SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

Dhambaal Ku socda Shirka Nairobi-Kenya

Hawa Kamaludin H.Ali-Afhayeenka Haweenka Nabadda Jecel ee Gob.Minnesota ee Noth America

September 6,2003 | Faafin: Sept 14, 2003

Anigoo ku hadlaya magaca Haweenka nabadda iyo xornimada jecel ee Gob. Minnesota, waxaan la hadlahayaa: Odayo Dhaqmeedka jooga shirka nabadda iyo badbaadinta Somaaliyeed; in ay talo iyo waxtar ku biiriyaan shirka. Dadka kale ee u howl iyo dan seegay badbaadinta Somaliya in dawlad loo dhanyahay ee adag la helo. Dadka aqoonyahanka isku sheega ee internedka wax ku daabaca. Dadka ama kooxda kaloo hadba ka baxda/ku soo noqota shirka sidii caruur akhlaaqdii ka xumaatay ee carqaladda ula taagan.

Odayo dhaqameedka,siyaasiyiinta,aqoonyahannada iyo dadka kale(rag iyo dumarba)ee shirka majaraha u haya, diidayna in la marinhabaabiyo oo uu fashilo; walaalayaal Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “waari mayside war ha kaa haro”. Taariikhda qof ma samaysto ee iyadaa isa samaysa, waxaadna ka geli doontaan baal dahab ah oo lama illaawaan ah, jiilalka naga dambeeyana ay akhrisan doonaan. Waxaad u adkaysateen dhib badan,hagardaamooyinka kuwa aan danta ka lahayn dawla soomaaliyeed iyo sharaf soomaaliyeed midna, waxaad u adkaysateen kuwa sharafka iska qaaday oo isqaawiyey oo ummadoodu iyo aduunkuba la yaaba nyahay, waxaad u seegteen danta guud ee Soomaaliyeed danihiinnii ,reerihiinnii,hawlihiinnii idinkoo intaa ka hormarinaya badbaadinta dadkiinna iyo dalkiinna.

Waana taa midda taariikhda soomaaliyeed aad baal cusub aad uga qormi doontaan. Walaalayaal ,"gacmo wadajir ayey wax ku gooyaan", waxaan Alle idiinka baryaynaa in caqabadda iyo turxaanada idin hortaagan Alle idinka horqaado. Waayo wadadii xaqa ahayd ee ummadeennu iyo dalkeennu mudada badan sugahayey ayaad ku taagantihiin, kuwa isbaarooyinka idinla daba joogana waxaan Alle uga baryaynaa, habaari maynee, in xaqa, cadaalada iyo danta guud ee dadkooda iyo dalkooda Alle tuso. Waxaannu leenahay-toobadkeena kana baxa dhibka ,baaba'a iyo halaagga aad ummaddatan la daba joogtaan.

Haddii aydnaan yeelin,ogaada ummaddu idinma cafiyi doonto,xisaabtii Alle iyo tii aakharana waydiin xaraysantahay oo Alle waxba kama daahna. Walaayaal, ninka maanta u xusul duubahaya sii raajinta ama sii dheeraynta dhibka dadkeenna iyo dalkeenna haysta,isla markaana qiiqa isku qarinahaya in uu soomali yahay oo danteeda ka hadlahayo, yaa cagliga la' oo uu beenta u sheegahayaa.

Sow ma arkaan dadka uu beenta u sheegahayo dhibta laftooda haysata: dhimashada aan cidna loo aaba dayeyn, afduubka, boobka, dhaca, faraxumaynta haweenka iyo waxyaalaha bini-aadanimada iyo islaanimada ku foosha xun oo maalin walbaba beelaha uu horboodahayo haysata. Dadkaasow indhihiinna fura oo isweydiiya waxa idin haysta, maxkamad soo taaga oo ha u turinina wuxuu yahayba, hana ka dhagaysanina wuxuu idiin sheegahayo, mid ka foolxun horyna idiinkuma dhicin dibna uma dhici doonto oo Alle ayeynu ka magangalaynaa. Wixii ka masuulka ahaana abaalkeeda ayey heli doonaan aduun iyo aakharaba.

