SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

  MADHABAA IN WAKIILADA SAFAARADUHU YIHIIN WAKIILO BELEED

Taqi Bashiir Hassan Bille  taqibashiir@hotmail.com

"Kulukum raacin wamas'uulun can caaciyatihi" waxaa inta badan dadka uheestaan masuuliyada jagooyinka sarsare balse war uma hayaan in tixaa hoosha qooska masuul tahay sidaa darteed waxa suuroowda in qof hoowl caamaa loodhiibo balse uu kutagri falo isagoo u,aabo yeelin .

Dhanka kale waxaa laga yaabaa in ruuxa sidaa yeeli uu canaan iyo canbaareen usoojeedin dadka hoowsha uu hayo kaga sareeyo isagoo kucanbaareen waa dad daneesta yaala iyo erayo lamidaa .

Waxaa isbedel kuyimid dhamaan dhaqankii wanaag sanaa ee soomaalida lagu yiqiin sida taariiqda kuxusan qofka loodhiibo ama lagu amaano hoowl caamaa wuxuu ka,ilaaliya wax kasto naftiisuba ha,ugu horeesee.

Hadaan guda galo warbixintayda laxiriita dhaqanka iyo macaamiisha safiirada iyo qunsulalda soomaalida ujoogo dalalka dibadaa waxaa safar kutagnay dal kamida dalalka soomaalia dariska la,ah waxaa kakoob need ilaa iyo dhoor iyo 20qof markii aan kasoo degnay garoonka waxaa nalookeenay baabuur calanka soomaalia kababan oo aad uqurux badan kadib. Anigoo layaaban gaari quruxdiisa ayaa ruux i.agtaanaa weediiyey waa maxay baabuurka quruxda badan misana calankeena kababay wuxuu iisheegay inuu yahay gaari laga leeyahay safaarada soomaalida oo ladooni in nagula qaado waxaa markiiba dareemay qiiro wadanimo maadaamo aan wadanka uga soo cararnay dagaalo sokeeye in misana wadan kale oo dibadaa soomaalinimo nagula soo dhaweeyo ay tahay wax aad unasiib badan,

Dhoor daqiiqo kadib waxaa gaariga kasoo degay nin dheer oo aad uqurux badan isagoo aan dheg laqabtaa lahen ayuu inasoo dul joogsaday kadib wuxuu ina warsaday halka iyo magaalada aan kanimid iyo waxa aan unimid waqtigaas waxaa kamid ahaa dadka rakaabka diyaarada kuwa ugu da,da yar dhoor oday oo u,muuqday inay wax badan diyaarad iyo dalal shisheeye horay utageen ayaa hadalkii qabsaday una sheegay halka aan kanimid iyo waxaan usocono kadib isagoo ninkii gaariga quruxda badnaa lasocday hadalkisii sii wata ayuu su,aalo dhoora oo is daba joogaa nagu soo kadiyey isaga oo markaas caro kamuqato ayuu inagu yiri waxa aad shegeesaan ! mafahmin balse hadii ay idinku jiraan dad reer fulaan ama fulaan bin fulaan gaariga haraacaan dadkii dhamaan afkaa lawada taaggay waayo hadalkaas marnaba lagamo fileen ninka sidaa uquruxda badnaa misana gariga quruxda badnaa watay, dadkii kuligood afkaa gacanta lawadasaaray oo laqeeliyey laguna yiri saaxiib fulaan bin fulaan wadankaan uga nimid ee waxad sheegeeso manaqaan kadib isagoo ciil iyo caro kamuuqata ayuu lasoo baxay warqad dhoor magac kuqoran yihin kadibna yeeriyey magacyada dadka uu watay kuqor naayeen balse nasiib wanaag dadka magacyadooda uu watay waxaa ahaayeen dad wadani yiinaa waxay ushegeen inaysan raaceen kaligood ilaa dadka lawada qaado ama lagawada tago un mooyee waxaaba moodaa aashito dhulka lagu shubay misana liin dhanaan lagu miiray intuu sii xanaaqay ayuu lasoo baxay mobile kadibna inta dhoor tilaabo inaga durkay ayuu qof lahadlay wax kayar daqiiqad gudahooda ayuu inagu soo yara noqday isagoo dadkii magacyadooda uu watay kuyiri jaalayaal hadii ay dan idiin tahay garigaan qurxuun sooraca meeshan kuleel iyo boor yuusan idinku diline, soomalinimo iyo afaaraheeda wadankaad uga soo cararteen (nin aduun joogo maxaa aragti kuulaaban ).

