SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - LAASCAANOOD
Xurkuf dhextaalay laba Beelood oo wada dega Laascaanood oo la soo afjaray

RadioLascaanod

Waxaa maana la soo gabagabeeyey shaqaaqadii ka dhalatay dilkii ka dhacay Magaalada Laascaanood 30-8-2003, waxaana hawshaas ka qayb qaatay soo afjarideeda Isimmo ,Cuqaal iyo waxgaradka deegaanka ,oo ku hawlanaa arrintan mudo 17 maalmaaod ah , sidii ay u soo afjari lahaayeen arintan, ka dhalisay nabadgelyo xumada deegaanka,iyagoo u kala dabqaadayey labada beelood ee dhibtu kala gaadhay.

Garaad Max’muud Cismaan (Mashqaro) oo isagu ahaa gudoomiyaha gudiga nabadaynta oo u waramayey Radio Laascaanood ayaa sheegay in ay hawshan oo ay ku soo jireen mudo dheer sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen labada beelood in ay qaataan go’aamada ay gudidu soo gaadheen.

Garaadku waxa kale oo uu ku adkeeyey labada beelood, iyo dadka degaanka Soolba in ay ilaaliyaan nabada iyo xasiloonnida deegaanka, iyadoo ay taasi dan u tahay bulshada.

Go’aamadiina sedan ayey u dhaceen.

Waxaa lagu xukumay beeshii ninka wax dilay ka soo jeeday 110, halaad .

Iyo afartan halaad oo ganaax ah.

Shan malayan oo duug ah, iyo sadex malyan oo shaf shafo, wiil isaguna ku dhaawacmay halkaasi loo xukumay.

Waxaana isla madashii lagu kala gudoontay dhamaan ganaaxii ,duugtii iyo shaf-shafadiiba iyadoo ay hawshaas soo wadeen , Isimmo iyo waxgarad ay ka mid yihiin:-

  • Suldaan Siciid Cali.
  • Ugaas C/laahi Ciise Nuur.
  • Garaad C/salaan Xasan Max’med
  • Caaqil Mursal X. Maxm’ed.
  • Axmed Jamaac Midhaaf (Toorey)
  • Caaqil Faarax Max’mud Guray.
  • C/Wali Mire Xirsi.
  • Cali Baxnaan Cali.
  • Aadan Max’mud Guray.
  • Max’mud Cabdi Oog.
  • RadioLascaanod

    Laascaanood Soomaaliya

    asadlaska@hotmail.com

    Faafin: SomaliTalk.com | Sept 17, 2003


    Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
     
    Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

     .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

    Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

    » Hab-Qoraalka Miro-Dhalka ah [C/Shakur]
     

     

     

    Powered by www.SomaliTalk.com
    All About Somalia and More...
    >> Usheeg Asxaabtaada
    Allah Is Great
    xayaysiis
    mahuraan 
    MAHURAAN
    : Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

    XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


    BILICDA SOMALIYA
    Luuq Ganaane, 1987

    wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
    Akhri


    Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

    HTML CD