Walaalaha shirkow-naga guddooma hambalyo iyo annagoo idiin rajaynayna guul si dhaqsiyo leh Soomaliyu ugu aydo. Mid dibed jooga iyo mid gudaha ku jiraba dhibkani waa na wada saaqay,inkastoo kan gudaha ku jira dhimashada, dhaca iyo nabadgelyo xumidu u dheertahay, taana ay aabbe u tahay sharci la'aanta iyo fowdada haysatay dalkeenna 13kii sano ee la soo dhaafay. Walaalayaal,haddii aannu haweenka soomaaliyeed nahay, waxay dhegtu noogu taagantahay natiijo deg deg ah oo waarta oo aan mar dambe burburin ama shaqayn waayin, taana waxaa nala qaba oo aan ka simannahay haweenka shirka jooga oo aan ka warqabno in ay jahowareerinta shirka horistaaganyihiin, geed gaaban iyo mid dheerna u fuuleen sidii uu shirku u najixi lahaa.

Ogaada maanta waxaad taagantihiin booskii (Xaawa Taako iyo kuwii la midka ahaa ee taariikhda aannu maanta sheeganno noo sameeyey). Mawaad aragteen iyagoo shirka galoo-baxaya cid kasta ha lahaadeene? Haddaba sidaa ku ogaada haweenka soomaaliyeed in ay ragga ka daacadsanyihiin kana wadanisanyihiin. Haweenka Soomaaliyeed ma laba bogleeyaan waana naga dhab in aanu doonayno Calan Soomaaliyeed iyo sharafkii qarankeenna ee rag godka ku riday, taana waxaannu si cad oo aan loo kala harin adduun weynuhuna nagu garab taagnaa ugu muujinnay haddii aannu nahay haweenka soomaaliyeed ee ku nool gobolkan Minnesota ee waqooyiga America xafladii caanka ahayd ee aannu qabannay 10kii August ee bishii la soo dhaafay.

Bannan baxaas waxaa lagu tilmaamay kii ugu weynaa oo ugu sharafbadnaa oo guud ahaan haween soomaaliyeed ay qabtaan intii burbuku ku dhaca dalkeenna. Internetka ayaa laga aqristay, jaraa'id badan baa soo qoray, dad badan iyo ururro badan baa nagala qayb galay oo nagu taageeray oo caad ma saarayn-inkasto BBCdu dabooshay, waliba inta Ahmed Xassan Cawke telephone nagu waraystay muddo dheer sifaha iyo ujeedada shirka oo aannu si fiican ugu warrannay, taana jawaabteeda Soomaalida ayaa loo deynayaa oo BBC maalin kula xisaabtami doonta. Walaalayaal,dad badan oo weliba qaarkood isku tilmaamo in ay yihiin aqoonyahan, waxay aaminsanyihiin in uusan shirku guulaysanayn mar haddii ay iyagu ka maqanyihiin, halkaana ay joogaan warLords iyo dad aan wax ku ool ahayn. Annagu waxaannu ku leenahay"intee sano oo dambe ayey soomaalidu ku sugtaa in aad talo u qabato?" Jawaabtu waa maya; shirkanna guul kama dambays ah oo weliba deg deg ah ayaan Alle uga rajaynaynaa, adiguna halkaaga iyo meel ka fog !naga joog Soomaali maslaxad uma hayside.

Waxaan leenahay qofka aqoonyahanka isku tilmaamayow, haddii aad qalin iyo warqad qaaddo ama aad computer keeboard isticmaashid, fadlan ha isku deyin in aad sii shiddo oo aad gaas ku sii shubto dabka Somaaliya ka dami waayey 13sano. Ogow in ay dad kula garaad ahi ama kaa aqoon badani jiraan, ishana lagugu hayo ee ama aamus ama wax san ku hadal. Dambi iyo eedna dadkaaga iyo dalkaaga ha ka gelin.

Walaalayaal,sidoo kale waxaan ku oran lahaa garabka jidkii toosnaa iyo jahadii ka lunsantahay ee shirka galoo-baxaya, ama hadba belo la shirayso oo loo soo sheekaynayo-ogow in laguu jeedo oo aadan daruur caafimaad oo curatay, saxansaxo udgoon, doog iyo rob wadata, Daayinkuna doonayo dadkiisa dhibtooday in uu ugu deeqo, in aadan horistaagi karin ee ha noqon dhurwaa marna xerada u soo dhaca marna ka carara, markii yur la yirahdo.

War Ilaahaa baa ku abuurtaye caado qaatow naga fariiso, xaaraan ku naaxow naga fariiso, ma xishoodow aduunku waa ku arkaaye naga fariiso, intixaankii ku dhacdaye naga fariiso, intaa aan sheegay kuwa u naakhuudaynayow naga fariista. Somaaliyey adna dantaada garo oo kaan sheegayo hadduu kula dhashay ama aad dhashay cayri oo ha soo dhawaysan waayo dan adiga iyo ummadaada toona uma hayo.