Waxaan rumeesna dhibka aan kasooo cararay inuu geel jire sabab u,ahaa waligay ismo laheen ruux ilbaxaa ama aqoon iyo garaad dheeri leh ayaa waxaas wuxuush nimadaa sameen balse wax kasto waa la,arkaa .inagoo wali sidii utagay ayaa nin da,diisu dhexdhexaad tahay hadalka qabsaday una soo dhawaday ninkii gaariga watay kuna yiri kaabo gaariga aad sidato adiga iyo reer fulaan malahan ee waa gaari soomaliyed oo calanka ayaa iicadeen ee haddii aad nin raga tahay gaari iga celi walaahi surkaan kugoon hadii aad gacantaada isaarto isagoo hadalkii siiwata ayuu gaarigii galay kadibna dadkii dibada joogay kuyiri soogala gaariga ma,isaga iska leh soogala walaahi waan raceenaa intaan boorsadaydii gacanta kusoo qabsaday ayan usoo dhawaday dhanka gaariga mise ninkii ayaa gacanta igu dhegay iyiri wiil yaraa tahaye naftaada ha,isku haligin ninkii rakaabka kamidka ahaa ayaa isagoo! gariga gudihiisa kujira dhoor hadal oo isdaba jooga sootuuray kuna yiri farahaaga hasaarin inanka yar halkaasaa kabilaamay qeelo iyo buuq ilaa dadkii iskusoo baxaan rakaabka dumar badan ayaa saarnaa waxay bilaabeen inay ragu kala celiyaan iyaga marba nin qaban.

Waxay xaajo sida aahaato waxaa xaalki lagu gooyey inuu baabuurkiisa qaato rakaabkana taxi qataan kadib waxaa qaadanay dhoor taxi kuligeen hal xaafad ayaan degnay waloow aniga iyo waalidkay magalada horay guri uga sii kireesnaa sidaa darteed kaasaa laysku soowada raacay dhamaan halkaas lajoogay ilaa qofba meeshuu rabo magaalda kadego waxaa layaab iyo amakaag noqotay sheekadaas oo in badan dadka oo horay isku aqoon isku bartay kuna abuurtay isjeceel iyo walalnimo taasoo sabatay in aan aqalka aan daganeen dad aan muuqaalkooda iyo heebtooda aan horay u,aqoon aan kuwada noolaano inagoo isjecelna kukala tagnay .

Runtii waxaa xasustaa waqtigi aan dugsiga dhexe ee saqshiid dhiganayey in macalimiinta oo ila fariisiya arday kale aan! ka,aheen walasheen iga yar oo aan isu fasal aheen iyagoo ula jeeda inan dhamaan dadka fasalka wada dhigto walaalo yihiin marka siday usoo barbaaray in nin sita calanka somaaliweyn kadhaxeeyo uu sidaa foosha xun inoola dhaqmo wixii inagula abaabin jirin iyo waxaa lakulanay waa kaaf iyo kala dheeri.

