SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Jawaabtii: Wadaaddadu ma Dad baa Mase Waa Diin?

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

Asalaamu calaykum.

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Akhristayaal macallin wax-ka-dhigi-jiray jaamacaddii Lafoole ayaa wuxuu ka sheekeeyey haweenay Soomaali ah oo gacanta dhaawac ka soo gaaray oo ku jirtay isbitaal ku yaalay Hargeysa ama Burco. Wuxuu yiri waxay taqaanay dhowr eray oo Ingiriis ah dabadeed waxay diidday in looga turjumo dhaqtarka oo Hindi ahaa ama Aasiyada kale ka yimid.

Markii dhaqtarkii yimid ayuu xaaladdii gacanteeda waydiiyey. Haweenaydii waxay tiri “ doctor, this is my hand”. Dhaqtarkii cabbaar buu sugay, markuu arkay inay dhaqaajin wayday buu isna yiri “this is also my leg” oo iska tagay.

Waxaan uga danleeyahay ninkaas reer Mudug oo aan filayo inuu wax ka barto laamaha maaddada “Education” loo yaqaan sida cilmi-nafsiga, falsafadda, koriinka carruurta iyo qaybaheeda kale. Ninkaas waxaad mooddaa inuu layliskiisa iyo tababarkiisa ku qaadanayo Diinta Islaamka. Diinta Islaamku waa waxa kaliya oo uusan qofku iska sheegi karin ilaa uu garanayo ama uu gaaro heer loo fasaxo inuu ka hadli karo waxaana iska yar qof heerkaas gaara.

Maqaalkiisa waxaan ku radin karaa dhowr sadar oo kaliya maxaa yeelay cinwaankiisu iyo wuxuu soo qaatay isma leh. Wuxuu yiri qofkii Diinta yaqaan waa qof, kii bisinka kaliya yaqaana waa qof! Waa tahay miyuusan ogayn gaalka laftiisu inuu qof yahay? Bal cinwaankaas uu ku raad-gatay aan usoo noqdee, wuxuu soo qaatay hogaamiyayaal iyo culumo Soomaaliyeed. Ninkani dadkaas wuxuu kukala qoqobay xayndaankii adeerkiis sameeyey, Puntland. Qolyaha Puntland ka baxsan qiyaamahooda ayuu yeershay sida Sayid Maxamed, Maxamed Siyaad, Caydiid, C/Qaasim iyo Sheekh Cumar Faaruuq. Bal adinkuba arka wuxuu ku malkaday halka uu Sheekh C/Qaadir Faarax Nuur iyo C/hi Yuusuf uusan far-saarin bal uu ka sheekeeyey markii Sheekh C/Qaadir dhiganayey Jaamacadda.

Sheekh baa wuxuu yiri waxaan soo xaadiray majliskii CUBAYDULLAAHI Binu Muxamed Binu Caa’isha waxaana meesha joogay Jacfar Binu Qaasim Al-Haashimiyi. Al-Haashimi wuxuu yiri aayadda ah “Wa innahu la dikrun laka waliqowmika” waxay ku soo dhegtay oo khaas u tahay reer Banuu Haashim kaliya. Waa aayadda Ilaah ku leeyahay Qur’aanku wuxuu dikri u yahay Adiga iyo qoomkaaga. Binu Caa’isha wuxuu yiri Nabiga qoomkiis waa Quraysh anaguna waan idin kula jirnaa. Al-Haashimi wuxuu yiri maya nagulama jirtaan bal anagay khaas noo tahay. Binu Caa’isha wuxuu yiri waayahee bal aayaddan kale ku darso “wakaddaba bihi qoomuka wahul Xaqu” oo ah qoomkaagii waa ku beeniyeen isagoo Qur’aankii xaq yahay. Markay halkaas maraysay Jacfar Al-Haashimi waa iska aamusay oo wuxuu sheego ayuu waayey.

Wiilkaan reer Mudug markii uu yiri Maxamed Siyaad baa Qur’aankii nasakhay miyuusan ogayn in adeer C/hiba Xijaabkii Ilaahay diiday isagoo leh xijaabku ma ahan waxaan naqaan. Sidoo kale inuu diidanyahay kitaabada towxiidka ka hadlaya oo si cad iskuulada uga caayey isagoo sheegaya in dadka qaarkiis Ilaah ka sheegaan waxaan jirin. Ma waxaa jira Qur’aanka Ilaahay qaar la diidi karo?

