uu ugu deeqo, in aadan horistaagi karin ee ha
noqon dhurwaa marna xerada u soo dhaca marna ka carara, markii yur la yirahdo.
War Ilaahaa baa ku abuurtaye caado qaatow naga
fariiso, xaaraan ku naaxow naga fariiso, ma xishoodow aduunku waa ku arkaaye
naga fariiso, intixaankii ku dhacdaye naga fariiso, intaa aan sheegay kuwa u
naakhuudaynayow naga fariista. Somaaliyey adna dantaada garo oo kaan sheegayo
hadduu kula dhashay ama aad dhashay cayri oo ha soo dhawaysan waayo dan adiga
iyo ummadaada toona uma hayo.
Ninka oday beeleedka ah, kan is leh waxbaad
ahaan jirtey, kan isle aqoonyahan baad tahay oo waa laguu baahanyahay, isla
markaana saansaan xun iyo saan aan la garan u socdow, dalkaaga adaa u baahan,
adkaagana adaa u baahan, soor gumeedna ha qaadan, magacaagana ha dhaamin, eedna
ha ka gelin dalkaaga iyo dalkaaga.
Walaalayaal, waxaan hadalkaayga ku soo
gunaanadayaa,colaad sokeeye cidna guul kuma gaadho, dagaal wiil baa ku dhinta
ee wiil kuma dhasho, ummadanna Alle ayaa wax isugu daray oo ma kala maaranto;
ha ka qayb galin baai'nta jiritaankeeda iyo dagaal iyo colaad aan dhammaanayn
ka dhex oogideeda natiijan ka gaari maysid, magac iyo taariikhina kaa raaci
mayso. Miyayan ku dhibayn caruuraha dalalka shisheeyaha ku lumahaya, miyaadan
dhiig danqada u hayn kuwa gudaha gaajada, sharci la'aanta iyo silica iyo
saxariirta ugu dhimanaya, ma dantaada kuu gaarka ah ayaa intaas kaa indha
saabtay, xagee kaloose aad adigu dunida ku leedahay sow iyaga kama dhalan, waa
maxay nacasnimada ku haysa iyo marin habowga aad sii raadinayso.
Aduunku dhibaato waa soo wada maray, dagaallo
sokeeye iyo kuwo caalami ah intaba, waase waqtigee qofka madax in uu yahay
sheeganaya ama soo ahaan jiray oo waayo aragnimadiisu siisay in uu cajalada
taariikhda dib u celiyo isagoo ku andacoonaya qarnigan 20naad qabiil baa qabiil
kale xumeeyay. Sow ma oga mas'uul isku sheegaasu Kansarka dadkeenna haya in uu
xididadooda iyo dhiigooda ku sii fidinayo, mase u qalmaa in uu sheegto
masuuliyad Soomaaliyeed, hadduu sheegtase meel ma gaarsiinahayaa? Jawaabta
adinkaan idiin daynahayaa.
Cudurka Allaha naga saaro Nabad iyo Naacaw
Xornimana Allaha nasiiyo. Hadaad isweydiinaysaan ciddaan ahay; Shilaabo ayaan
ku dhashay, Buulo/Barde ayaan ku soo koray oo waxbarashadayda hoose ku soo
dhamaystay, tan sarana Xamar, dalkana 24tan sano qurbaha ayaan ka joogay.
Walaayaal, dad badan iyo jirri waxay ka
qaybgaleen dalkeenna dumistiisa, xidido u siibistiisa iyo baabi'nta qarankeenna
iyo jiritaankeenna. Waxaan rabaa in ay dad badan oo waxgarad ihi beel kasta ha
ka tirsanaadeene in ay igala soo qayb galaan doodan oo aynu ku sifowno isu soo
jiideyaasha dadkooda kala tegey iyo dhisayaasha sharafka dalkooda. Doodani ha
ahaato say noogu bilaabatay, nabad ku wada noolaashada, iyo dib u dhisidda
Soomaaliyeed.
Qofkii doonaa ha i caayo," waa gudcur ninkii
ku dhaashey, qodax iyo qaniin Allaa u dayey",qofkii doonaana ha eego fikradayda
hadii ay wax ku ool u tahay danta caamka ee dalkeenna iyo dadkeen.
Aynu ku wada hadalno qalbi nadiif ah, runtoo
la isu sheego, kan dambiga naga galay oo aan la qarin lana dhoobdhoobin, caqli
waxgarad ah oo aynu ku fekerro, danta caamka ah oo midda gaar ahaaneed aynu ka
hormarinno, waddo toosan oo wax ku ool ah oo aynu dadkeena tusno, iyo Allaha
macbuudka ah oo aynu ka baqno ,taladana aynu saaranno, wasalaamu aleymum wa
raxmatullah.
Israac iyo nabad ha la helo
Shirku guul waarta oo loo aayo ha gaaro
Hawa Kamaludin H.Ali
hkali@hotmail.com
Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey
Abdi Warsame
Email: naqib67@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 14,
2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
»
Hab-Qoraalka
Miro-Dhalka ah
[C/Shakur]
|