Nasiib wanaag 21cisho kadib waxaa qooskeenii udhoofnay wadan kamida wadamada carabta waxaa Transit kusii marnay isla wadan kaloo carab ah, intaan diyaarada saarneey waxaa isna nala saarnaa fanaanka axmed naaji sacad, isla diyaaradaas waxaa nala saarnaa dad badan oo soomaliyaa oo u,socday halka aan usocono iyo meesha aan Transit-ka kusiimareeno dadkii rakaabka diyaarada ayaa kacodsaday axmed naaji inuu hees uqaado maadaamo uu sitay kitaarkiisa caanka ahaa, halkaasuu dhoor hees oo wadani ah inuugu qaaday diyaraarada dusheeda kadib wadankii aan Transit-ka ku,aheen waxan joognay habeen iyo maalin kadib meeshaan usoconay ayan gaarnay xili duhura ah, waa yaabe markaan diyaarada kasoo degnay ! waxaan lakulnay garoon aad uga qurux badan dhamaan garoomadii  aan horay usoo aragnay waa garoon dadka imaanaayo aad iyo aad ubadan yihin oo kakala socda dhamaan 5-ta qaaradood, waxaa layaab sii noqotay markii aan nimid qeebta immagration-ka si wadanka galidiisa naloogu fasaxo ayaa waxaa naloogu jawabay wadanka galimeesaan waxaan warsanay sababta naloogu diidaayo waxay inoo sheegeen in amar doowlada kasoo baxay yahay in aan qof somalia loo ogoleen wadanka waxaan kuwar celinay in safaaradiina visaha ina soosiisay hadii aan naloo ogaleen gelida wadanka maxay safaaradiina visahan inoo siisay oo ay inoogu diidi weesay dood dheer kadib waxa inaloo cadeeyay inan wadanka aanan gali karin talo ayaa naga wareertay waxaa markiiba lahadalnay safaarada soomalia oo is,niri waxbay idiin qaban kartaa qof dumara oo inoogu aqoon badnaa ayaa safarada wacday una sheegtay dhibka ina heesta waxaa loogu soo werceliyey waan garankaraa hadalkaaga inuu soomaali yahay balse soomaalidu waa badan tahee gabolkee katimid su,aashaas markii ay dhegeheeda kusoo dhaceen ayey caro iyo ciil hor leh ayey kasii qaaday waayo waxay markiiba sooxasuusatay dhibkii horay inooga soogaaray ee laxiriiray safarda iyo qaabka xun ee udhaqanto nasiibxumo iyadoo aanan ogeen wax ay kuhadleeso iyo qofka ay lahadleso ayey caay iyo canbaaren dusha kaga tuurtay xiliigaas ay sidaa u,hadleeso waxaa lajoogo aniga oo qura intaan layaabay ayan telfonka madaxiisa kaqabtay kadibna lahadlay ruuxii heestay maxada qeebtiisa kale kadib waxaan bilaabay inan xaal mastuur raadiyo anigoo iska dhigi ruux da,diisu weyn tahay ayaa kubilalbay hadalkayga walal waxaan nahay dad somaliyaa oo halkaan kudhibatesan waxaan ubaahanahay gargaar iyo in wadanka galidiisa inaloo fasaxo maadaamo ay diyar yihin school-ka aan wax kabaran laheeen iyo buugtaba fasalka aan fariisan laheen ay kaharsan tahay 3 maalmood oo quraa,

intii aanan hadalka dhamen ayuu igu yiri idhageeso anigu garan maayo naagtaan waalan ee telfonka igu soowacday misana icaayeeso waxay igu heesato garan maayo ma,mas ruufaa kasitaa maxay iicaayi waxaa usheegay inay dhib daran kujirto sidaa darted ay maciin kuusoo wacday balse hadalkaaga ayaa niyad jabiyey wuxu igu yiri waxaad sheegeesan garan maayo ee halkee katimaadeen asal kiinaba intii aanan kajawaabin su,ashiisa ayaa waxaa inoo yimid nin isna dadka noogu waayo aragsan kamid ahaa oo telfonka gacantiisa igaqaday iskuna dayey inuu sifudud ugu qeexo dhibkeena balse waa nin balaayeesane isla hadalki ayuu isna lasu,alay intuusan dhameen ayuu isna carooday oo uu caayey kadib telfonki ayuu isi saaray.

Talaa naga sii wareertay waxaa iskudaynay dad wadanka horay u,siijoogay oo aqalka iyo waxbarashada inoo sii diyariyey inan waco balse markaan xaafada lahadalnay waxa la,ii shegay in Air port-ka nagula sugaayo qadana guriga diyaar kutahay .waxaa halkas joognay ilaa kudhawad 16saac oo xal raadin kujirnay dadka aan wada socono badidooda waxay ubadan yihhin caruur yar yar iyo hooyoo yinkooda, ragu sidaa uma badna waloow dad wax ku,oolaa nala socdeen waxaa hadbia irid iyo police wacno aaqirkii waxaa inoo cadadtay in nala celin inagoo waxba cunin oona nasan ayaa diyaaradeenii hore dib ugu soo noqonay waxaa dib inuugula sooceliyey wadakni aan Transit-ka kusoo marnay waqti danbe ayaa soogalnay garoonka kadib ninkii shaqada qaabilsanaa habeenkaas ayaa isna na su,aalay halka aan kanimid waxaa usheegay in si sharci daraa naloogu soo celiyey isna intuu carooday ayuu nayiri anigana wadnkayga idiin oglaanmaayo mar hadii la,idin sooceliyey xiligas waxa da,aayey baraf aad udaran waxaana kanimid wadan kulul qabooga aad ayuu inoo dhibaayey maadaamo aanan heesay wax laga gashto oo boorsooyinka diyarada ayey saaran yihin habeenkii waxaa waagu inoogu baryey garoonkii qabooga badnaa maadamao diyardeena 2maalin kadib imaneeso.

