|
IN KA BADAN KUMANAAL CARUUR AH AYAA LA WAAYAA SANNAD WALBA
DALKAN MAREYKANKA.
Maxamed Sufi Abasheikh
Atlanta,
Georgia
Abasheik@bellsouth.net
In ka badan 2000 oo caruur ah ayaa la waayaa
maalintiiba dalkan Mareykanka , warkani oo tibisey hay’adda FBI waxay kaloo
sheegtey in 2 Milyan oo caruur ah la waayey sanadkii inaga tagey ee 2002 oo
keliya. [ http://childlifeline.com/ ]
Afartankii sekenba caruur ayaa la waayaa , taasi
macnaheedu waxaa weeye in cunugaada uu halis ugu jiro in la waayo 1-42 % .
hadaba Jaaliyadeena Somaalidda ee ku dhaqan dalkani waxaan jecel lahay inaan u
soo gudbiyo sidii ay caruurtooda ugu xafidii lahaayeen dhibataddaasi lumidda
iyo waayidda faraha badan ee caruurta dalkani heysata oo waalidiin badani ay ku
waayeen caruurtooda ay aadka u jeclaayeen.
Markaan dib ugu noqdo noloshii Dalkeena hooyo waxaanu
la soconaa in hooyadda aan wax welwel ah aan ka qabin cunugeeda markuu ka maqan
yahay guriga ,oo subaxii markuu tooso ayuu iska bixi jirey oo meeshuu doono ka
mari jirey xaafadda uu degan yahay isagoo la ciyaaraya caruur kale oo isla
xafadda la degan , weliba waxaa ka dhacda goboladda qaarkood ee dalkeena in
caruurta ay isaga tamashaan meel degmadooda ilaa iyo 10 km u jirta, Tusaale
caruurta iyagoo koox koox ah oo aan la socon qof weyn ayey tagayeen meelaha
lagu dabaasho sidaBadda, Wabiga, Waraha,Togagaaa IWM .
Tusaala kale xiliga iskuulka ,cunuga keligii isagoo la
socon waalidkiisa ayuu u lugeeyaa dugsigiisa kana soo noqdaa .
Hadaba dalalkan aan ku nool nahay ee Mareykanka
xaalkiisu dhinaca caruurta way ka duwan tahay taa dalkeena, oo waxaad aragtaan
in maalin walba la idin soo geliyaa Mailka ama aan iraahdee ( Adreskiina ) kaar
lagu baafinayo Caruur la waayey oo ku qoran ereyo ay ka mid yihin MA ARAGTEEN
CARUURTANI (HAVE YOU SEEN THESE CHILDREN ) Waalidiin fara badan ayaa sanad
walba caruurtooda waaya halka ay jaan iyo cirib dhigeen.
Dalkani waxaa ka jira koox ku caan baxdey afduubka
caruurta ( KIDNAPPING ) kuwaasoo siyaabo kala gedisan u isticmaala caruurta ay
qafaashaan ,sidoo kale waxaa ka jira dalkani hay’addo ka hor taga afduubka
caruurta iyo kuwa kaa caawiya helidda caruurtaada hadiiba aad weydo.
Hadaba waxaan jecelnahay inaan idin soo gudbiyo
talooyin laga hortagayo dhibaatadaasi , iyo halka ugu badan ee ka dhaca
shilalka lagu waayo caruurta:-
1- Waalid walba waxaa waajib ku ah in uu caruurtiisa la
socdaa seken walba waxa ay ku sugan yihiin , waa in ay ku hubsadaan baska
iskuulka u qaada in uuu qaadey iyo in kale , sidoo kale sacadaha laga soo
rawaxayo dugsiyadda waa in la socdaan waalidka in caruurtooda soo noqdeen,
haddiiba ay dib ugu dhacaan saacaddii laga filanayey in ay dugsiga ka soo
noqdaan waa in isla markiiba la xiriiraan dugsiga oo ay wacaan oo weydiiyaan
xaalka cunugooda, waayo waxaa dhacdey marar badan in caruurtii la waayo markii
ay tagayaan ama ka soo noqonayaan dugsiga .
2- Sidoo kale waalidiinta waa in ay caruurtooda
gacanta hayaan marka ay ka shoobin gareynayaa Super marketyadda , caruur
aad u tiro badan ayaa waalidkooda uga lumo Super marketyadda oo la waayaa
caruurtaasi jaan iyo cirib meesha ay mareen , hadaba haddie ay dhacdo in
aad cunugaaga aad kala luntaan inta aad ku jirto super marketka , degdeg u
wargeli shaqaalaha ,si loogu sheego Microfoonka isla markaana loo gurmado ,
weliba superr marketyadda qaarkood waxaa ku yaal qalab lagu magacaabo CODE
ADAM oo kaa caawiya gurmadka helidda caruurtaada .
3- waxaa dhacdey in waalidiin qaarkood caruurtooda ku
dhaafaan gaariga dushiisa iyagoo leh shan daqiiqo keliya inta aad dukaankaa wax
ka soo qabsaneyso cunuga ku dhaaf gaariga , taasi waa khatarta ugu badan ee
lagu waayo caruurta ee fadlan caruurtaada ha uga tagin gaariga dushiisa oo la
deg xataa hal daqiiiqo hadaad meel u degeyso.
4-Midda kale waa in aad la socotaa marka ay caruurtaada ku cayaarayaan
gurigaada hortiisa ama back yardiga danbe, oo aadan is dhihin wey
ciyaarayaane howshaada iska wado ama iska seexo inta ay ciyaarayaan ,
wabicinta aan ka akhristey hay’adda badigoobka caruurta luntey ayaan ka arkey
in caruur badan sidaa lagu waayey.
5- Waalidiinta qaarkood ayaa caruurtooda uga taga
guriga keligood , waxaana dhacdey in caruurtii ay iridda iska furan oo ay
banaanka u baxaan amaba xataa guryaha loogu soo galo, oo halkaasi khatar ku
galaan , hadaba waalidiinta waa in ayan caruuta ku keli yeelin guryahay iyo
goob walba oo ay joogaanba ,guriga oo loogu tago caruurta keligood iska daa
khatarta qafaalashadda waxaa kaloo u dheer khatarta dabka oo marar badan
dhacdey.
Hadaba intaasi aan soo sheegney iyo kuwa kaloo badan
ayaa laga rabaa waalidiinta inay xil iska saaraan ogaadana in waalidiinta uu
xil aad u culus uu ka saran yahay badbaadadda caruutooda
Ugu danbeytii hadiiba dhacdo in caruurtaada aad weydo
fadlan la xiriir haya’adda ka baadigoobka caruurta oo telefoonkoodu yahay 1800
THE LOST kaasoo 24 saacba diyaar lagu yahay.
Warbixino badan oo ku saabsan lumidda caruurta ka
akhriso
www.missingkids.com
Maqaalkanina waxaa noo soo diyaariyey
Maxamed Sufi Abasheikh
Atlanta,
Georgia
Abasheik@bellsouth.net
Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 19, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
»
Hab-Qoraalka
Miro-Dhalka ah
[C/Shakur]
|