Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu hambalyo iyo taageeraba u dirayaa
madaxda iyo dhanacyada RRA ee maalintii shalay aheyd heshiiska ku gaaray
magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Khilaafkii jiray muddo ku dhow 1 sano wuxuu sababay in dhiig fara badani ku
daato gacan ku heynta magaalooyin ay ka mid tahay Baydhaba, Hadaba heshiiskii
la gaaray ka dib, Golaheena wuxuu ka digayaa in ay dib u soo noqdaan dagaaladii
dhexmaray qeybaha "RRA" ee heshiiskan saxiixay.
Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu si buuxda u taageerayaa heshiiska ay
gaareen madaxda RRA oo ay kala hogaamiyaan Col. Xasan M. Nur "Shaarguduud" iyo
Sh. Adan Madoobe.
Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqayaa madaxda iyo beelaha
Soomaaliyeed in wixii khilaafaad ah ee jira lagu xalliyo nabad iyo wadahadal,
si xal kama dambeys ah loogu helo dhibaatada Soomaaliya.
Somali Unity for Peace and Justice
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ahna
Wakiilka Golaha wadatashiga Soomaaliyeed
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
xildhiban@hotmail.com