subixii markuu waaga baryey waxaa garoonka kula kulanay gabar soomali oo aad iyo aad unaxariis badan misana wadani nimo kujirto waxay shaqo culus oo dhanka maamulka kaheesaa garoonkas qaboowgu nagu dilay waxaa usheegnay dhamaan wixi dhibaataa aan lasoo kulanay laga soo bilaabo safarkii aan wadanka uga soobaxnay ilaa iyo xiligan aan lajoogno intay yara ilmeesay ayey wacday telfon waxayna tiri hada wadanka waad gali kartaan oo anigaa masuul idinka noqon waxay ina dejisay Hotel aad ufiican oo wiilal soomali kashaqeyan waxay inoobalan qaaday ugu yaraan inan usbuuc kunasano qarashkana waxa qaba garonka iyo diyarada sidaa ayan magalada kugalnay waliba iyado dacweesay ninkii sida xun habeenkii inoogalay, waa yaabe naxariista eebo waa mid aan lakoobikarin gabadhii wanagaas isoo sameesay waxay kaloo inoogu dartayin viso allle iyo visaha aan rabno iyada inooga sooqaadi safaarada aan rabno balse tigidka diyaarada aan labaxno waxay kaloo duco qabtadu inoo sameesay inan maalin kasto 2jeer magaalda kusoo dalxiisno inagoo nagula qaadi baabuur bilaa beesaa.

Rutnii gabadhaas ilaah kumaneestay naxariisa iyo wadanimada wax la,iloobi karo maahan. Waxay xaaju sidaa ahaataba dadkii qaaraa goostay inaysan carab danbe udhoofin oo halkaasey bilaabeen inay viso Yurub raadsadaan halka dadka qaar kasii aadeen dal kaloo carabaa aniga iyo qooskeena marnaba fikirka ah Yurub iyo wadamada aan islamka aheen raadistooda niyada noogamo soodhicin oo waxaa inoo diidanaa dhaqanka islamka aan kusoo kornay aawadiis, laga yaabe marka dadka aqriyaan halkaan waxay iimaleen nin aan garaadkiisu fiicneen, markaan dib ugu noqodo dhaqanka wanaagsan ee somalida marnaba waalidka muusan jecleen in caruurtiisa laga geedo dal kaloo shisheeye iyagoo ubaqan aayaha mustaqbal kooda iskaba daaye dalalaka Yurub iyo America balse waqtigaan iyagaa loogu jaceel badan yahay oo waxaa la,amin sanyahay qooskii aan mid ama labo dibada ujirin in Alle naxariistiisa waayeen.

Sidaa darteed qooskeena oo kaliyaa ayaa dib ugu soonoqday dalkii aan horay uga dhoofnay ee somalia xuduuda lalahaa (East and West home is the best) "dhar aadan lahen dhaxani kaamo celiso" markii ay kawarheleen in inala soo celiyey ayey aflagado iyo cago juglen nagu bilaabeen iyagoo ina caayi oo oran dalkinaa soogubteene keena gubi meesaan ee wadan kiinaa idinku celin, dani waa maseektee waxan sameen karnaa majirin balse in wadanka dib noo gula celiyo waa inagu cusleed waayo xiligas waxa dalka kajiray dagaalo ahliya oo aad uculus sidaa darteed anagoo rajo kaqabin in safaaradii sidii hore inoo gula macaa mishay ay wax inoo qaban ayaan nafta kusasabnay inan mar 2baad nasiib keena tijabino mise wixii hora iqarso ahaa waayaabe dadka wakiilada u,ah somalia misana calanka somalia harsan oo sharaf iyo cizi kuheesto misana aan dadka uu nasiibka kuyeeshay inuu calankooda kumushaaxaan aysan wax uqabaneen oo wax discrimination lagu sheego midka ugu xun ayey dadka kusameen waxaaba laqataa midka madoowga iyo cadaanka udhaxeeyo waayo waxa suurooda in meel madoow aad kubadbaado balse dad isku midabaa, mad,habaa, afaa oo sidaa isu faquuqi sidee la.oran.

