|  Dubihii ku dhacay Dugsigii Maxamuud Axmed Cali! Ali Shire Jamac Sharmaake@hotmail.com
  Qoomiyada dagta geeska Afrika ee soomaalida loo 
     yaqaan waxay waligood rumaysnaayeen in ay xaq tahay dilka ragga xooga leh, 
     kolkii laba beelood oo iyaga ka mid ah ay colaadi ka dhex ooganto, laakiin 
     waxay ka maagi jireen in ay maxaabiista, maatada iyo dadkii gala meela lagu 
     cibaadeysto sida masaajida laayaan. Waxaa kale oo aan la daba gali jirin 
     qofkii magansada goobaha waxbarashada sida dugsiyada, xarumaha wadaadda, 
     guryaha boqorada iyo kuwa isku magaacaaba awliyooyinka. Kufsiga iyo 
     afduubkuna waxuu ahaa arin aan marnaba loo dul qaadan xagga soomaalida sida 
     adduunka kale. Dhaqankaas ummada afka diinta haysataa ku soo dhaqmayeen 
     qarniyaal badan ayaa wax laga badaley waayihii danbe. In la xasuuqo rag badan oo qabiil kalaa ama in dhiig 
     muslim buraashadaha lagu shubtaa sidaan horey u xusneyba waa arin dhanka 
     soomaalida ka ah mid Ilaahay loogu dhawaado, sida asxaabihii safka hore ee 
     salaada ugu kala hormari jireen iyaga oo ajar dheerad ah ka raadinaya. 
     Waxaa taas markhaati u ah in ay dhahaan: ”Doofaarka ficil la’aan baa loo cadaabaa.” Maahmaahdaas oo ay u daliishadaan in haddii aadan 
     qabiilkaaga u ficiloon uu Ilaahay naartiisa kugu tuurayo.” Haddadba soomaalida oo rabta in arjarkii iyo xasanaadkii 
     u sii bato ayaa tilaabo horey u qaaday, taas oo ahayd in xasuuqa loo geysto 
     qabiilada kale lagu daro carruurta, haweenka iyo ragga waayeelkaa. Waxaa 
     kale qoomiyadu bilowday in kufsiga aad loo badiyo iyaga oo gaarsiiyey heer 
     lagu fuliyo xataa kuwa ciirsada masaajida, laakiin arinkaan way og yihiin 
     in uu cadaab u soo jiidayo, waxayse dhahaan: ”Rag ciil cadaab ka doorey” Taas oo ay uga gol leeyihiin in kufsiga gabdhahooda 
     ciilka iyo xanaaqa isaga qaboojiyaan. Markii Daniel Arab Moi la cinqilaabay 
     ayey kiinyaankii waxay kufsi ugu dhaqaaqeen gabdhahii wadanka kolkaas ayaa 
     nin sargaal ah waxuu yiri:  “Hablaha aad kufsanaysaan awalba ma idin xaqirsaneyn” Kolka colaada indho-ku-garaadlayaasho arkaan socotaa 
     kaliya ma dhacaan dilka iyo macsiyaadka kale, ee waxaa xataa marmar badan 
     oo dadka badankiisu in barwaaqo lagu jiro moodaan si dadban loogu fuliyaa 
     arimahaas foosha xun.Waayihii hore waxay soomaalidu taqaaney dagaal cad oo 
     ay warmahooda soo gurtaan, laakiin sidii gumeystuhu u baray siyaasada 
     guracan iyo laaluushka waxaa ummadii loo laayey hal qalable, waxii kalana 
     haadaa loo waray. Iskuuladii madaxweyne Maxamed Siyaad Barre raggii iyo 
     dumarkii uu jeclaa ugu magac daray si uu mustawahooda kor ugu soo qaado, 
     kuwii iyaga ka toolmoonaana ugu qariyo, ayaa gabi ahaanba waxaa ka socdey 
     dagaal maskaxda iyo jirka isugu dhafnaa oo lagu hayay carruurta 
     soomaaliyeed, laakiin waxii sanadihii danbe soo baxay kolkii la arkey ayaa 
     kacaankii Siyaad Barre watey oo soomaalida ku noqday sunta loo yaqaan 
     saddex saamoodley bili u caano shubatay. Dugsiyadaas oo aan awalba 
     qaneecada lagu qabin ayaa mid ka mid ah waxaa ka dhacay xasuuqii ugu xumaa 
     ee soo maray taariikhda soomaalida gumaadkaas oo loogu magac daray: “Xasuuqii dugsiga sare ee 
     Maxamuud Axmed Cali.” Markii uu soo afjarmay dagaalkii u dhexeeyey 
     kooxihii aan hadafka siyaasadeed la hayn iyo kacaankii soomaalida haadaanta 
     ka tuuray ayaa waxaa dalka in Soomaaliya la dhibaateeyo u uuman ee Jabuuti 
     soo abaabulley shirqool ka horeeyey kii lagu hoobtay ee Carta. Arinkaas oo 
