|
Soomaalida iyo Suleymaan!
Ali Shire Jamac
Sharmaake@hotmail.com
Ummadaha dib u dhacay waxaa guul darada ugu wacan
xaasidnimda. Kolka aad maqashid in ummad dhan horumar la’aanteeda
xaasidnimo sabab looga dhigay ayaa laga yabaa in aad la yaabtid, laakiin
qofka diinta garanayaa waa hubaal in uu madaxa ruxayo isaga oo raacsan in
xiqdiga iyo xaasidnimado ka mid yihiin waxyaahaba ugu xoogga badan ee ummad
hoos u ridi kara, Ilaahayna uu ummadiisa u sheegay in ay markasta ka
duceystaan. Maahaan in wadamada faqiirkaa kaliya xasadku ku badan yahay ee
adduunka oo dhan ayuu hareeyey. Waxaa la cadeeyey in bulshooyinka faqrigaa
ay ka xasad iyo maseyr badan yihiin kuwa horey u maray, taas oo ay ugu
wacan tahay in ummadaha horumarka gaarey aysan badanaa la soo istaagin
xaasidnimo mutuxan, ee waxay guusha u qiraan kuwooda Alle ugu talagaley in
ay hagaan dhan siyaasad, dhaqan iyo dhaqaalaba, laakiin ummadaha saboolkaa
ayaa iyagu sidii ay isku xasdayeen waxay kuli isugu miirmeen ummad dhan oo
wada indhala’.
Mushtamacu waxuu ku
hormaraa in ay helaan xeeladdo dadka qaarkiis soo kordhiyeen. Markii
xeeldheerayaashaas ay soo bandhigaagaan curiskooda ayaa ka dib waxaa loo
hawlgalaa qaabkii loo fulin la lahaa. Qof kasta oo aan shaqogab ahayn ayaa
waxaa lagu aadiyaa booskii uu kaga haboon yahay shaqadaas, waase haddii ay
meeshaas cadaaladi ka jirto. Kolka hawshii la isu diray laga soo dhalaalo
ayaa waxaa misaan la saraa dadka waxqabad koodii. Haddii qofku uu horumar
keeno waxaa loo abaalmariyaa qaab sharaf iyo maamuus ku dheenhan yihiin
waxaana lagu sii dhiiri galiyaa in uu meeshaas ka sii anbaqaado shaqdii uu
bulshada u hayey, laakiin haddii uu guuldaro u soo hoyiyo waxaa lagu
wajahaa canbaareyn iyo in booska laga saaro. Waxaa laga yaabaa in qofkaas
guuldarada keeney uu meel kale guul ka dhaliyo, waana tan la yiraahdo:
”Ma jiro qof aan meel ku fiicneyn, laakiin waa in helaa
booskii uu ku haboonaa”
Haddaan u galno dhanka
soomaalida ayaa waxaa la dhihi karaa kama jiraan wax miisan ah, waana
wadanka ugu xaasidnimo badan adduunka, waxaana cadeyn u ah arinkaas,
maadaama aan horey u sheegney in wadamada faqiirkaa ay ka xaasidnimo badan
yihiiin kuwa hodankaa ayaa waxaa iska cad in soomaalidu ugu faqrisan yihiin
caalamka, halkaasna ay koobkii xaasidnimada ku qaadeen inta laga helayo
ummad kale oo ay gudoonsiiyaan. Waxaan xusnay in adduunka hodankaa uu
tixgaliyo qofkii ka soo dhexbaxa caqli iyo cilmi ahaanba, laakiin
soomaalida ayaa taas aad ugu yar tahay. Kolkii mid khaa’in ah oo Cagaaran
qu’raan dhurwaa ragga iyo dumarka isugu mehershaa uu maqlo waxaa magaalada
soo galay shiikh laamaha diinta ee tirada badan is waafajin kara ayaa boga
iyo beerka loo dhaafaa, waxuuna jeclaystaa in wiil mooryaan ahi uu
shiikhaas wadnaha xabad tareesaa kaga joojiyo. Markii Ilaahay ummada u soo
saaro qoraa caan ah oo sheekooyinka si farshaxan leh uga xariidinkara, ayaa
kii ama tii aan waraaq qoran karin, waxay wadada ugu teediyaan qoraagaas
qodxo uu ku istaago. Midkii hogaanka u qaban lahaa ayaa waxaa ka feeryaaca
kuwii mushtamaca ugu liitey kolka laga eego arinka ay ku angaxayaan oo ah
hogaanka ummada. Qofkii aan laba mir oo maansaa tirin karin ayaa isaga oo
isku dheerarinaya maansayahanada gaamurey waxuu dhahaa:
”Waxaan duubay boqolaal cajiladood oo gabay, buraanbur,
geerar, guurow iyo heeso isugu dhafan.”