Aniga dhibkaan iyo warkan aan halkaan kuqorayo wax aniga oo kaliyaa saameen igu yeeshay maahan balse waa wax caama oo qofkastoo soomaalia kudhaco meeshuu doono hajoogee waxaa hubaala in safiirada aqalkooda yahay meel beesha ama degaanka ay kasoojeedaan kushiraan ma,ahan meel dana soomali lagu hayo waloow loofuray.

Waqti aan sidaa ufogeen ayaa waxaa e-mail iisoodiray wiil aan wax wada baran jirnay oo dal kaloo shisheeye joogo wuxu igu yiri saxiibo aqoon ma,uleedahay safiirka ama qunsulka safaadara XXX waxaan warsaday waxa uu karabo wuxuu iisheegay inuu jaamacad usoo aaday dalka uu joogo balse jaamacadii shardi uga dhigtay inuu safaaradiisa kasoo cadeesto jinsiyada uu sheeganayo shardigaas lagu xiray kaneeco baalkeda waa kaga fududaa oo wuxuu aamin sanaa inuu yahay soomali safaaradana aysan udiidi karin malaha wax uu,aamin san yahay waa wax xaqa balse waxaa loogu jawaabay wixii aan horay uga soocabaaday oo ahaa inuu sheegto number-ka ID Card-ka uu soomail kayahay si uu uhelo warqada uu doonaayo marku warkas dhegihiisa kumaqla waxa olol kufurmay jirkiisoo dhan oo dhinbil naar in lagu dhejiyaa umoodaa, waayo mar hadii uu ruux somalia kuyiraahdo somalinimadaada ayaa tacliiqin ubaahan maxaa kadhib badan runtii,

Markaan e-mailkas aqriyey waxa dib usoo xasuustay 11 sano kahor dhibkii isoogaaray in maanta uu wali sii jiro waana taas waxa igu kalifay inan maqaalkaan qoro anigoo aqoontayda qoraal iska yartahay.

Wadankii hadaan uga soo bax sanay kumaa tahay iyo geel jira yaashii mawaxaa inoogu darsamay gudigii soomaalidu wakiilka dibadaha uga dhigeen ninbaa laga shegay ((Annaa Qaati Abbii Yajiihu Abbii Abbuuhu ) ,geel jir hadana wadanka kaga soobaxsanay halkee looga baxsan wakiilada mararka qaar ay dadka wax magaratadaa faquur tamayaan. waxaad maqli wadan hebel qabiilkeena XXX ayaa safiir ka,ah ama qunsul ah taasi waxaan hubsaday markaan arkay guryihii safiirka oo noqday guri oday dhaqameed oo beesha tahliisha usoo doonato ."Aduunyaa daaran man laa daaran lahu fil aafiqa " xadiiska micnaha laga garan waa in dadka soomalidu daaraha aduunyo raali kuyihiin waayo hadii ay daarta aaqiro doonayaan aqalada somalida dibada uga furan ruuxna laguma dhibeen beelna masheega teen.

Dhanka kale shirkii carte ee dalka jabuuti waxaa xasuustaa beelaha wax wada qeebsanayey in ay kaga dood badnayen kuraaska wadanka mida dibada (macnaha safiirnimada) show mar hadii tuulooyin oomanleeyda ah hadii sheega shadooda dhig badan kudatay waa sidee tuu looyinka wadamada horay umar ay kulee yihin umadda soomaaliyed waxaa hubaala in 13sane oo kale iyagana xalinttooda shirar loogu qaban lahaa dibadaha ilaa ugu danbeen tuulooyinkaas wadamada ina siiyey ay iyagu ciday rabaan wakiil nimada udoortaan madaamo tuulooyinka gudaa aysan faraha lasoo gali karin.

Aqrisayasha sharafa badan waxaa idiin sheegi inusan maqaalkan shaqsi ama qolo gaara quseen balse aan ula jeedo waxa uu maantay Aduunku joogo iyo sida aan nahay waxaa lamarayaa waxa logu yeero Globalization ama in aduunka lawada leeyahy bal iskaba daaye wadan ama safaarad meel kafuran .

Taqi Bashiir Hassan Bille  taqibashiir@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 15, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Hab-Qoraalka Miro-Dhalka ah [C/Shakur]
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]