     ahaa in kooxihii bililiqada lagu magacaabo dawlad, taas oo looga jeedey in 
     Soomaaliya xididda loo siibo. Xassan Guulleed Abtidoon oo aad uga fakarey 
     siduu ugu guuleysan lahaa mijoxaabadaas uu u maleegey Soomaaliya ayaa 
     madaxweyne u soo magacaabay Cali Mahdi Maxamed. Kolkaas ayaa Cali haddiiba 
     Xamar ka soo dagey isaga oo ay u qorsheysan tahay in uu fuliyo barnaamijkii 
     lagula soo balamay. Nasiibdarose Cali Mahdi waxuu Mogadishu ugu yimid 
     taageerayaashiisii oo aad u caraysan. Raaciyayaashaas soo hor dhoobtay ayaa 
     ahaa dad badan oo soomaali ah, oo ka cabanayey in laga qadiyey guryihii 
     kacaanka laga dhaxlay iyo kuwii ay soomaalida kale ka guureen, ayna ka mid 
     yihiin dadkii u soo halgamey in kacaanka laga xoreeyo Xamar. Shacabkaas 
     dulmiga ka banaan baxayey waxay Cali Mahdi ku dhaheen: “Jaalle Madaxweyne intii aannu jihaadka kula jirney 
     kacaankii ayaan hungo ku soo dhacnay, oo waxaa na dhabar jabiyey 
     mujaahidiintii kale oo dhamaan waxii hanti la helay dhabarka marsaday, 
     kolkii aan dagaalkii ka soo noqoneyna waxaan xataa meel aan ciriirsano ka 
     wayney wasaaradihii, isbitaaladii, iskuuladii iyo dhamaan dhismayaashii 
     kale ee qaranka.” Si deg deg ah ay shir u galeen Mahdi iyo 
     taageerayaashiisii, wadatashigaas oo looga wada xaajoonayey dulmiga ay 
     tabanayeen shacabku. Intii shirka lagu dhex jirey ayaa waxaa la soo 
     gaarsiiyey dhambaal xanbaarsanaa in dhamaan magaalada uusan hoy dadka dagen 
     laga rari karaa ka banaaneyn aan ka ahayn dugsiga sare ee
     Maxamuud Axmed Cali oo dagaan u ah 
     carruur boqolaal gaareysa oo agoon ah iyo hooyooyinkood. Shirkaas ayaa aad looga dooday sidii laga yeeli ahaa 
     haweenka iyo carruurta nafta kala galay labadii kooxood ee hadafka gaabnaa. 
     Waxaa dooda sii adkeeyey in carruurta aabbeyaashood intii aan la xasuuqin 
     ka hor lagu tuhun sanaa in ay ruqa qaadayeen kacaankii quluushay iyo in 
     kale. Saacada badan ayaa doodii la isku mari waayey, laakiin 
     waxaa ugu danbeyntii la isku afgartay in la midiraaciyo carruurtaas iyo 
     haweenkii dhalay, iyada oo loo cuskaday daldalaadooda qodobo ay ka mid 
     ahaayeen in waalidkood kacaanka saacidayeen, oo kolkaas uusan boos uga 
     banaaneyn rugtii kacaanku ugu magac daray mudane Maxamuud Axmed Cali. Cali Mahdi Maxamed waxuu dubaha ku dhuftay go’aankii ay 
     isla meel dhigeen isaga iyo taageerayaashiisu oo ahaa in qoorta loo 
     dheereeryo ilmahaas iyo hooyooyinkoodba. Shacabkii saacada ka hor u 
     xanaaqsanaa hogaamiyahooda mudane Cali Mahdi Maxamed ayaa iyaga oo 
     wajiyadooda farxadi ku dheehan tahay waxay galabtaas 
     baangadahoodii ula carraabeen dhankii uu ka jirey dugsigii 
     sare ee Maxamuud Axmed Cali. Subaxii danbe waxaa bogaga hore ee joornaalada adduunka 
     ugu caansan sida News weekiga London ka soo baxa ku daabacnaa xasuuqaas ka 
     dhacay rugtii waxbarashada ee Maxamuud Axmed Cali Ilaahay isaga iyo intii 
     ku nafwaydey xaruntiisa ha u naxariistee. Joornaaladu waxay ciwaan uga 
     dhigeen dhacdadaas naxdinta iyo anfariirka badnayd: Massacre of Gaalgalle Children= Xasuuqii Carruurtii Gaalgalaha. Ali Shire Jamac 
     Sharmaake@hotmail.com  
     QORAALKII HORE 
     EE ALI SHIRE.... GUJI 
     Faafin: SomaliTalk.com | Sept 9, 2003 |  .... 
 Copyright
 & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri  Kulaabo bogga hore ee 
 www.somalitalk.com     Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh 
qoraaga ku saxiixan |