Ninka oday beeleedka ah, kan is leh waxbaad ahaan jirtey, kan isle aqoonyahan baad tahay oo waa laguu baahanyahay, isla markaana saansaan xun iyo saan aan la garan u socdow, dalkaaga adaa u baahan, adkaagana adaa u baahan, soor gumeedna ha qaadan, magacaagana ha dhaamin, eedna ha ka gelin dalkaaga iyo dalkaaga.

Walaalayaal, waxaan hadalkaayga ku soo gunaanadayaa,colaad sokeeye cidna guul kuma gaadho, dagaal wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, ummadanna Alle ayaa wax isugu daray oo ma kala maaranto; ha ka qayb galin baai'nta jiritaankeeda iyo dagaal iyo colaad aan dhammaanayn ka dhex oogideeda natiijan ka gaari maysid, magac iyo taariikhina kaa raaci mayso. Miyayan ku dhibayn caruuraha dalalka shisheeyaha ku lumahaya, miyaadan dhiig danqada u hayn kuwa gudaha gaajada, sharci la'aanta iyo silica iyo saxariirta ugu dhimanaya, ma dantaada kuu gaarka ah ayaa intaas kaa indha saabtay, xagee kaloose aad adigu dunida ku leedahay sow iyaga kama dhalan, waa maxay nacasnimada ku haysa iyo marin habowga aad sii raadinayso.

Aduunku dhibaato waa soo wada maray, dagaallo sokeeye iyo kuwo caalami ah intaba, waase waqtigee qofka madax in uu yahay sheeganaya ama soo ahaan jiray oo waayo aragnimadiisu siisay in uu cajalada taariikhda dib u celiyo isagoo ku andacoonaya qarnigan 20naad qabiil baa qabiil kale xumeeyay. Sow ma oga mas'uul isku sheegaasu Kansarka dadkeenna haya in uu xididadooda iyo dhiigooda ku sii fidinayo, mase u qalmaa in uu sheegto masuuliyad Soomaaliyeed, hadduu sheegtase meel ma gaarsiinahayaa? Jawaabta adinkaan idiin daynahayaa.

Cudurka Allaha naga saaro Nabad iyo Naacaw Xornimana Allaha nasiiyo. Hadaad isweydiinaysaan ciddaan ahay; Shilaabo ayaan ku dhashay, Buulo/Barde ayaan ku soo koray oo waxbarashadayda hoose ku soo dhamaystay, tan sarana Xamar, dalkana 24tan sano qurbaha ayaan ka joogay.

Walaayaal, dad badan iyo jirri waxay ka qaybgaleen dalkeenna dumistiisa, xidido u siibistiisa iyo baabi'nta qarankeenna iyo jiritaankeenna. Waxaan rabaa in ay dad badan oo waxgarad ihi beel kasta ha ka tirsanaadeene in ay igala soo qayb galaan doodan oo aynu ku sifowno isu soo jiideyaasha dadkooda kala tegey iyo dhisayaasha sharafka dalkooda. Doodani ha ahaato say noogu bilaabatay, nabad ku wada noolaashada, iyo dib u dhisidda Soomaaliyeed.

Qofkii doonaa ha i caayo," waa gudcur ninkii ku dhaashey, qodax iyo qaniin Allaa u dayey",qofkii doonaana ha eego fikradayda hadii ay wax ku ool u tahay danta caamka ee dalkeenna iyo dadkeen.

Aynu ku wada hadalno qalbi nadiif ah, runtoo la isu sheego, kan dambiga naga galay oo aan la qarin lana dhoobdhoobin, caqli waxgarad ah oo aynu ku fekerro, danta caamka ah oo midda gaar ahaaneed aynu ka hormarinno, waddo toosan oo wax ku ool ah oo aynu dadkeena tusno, iyo Allaha macbuudka ah oo aynu ka baqno ,taladana aynu saaranno, wasalaamu aleymum wa raxmatullah.

Israac iyo nabad ha la helo

Shirku guul waarta oo loo aayo ha gaaro

Hawa Kamaludin H.Ali
hkali@hotmail.com

Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey
Abdi Warsame
Email: naqib67@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 14, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

» Hab-Qoraalka Miro-Dhalka ah [C/Shakur]
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]