SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 

SOMAALI-NIMADU MAXAY LA QEYMA TAHAY MAANTA?

QEYBTII 4-AAD

 

QORE: ABDULLAHI GULLED ALI

abdullahigulled@hotmail.com

 

 

SOMALIDA

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......


Siyaasi caan ah oo ka tirsan xisbiga xag jira ee wadanka Denmark, ahna nin aanan la gaban hadalkiisa iyo mowqifkiisa ayaa sheegay in ay isagu dhib ku aheyn hadii somalida lagu qaado dayuurado, laguna daadsho wadankoda dushiisa, maadaama cid laga xaali karo ayan jirin. Hadaba iyada oo warkaa iyo dhib ku heynta somalida lagu hayaa dhibtu ay badantahay ayaa waxaa soo booqday Denmark wafdi ka socday “Jamhuuriyada” Somaliland.

Dowladnimadu waa ay qurux badan tahay, marka aad hesho mas’uul sare oo ku matalaana waa ay ka sii fiican tahay, sababtoo ah wufuudaasi waxaa ay kala kulmeen dadweynaha soomaaliyeed weji ah in ay dhiban yihiin aflagaadada lagu hayana ay faraha ka baxday, waloow arinta ay u yimaadeen wafdigasi ay aheyd dhaqaale ay u doonayeen “Dowladooda”.

Goor fiidnimadii ah ayaa waxaa dhammaan saxaafada Denmark ka yeeray dhawaaq iyo calaalay ay ku muujiniyaan in laga fahmay qalad, weligoodna ayan somalida wax xun la jeclaan. Hadalkaan ayaa ka yimid xaga madaxda wadanka Denmark kadib markii mid kamid ah wafdigii yimid uu saxaafada Denmark u sheegay in Somalida loola dhaqmay sidii Xiligii Jarmalku Yuhuuda laynayey uu ula dhaqmay dadkaasi una isticmaalay saxaafada isaga oo jarmalku uu lahaa wixii xunba Yuhuud baa leh.

Dhammaan xisbiyada wadanka badankood ayaa afka iska furtay, iyada oo maalinkaa ay somalidu u aheyd maalin farxad midysa dareenkooda leh, waloow ayan helin waxa ay rajeynayeen oo ah in cadaadiska laga yareeyo, ayaa waxaa dadku ay ku farxeen in la helo ugu yaraan mas’uuliyiin somaliyeed oo ku hadasha magaca somalida dantooda iyo dareenkoodana ka tarjunta. Ragaan ayaa isla maalinkii ay wadanka soo galeenba shirar la yeeshay shacabka somaliyeed si ay u xog wareestaan.

Wado bey furatay Basaasadii Soomaaliyeed ee Norway... GUJI...

VISA-HA DJABUUTI OO LOO DIIDAY GABDHA SOOMAALIYEED EE KA 18 JIRKA EE KU NOOL DALKA NORWAY Guji halkan

Waxaa kaloo yaab leh qiso iyana ka dhacday isla wadanka Denmark oo ku saabsaneyd in Xoog loogu galay guri ay degenaayeen Qoys somaliyeed iyaga oo lagu eedeeyey in gabadh ay dhaleen ay gudeen, taas oo mamnuuc ka ah Denmark. Arintaan ayaa waxaa ka carooday dadweyne somaliyeed, waxaase yaab noqotay in dadkaasi wax garab istaaga la waayey, ayna keligood ku noqotay arintaa. Ma yara dadka gacmaha loola tago oo qasabka jirka ilmahooda lagu baaro, waxaana taasi ay dhalisay in soomaalidu ay yaab amakaag ku noqoto wax walbaa oo loo geystaa, isla markiina ay meesha kaga tyagaan dhib kastaa oo soo gaara, iyada xili dambana sida hadaba aan sameynayo ay noqoto sheeko la is xasuusiyo oo waa dhacday.

Hadaba waxaa somalida ku dhex nool nooc walbaale, culimo maanta aqoon diineed iyo mid maadi ahba isku darsatay, Siyaasiyiin aqoon macquul ah leh oo garan gara masiirka ummada, Mas’uuliyiin xilal kala duwan hore uga soo qabtay wadankeenii maamulka dowliga ahna wax ka garanaya, Journalistayaal miisaami kara amaba cabiri kara waxa la qorayaa muhimada laga leeyahay. Hadaba ragaas oo dhami xagee ayey ka baxeen? Waxaan soo xasuustaa Nin Somali ah oo lagu yiri “ Hebeloow reer kaaga allah kuma nabad-geeyo oo isna uu ku jawaabay xagoodaba uma socdo”

Dhibaatooyinka BBCda AfSoomaaligu
Ku hayso Soomaalida..
1aad
| 2aad

Hadaad misna dib u jaleecdo nolosha shacabka somalida ee ku sugan wadankenii kama duwana wax badan nolosha qeybta dibeda usoo qaxday ay ku sugan yihiin xaga nabada, iyo dareenka xorta ah ee qofku Allah siiyey. Feker niyad wanaagsan wata ayaa dhaliya dareen ah in naftu ay horumar tiigsato, hase ahaatee, waxaa intaa oo dhan isku fuuqsatay hadal uu BBC-da kasii daayey nin Indhool ah oo Sweden degen mar laga wareystay bal in uu sawiro darenka Somalida Sweden, waxaana uu ninkaa ku jawaabay “Sweden iyo Europe oo idilba waa wadan ay kor, hoos, iyo dhinacyadaba ay kaa degen yihiin dad aad kala diin midab iyo fikirba duwantihiin” .

