|
(HADALKII
FAYSAL CALI WARAABE) MA CALAACAL BUU AHAA??????
Madaxa
Ururka Darwish Party Of Kenya
Maxamed Maxamud Gutaale
gutalle@yahoo.com
Waxaan ku bilaabayaa hadala salaan qaali ah
iga gudooma akhristayaal dhaamaantiinba meel kasta oo aad joogtaanba salaan
dabadeed waxaan doonayaa anoon hadalka badinaynin in aan waxoogaa ka idhaaho
hadalkii faysal walow rag badani jawaabo ka bixiyeen hadana shaqsiyan sida ay
iila muuqato ama uu iila egyahay (hadalka ka soo Baxay Ina Cali Waraabe)
Horta ina cali warabe ninka aan aqoonta u
lahayni waxa uu u maleeyaa hogaamiye fayow oo weliba dadka reer Hargeysa waxay
qabaan intooda badani hogaamiye dhab ah marka dhinac laga eego dadka inta
caqliga u saaxiibka ahi waxay u yaqaanaan (Qof waalan) waayo ? anigu faysal
waan aqaanaa oo maanta ma ahan nin agtayda ku cusub waxaana ku aqaanaa in uu
yahay nin aan hubin ama ka fiirsan hadalka afkiisa ka soo baxa (Macanaha
Afkiisa iyo dhegihiisa isma maqlaan)hogaamiyena waa sheeganayaa beri dhoweyd oo
la lahaa waa isa soo sharaxay markaan maqlay waxaan in mudo ah is weydiinayey
waxan la sheegayaa ma dhab baa mise waa hadal la faafinayo waayo?(faysal Cali
waraabe) ma qaadi karo mas,uul umadna ma hogaamin karo hadii run la doonayo
Tusaale Idaacada (BBC) mar ay waraysi ka qaaday dadku weli waa xasuusan yihiin
hadalkiisii hadana anigu ma ahi nin la yaabaya hadalka faysal waayo?
Aniga iyo inta aanu isku si wax u wada aragnaa
hadalkiisa culays ama wax la qiimeeyo uma aragno way dhici kartaa (Faysal nin
aan aqoon u lahayni in uu hadalkaas qaadan waayo) oo ka dhigo nin dunida rogaya
ama cid wax yeeli kara war ninkan afkiisa iyo dhegihiisaan is maqlin waxaan
hadlka ku dhaafayaa dadka aan ninkaas iyo kuwa la midka ah aqoon u lahaynow
waxba ha ka soo qaadin qoraalada wargeysda looga soo qorayo ee calaacalka ah,
Akhristaha aan su,aal weydiiyo jawaabteedana
waan idinka sugayaa (Qabiil qaran ma noqdaa?)hargeysa iyo Burco waxaa dega reer
haduu reer dawlad keligiis noqonayo(reer koonfureed baa noqon lahaa oo aan
cidina ku xeerayn iyana waxay arkaan in aan Soomali kala maarmin wakhti kastana
ha gaadhee dawlad loo dhan yahay la dhisi doono lakiin (Qoys yari qaran ma
noqodo) waxaana shabciga reer Hargeysa iyo Burco leeyahay yaan umada la idinka
reebin kama maarantaan Soomali inteeda kale idinkumana Fila (Qol iyo bersed)
waxaan la hadlayaa inta caqliga u saaxiibka ah, reer Sool,Sanaag,Caynhawdna
waxaan ku boorinyaa ilaalinta nabada iyo derisnimada waxaadna sugtaan midnimo
Soomaaliyeed taas ayaa muhiim ah laguna danbayne magaca iyo maamuuskuna ku
jiraa taariikhdiinana ilaashada (Daraawiisheey imisaad cadowga kula jirteen
dagaal imisaa darwiish ciida hoos maray isaga oo difaacaya geyiga iyo magaca
Umada Soomaliyeed Soomaalina way idiin ogtahaye ha ka daalina meesha aad
joogtaan dhegna ha u dhigina wax ma garatada)
MADAXA URURKA DARWISH PARTY OF KENYA
MAXAMED M.GUTAALE
gutalle@yahoo.com
KENYA MOBIL.254.721.238.984
QORAALADII
HOFRE EE GUTAALE
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 14,
2003
Baaq: Gudoomiyaha
Xisbiga UCID
Waxaan caalamka u sheegaynaa in Somaliland
hadiyad lagu helin
Guji
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
»
Hab-Qoraalka
Miro-Dhalka ah
[C/Shakur]
Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan
|