Waa runtiis hadduu dhaho qof kasta oo Diinta yaqaan ma wanaagsana laakiin indho-adaygiisa wuxuu yiri waagii Nabiga (SCW) dadku waxay ahaayeen dad siman. Hadduu ka wado xagga qofnimada sidaan horay usoo sheegnay laakiin xagga diinta waa kala horreeyeen waanaka kala fadli badnaayeen. Awoowayaasheen iyo ayeeyooyinkeenna Mudug xoolaha ku raacda way yaqaaneen taas. Bal Abuu Bakar, Cumar, Cali iyo Cali (Ilaahay raali haka noqdee) iyo saxaabada kale ha simeen. Imisa aayadood iyo axaadiis ka hadlaysa in qofba qofka uu diinta ku dhaqankeed ka badsho ka ajar badanyahay oo ka horreeyo?

Laakiin xagga qofnimada muslimiintu waa simanyihiin. Haddii Abuu Bakar (RC) iyo qof muslin ah is-qaban lahaayeen waxaa loogu gar-soori lahaa si caadi ah laakiin Abuu Bakar wuu ka khayr badnaa muslimiinta Nabi Muxamed (SCW) ka soo harta. Marka waxaad rabtaa inaad tiraahdid yaan culumada la qaddarin. Wuxuu sheegay inaysan habboonayn in culumada (qofka aad diinta ka barato) lagu dabo-dhago. Waxaan la yaabanahay in aad Cumar Faaruuqna caydid halka nin Sweden u dhashay oo jaamacad wax ka dhigana aad uga dhaqaysanayso dadka dhinta iyo waxay aaminsanyihiin. Soow adiga mar kasta noo soo qaata fiiloosoofiyiin reer Galbeed ah? Marka haddaan Shaafici ama Maalik ku dabo-dhagno waan ka fiicanahay nin fiiloosoof daba-qabsaday.

War qofkani miyuusan Ilaah ka baqayn? Kollay haddaad culumo iyo hogaamiyayaal kalaba cayday maxaad Itoobiya iyo Kenya walaaltinimadooda u xustay?

Haddaad xittaa ahaan lahayd nin cilmiga maadiga ah wax ka yaqaan cinwaankaas maad soo qorteen maxaa yeelay wadaadku waa qof Diinta Islaamka wax ka yaqaan. Hadday meesha Diintu ka marantahay wadaad ma noqdeen. Haddaad horay u maqashay falsafad ah diinta iyo xukunka hala kala saaro laakiin wali lama arag wax leh diinta iyo dadkeeda hala kala saaro. Adoo dhaqtar ka hadlaya ma dhihi kartaa:

  • Dhaqtarku ma dad baa mise waa daawo/cilmiga caafimaadka?
  • Cinwaanku wuxuu ku fiicnaa sidii aad maqaalka ku dhex xustay:

Wadaad kasta ma waxgarad baa? Wadaadkasta Diinta ma ku dhaqmaa? Marka maqaalkaaga waxaan uga jawaabi karay halkan cinwaan oo ah: wadaadku waa qof diinta wax ka yaqaan. Laakiin in qofkaasi yahay qof kheyr badan ama wuxuu yaqaan ku dhaqma waa wax kale.

Ma Sheekh Cumar Faaruuq dartiis ayaad magaca wadaad kula dhacday. Marka adeerkaana feer iyo faro-laab wax haku wado adna falsafad aan meel jirin baad la soo taagantahay. Seddex qodob adeerkaa baad uga ekaatay:

  • 1. Wadaaddo nacayb
  • 2. Eex iyo gobolaysi laakiin haddii Sayidku noolaan lahaa “Puntlander” soow ma noqdeen?
  • 3. Amxaaro ammaan ilayn waxaad ku sheegtay walaalaheen.
  • Marka haddaad rabtid inaad falsafadaada adeegsato bal qabyaalada, xalladda, maaweelada iyo meelahaas ku fiiri laakiin wax Diin ku saabsan hala soo aadin.


    Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

    WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

    AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

     Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2003

     QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


    Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

    Powered by www.SomaliTalk.com
    All About Somalia and More...
    >> Usheeg Asxaabtaada
    Allah Is Great
    xayaysiis

    mahuraan 
    MAHURAAN
    : Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


    BILICDA SOMALIYA
    Luuq Ganaane, 1987

    wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


     

    Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

    HTML CD