Hadaba Somalida ku sugan wadankii iyana ma helaan dareenka xorta ah waloow ay wadankoodii ku nool yihiin, waxa sababi karaana waa ay badan yihiin balse waxaa ugu muhiimsan dareenka iyo socodka xorta ah, qof baahan waxba kaama celiyaan, taasna waxaa ay keentay in xadgudubku uu noqdo furaha muujinta raganimada, iyada oo dilka iyo afduubkuna ay ka noqotay wadankenii nooc ganacsiga kamid ah oo layiraahdo speculative marked oo ah in qofku ay ku adkaato in uu sii cabiro waxa ku dhici kara ganacsigiisa maadaama dhaq-dhaqaaqa jira uu yahay mid aan sal laheyn oo sameynaya radios change oo ah is bedel madax iyo mijo ah misana sidii geraantii u wareegaya.

Somalida la iskuma diri karo hadeynan laheyn cilad loo adeegsan karo oo laga soo mari karo, balse qaladaadkeena ayaa ka badan inta laynoo geesanayo, waxaana tusaale ugu filan in qabiilka oo ah wax jira, xagiisana laynaga soo maray. Diidmada macna darada ah oo ku badatay shacabka dhexdiisa ayaa weliba kalifi karta in qof walbaa si gooni ah uu wax u arka, iyada oo aanan haba yaraatee credible Debate la sameeyn. Almost isbaheysi kastaa oo abuurmo noocuu doono ha ahaadee, waxaa ka muuqda is diidmo xaga aragtida ah iyada oo weliba ay dhici karto in isku meel wax loo wada wado. Waxaa ay arintaani badisay kooxaha ka jira somalida dhexdeeda oo uu midba midka kale duqeynayo, kala taga iyo koox kooxeysigana in ay sii badato.

Nin ugaarsanaya oo isna la ugaarsanayo ayaa ay somalidu ka dhigan tahay, waxaase intaa u dheer in meel kastaa oo ay tagaan ay ku bataan, micne la,aantoodune ay sii badato, inleyn waa dad tiradooda oo keli ah ka fekera, tayadoodana aanan xoojin. Waxaan xasuustaa xili laga hadal heyn jirey somaliya guud ahaan gaar ahaan xamar oo aan nolosheyda ku soo qaatay kalmad “Macne maleh” ama “maxaa ka macna ah” la oran jiray oo maanta la ogaaday in ay macno yeelatay, hase ahaatee xili xun la dareemay macnaha ay ledahay.

Waxa aanan macnaha laheyn ee halkaa lagu muujin jiray ayaa ah arin aan qoraalkeygii hore kaga hadlay oo ah xilkasnimada iyo qofka oo ilaaliya nature-ka, inleyn nature-ku ma aha oo keli ah waxa nagu hareereysan, balse waxaa kamid ah nabada iyo nabadgelinta, ixtiraamka iyo hagaajinta aad wax uun hagaajiso inta aad dayac muujin laheyd. Qofka danta guud ilaashana Waxaa ay kamid aheyd nin lagu adeegto oo aanan waxtar laheyn, balse waxa ay ila tahay wadamo badan oo ay Denmark ugu horeyso in la ogaadey wadaniyada iyo wadanku qeymaha ay leeyihiin balse in aad sheegataa wadan “Somali-nimo” maxaa ay maanta qeyma leedahay?.

WALAALKIIN

ABDULLAHI GULLED ALI

WADAN IYO NABAD INSHA ALLAH

QORE ABDULLAHI GULLED ALI
E-MAIL abdullahigulled@hotmail.com

ARDAY 1998-2000 AARHUS BUSINESS COLLEGE
2001-2003 ARDAY FACULTY OF BUSINESS LAW AND TAXATION AT AARHUS SCHOOL OF BUSINESS......CONTINUING
fAMILY AND HAVE FOUR CHILDREN

 QORAALADII HORE EE A. GUULEED

Faafin: SomaliTalk | Sept 30, 2003

Dhibaatooyinka BBCda AfSoomaaligu
Ku hayso Soomaalida.. 1aad
| 2aad

Afeef: Aragtida qoraalak waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]