Kolka aftahanku meel
fagaaraa hadal ummada deeqa ka jeediyo waxuu afkarooco dhahaa:
”Waa jaahil aan la afgaran karin”
Markii geesigu cadowga
caabiyo ayaa fuleygu waxuu xasuuqaa maxaabistii uu geesigu soo qabtay ka
dibna waxuu dhaa:
”Guushii dagaalka anaa soo hoyiyey”
Suldaanka nacaskaa ayaa
aad uga carooda nabadoonka hadalkiisu miigan yahay, waxuuna suldaanku
dadkiisa ku dhahaa:
”Nabadoon hebel waxuu rabaa in uu beesha haadaan ka
tuuro, ee yaan taladiisa la qaadan”
Siyaasiga aan Ilaahay u
abuurin in uu ma’suul noqdo ayaa markuu arko halyey soo baxay, oo bulshada
horumar gaarsiin lahaa waxuu shacabka ku dhahaa:
”Waa jaajuus ee iska ilaaliya”
Kii ama tii aan laba
erey u qori karin mid uu jecel yahay ama ay jeceshay ayaa waxay yiraahdaan:
“Waxaan soo saaray
labaatan buug oo sheekaa”
Haddaba madaama soomaalidu
tahay ummada ugu xaasidnima badan adduunka ma jiraa qof mushtamaca
soomaalidu ay ka siidaayeen xayndaabkaas adag ee ay u dhigeen dadkoodii
kartida lahaa? Waxaa la hubaa in dadka badankoodu dhihi la haayeen:
”Oo yaa dhaafi kara darbigaas adag ee ummadu dhisatay?”
Waxaan ummada soomaalida
kaga farxineynaa in ay guuli u soo hoyatey maadaama la hayo qof ka baxay
xeradaas, waana Maxamed Suleymaan Tubeec
oo noqday qofkii ugu horeeyey ee dhaafa deyrkaas siliga lagu ooday.
Dabarkaa Suleymaan laga gooyey waxuu wali dhuuqsan yahay dhamaan culumadii
kala duwaneyd ee laamaha cilmiga iyo dhaqanka.
Markii mushtamacu qofka ka
daayo in uu xasdo ayaa waxaa ku bilowda xaasidnimo kale oo kaga timaada
dadka ay isku xirfada yihiin. Dadkaas saaxiibkood ka hor maray ayaa waxay
niyada ka jeclaystaan in uu dhinto ama maskaxda ka curyaamo. Waxaan shaki
ku jirin in ummada soomaaliyeed ay Maxamed Suleymaan Tubeec si sharaf badan
oodafadii xaasidnimada uga rogeen iyaga oo u qiray in uu noqday qofkii ugu
cod baxsanaa ee taariikhda inta la xasuustu soo maray Soomaaliya.
”Laakiin Axmed Cali Cigaal, Ilma Mooge iyo Xassan Aaden Samatar ayaan
midkoodna ku farxin guulaha uu Maxamed Suleymaan gaarey.”
Xaasidnimo marna xaq uma leh in la difaaco, laakiin hadddii la dhaafo
xaasidnimada shacabka caadigaa, mida dadka aad isku xirfadaha tihiin waa
laga soo kaban karaa, taasna waxaa markhaati u ah in Maxamed Suleymaan
Tubeec mijoxaabin waday xaasidnimadii saaxiibadiisa ay heesaha kuwada
luuqeeyaan, laakiin tan dadku waxay uga darnaanan la hayd in uu inta uu
nool yahay badaha adduunka oo idil gacamha ku dhuro.
Ali Shire Jamac
Sharmaake@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 17, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
»
Hab-Qoraalka
Miro-Dhalka ah
[C/Shakur]
|