Newyork:- Madaxweynaha Dalka Pakistan Madaxweyne
General Pervaz Musharaf ayaa shallay wuxuu qudbad dheer oo dhinacyo badanleh ka
jeediyey fadhiga loo dhanyahay ee qaramada midoobay ee sannadlaha ah,qudbada
madaxweynaha oo ay ku tilmaameen khubarada siyaasadda pakistan u dhuun daloosha
inay ahayd qudbadii ugu xasaasisanayd ee uu madaxweyne Musharaf si caalami ah u
jeediyo, Madaxweyne musharaf oo hadlaya wuxuu yidhi"waxaanu hadda u dhawnahay
inaanu joojinaba dhamanteed xulafaysigii aanu la samaynay reer galbeedka ee
aanu kula dagaalamaynay argagixisada,

Madaxweyne Genral Pervaz Musharaf
|
waayo ayuu yidhi madaxweynahu waxay reer galbeedku ka
tallaabsadeen qaraaradii loo dhigay hanaankii lagula dagaalami lahaa
argagixisada, isaga oo madaxweyne Musharaf taasi sii faahfaahinaaya wuxuu yidhi
waxaa hadda ay gaadhay heer ay reer galbeedku isku khaldaan argagixisada iyo
dhibaatooyinka caamka ah ee ka jira dunida islaamka, taasina ayuu yidhi
madaxweyne Musharaf wax loo dul qaadan karo maaha, iyada oo taasi la
macnaynaayo ayaa waxa lagu sifeeyey inuu madaxweyne Musharaf ula jeeday
siyaasadda qalafsan ee Israel kula dhaqmayso maamulka falastiniyiinta,
Madaxweynaha oo sii hadlaya wuxuu yidhi "Waxaa dhinac la iskaga riixay
dhammaanba dhaqanka iyo habmaamuska tixgelinta leh ee dunida islaamka, iyada oo
buu yidhi reer galbeedku ay halmaameen in diinta islaamku tahay diin ku dhisan
cadaalad iyo nabad, waxay taasi muujinaysaabu madaxweynahu yidhi in aan sinaba
loo qarrin karin hadda cadhada iyo jahawareerka ka dhex guuxaya bulshada
islaamka meel wal oo ay j! oogaanba, Madaxweynaha oo taa sii faahfaahinaya
wuxuu yidhi:

Madaxweyne Musharaf oo
gabogebaayey qudbadiisa
uu u jeedinaayey qaramada midoobay
|
"Qaraxyada isbiimaynta ah iyo weliba naftooda
hurayaashu waa tusaale cad oo ay bulshada islaamku isku difaacayso kana
dhalatay dhulka sida amar ku taaklaynta ah la iskaga qabsanaayo, Madaxweyne
Musharaf-ka pakistan oo ay wajigiisa cadho ka muuqato ayaa wuxuu yidhi "waa in
loo yeello dagaalka lagula jiro argagixisada macno iyo murti laga fikiray
haddii kale buu yidhi waxaan ku kalsoonahay inuu burburi doono" Madaxweynaha oo
dhinaca kale ka hadlaayey sida waddankiisu uga qayb qaatay in ay la dagaalamaan
argagixisada wuxuu yidhi "Waxaanu samaynay haayado sirdoon oo adeegsanaya
habmaamus iyo sirdoon casriyaysan waxaananu albaabada u laabnay shakhsiyaad
badan oo ka dhex shaqaynaayey mandaqadda koonfur beri aasiya"

Madaxweyne Pervaz Musharaf
oo booqday xuduudka u dhexaysa
Pakistan iyo india (Kashmir)
horaantii sannadkani 2003
|
Madaxweynaha oo
ka hadlaaya waxa sababaya argagaxisada wuxuu yidhi waxaa haboon intaan loo dagin macna argagixiso
maxaa u dhexeeya argagixisada maxaliga ah iyo ta caalamiga ah? madaxweyne
Musharaf oo ka jawaabayey su,aashaasi wuxuu yidhi "uma aqaano anigu argagixiso
kuwa u dagaalamaya xorriyada dhulkooga (Freedom fighters) ee Kashmir iyo
Palestine inay yahiin argagixiso, balse miyaan la odhan karinbu yidhi
Madaxweyne Musharaf Kuwa dhulka ku soo duullay ee dulmiga wada ayaa ah
Argagixiso maxalli ah, isaga oo sii faahfahinaya wuxuu yidhi Madaxweynahu "Argagixisada
maxalliga ah ayaa sababtay argagixisada caalamiga ah markaa waa in si isku mid
ah loola dagaalama" Guntii iyo gebo-gebadii ayaa qudbadaasi oo aad iyo aad u
dheerayd wuxuu Madaxweyne Musharaf ku soo gebo gebeeyey qodobadani
In aan reer galbeedku ka baqanin kana boodin
shareecada islaamka waayo ayuu yidhi madaxweynahu waa nolosha dhabta ah ee
dunida islaamka
In diinta islaamku tahay diinta keliya ee
taageeraysa hanaanka dimuqradiga, si waafiyana u qeexday xuquuqda qofka,
sinaanshaha bulshada, iyo fikradda xorta ah ee bulshada
In diinta islaamku tahay mid qof walba si isku mid
ah u tixgelisa, oo aan u kala qoqobin bulshada, midabkiisa, sinjigiisa,
qabiilkiisa iyo diintiisaba
In diinta islaamku tahay diin fiiro dheer leh
nolosha iyo hanaanka casriga ah taageersan.
Wuxuu guntii iyo gebo-gebadii madaxweynahu yidhi in
inta nacaybku ku jiro bulshada galbeedka aanay jiri doonin wada shaqayn iyo in
si wada jir ah loola dagaalamo argagixisada caalamiga ah ayuu yidhi madaxweyne
musharaf.
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 23, 2003