Soomaaliya waxaa ka dhacay
xukuumad la bedelay (Regime Change) in badan oo dadka Soomaaliyeed ka mid ah
u arkayeen inay ahayd xaq weliba in xoog lagu bedelo maahee aanay jirin xeel
kale oo lagu bedelo. Dadkaas Soomaaliyeed oo qaatay magacyo jabhadood ayaa
waxay ku baaqeen in haddii aan si dhaqso ah loo bedelin xukuumadda Soomaaliya
dhibaato aad u weyn gaysan doonto oo markaa waxay cadeeyeen hal ku dheg ah in
aan talaabo laga qaadin ma aha mid aan dooran karno (inaction is not an
option).
Waxyaabaha kale oo ay
yiraahdeen waxaa ka mid ahaa dagaalka gurigiisa madaxtooyada ayaan ugu
gaynaynaa oo guryaheena ku dagaalami mayno. Waxaa kale oo dadka loogu baaqay
in dawlad fiican oo aan digtaatooriyad ahayn oo aan eexasho ku dhisnayn la
dhisi doono.
Jabhadahaas oo muddo badan
soo jiitamayay oo marba magac hor leh la baxayay iyo koox hor leh horboodayay
ugu danbaytii waa ku guulaysteen in la rido xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre
– Regime Change!
Nasiib daro markii
xukuumaddii la riday Jabhadihii riday maba diyaarin nidaamkii bedeli lahaa
mana ka fikirin Soomaaliya Siyaad Barre dabadii!. Shacabkii sugayay barwaaqo
iyo nidaam iyo weliba nidaam cadaalad ah waxaa asiibay oo wareeriyay dagaal
sokeeye iyo gaajo, iyo fawdo(Chaos). Waxaa abuurmay wax aanay Soomaali
weligeed xataa filanayn oo xataa xeerarkii hore ee Soomaalida ee dagaalka waa
la jebiyay kufsi iyo bililiqo ayaa bilawday, barakicis iyo qax ayaa ku xigay,
dadka aan hubaysneen iyo kuwii laga badnaa ee xeebaha degi jiray oo aan waxba
galabsan ayaa cagta la mariyay.
Dhiigii qofka Soomaaliga
ahaa ayaa raqiisay weliba 300,000 ayaa lagu tiriyaa inta macluul u dhimatay
oo caruur u badan. Soomaaliya waxaa ay adduunka ku soo kordhisay magac la
yiraahdo WARLORD oo aan galbeedka laga isticmaalin ilaa qarniyadii dhexe,
isbaaro iyo kelmado kale ayaa mehrad noqotay. Dekadihii iyo garoonadii
waddanka ayaa xiran ilaa iyo hadda. Xukumad bedeladii Soomaaliya (Regime
Change) si fiican uma dhicin dadkii iyo dalkii oo dhan baa addunka ka suulay,
dad badan oo aan waxba galabsan ayaa la dilay ama lagu xad gudbay oo
Islaamnimadii Soomaalida sheegan jirtay ayaa la isweydiiyay xagee ka baxday?.
Dawlad la’aanta Soomaaliya
waa la’eeday gaar ahaan koofurta –gaar ahaan caasimadda oo ayada gaartay in
dadka nool nool la afduubo-dadkii xilkaska ahaa ama fiicnaana ay fara ku
gabad noqdaan.(waxaan Ilaahay ka baryaynaa kuwa ku dadaalaya inay ammaanka
wax ka qabtaan oo is abaalulay ilaahay ku guulaysiiyo-dadka Soomaaliyeed
meelkasta ha joogaan waxaa la gudboon inay taageeraan kuwaas dadaalaya oo
aysan xamar sidaas ku fiirsan!
Sidoo kale dawladda
maraykanka ayaa shaaca ka qaaday inay bedelayso xukuumaddii Sadaam ee ciraaq
ayadoo ku eedaysay inuu qatar ku yahay nabadda adduunka haddii la bedelona ay
dadka reer ciraaq marka la xoreeyo ka raysan doonaan oo nidaam fiican iyo
barwaaqo gaari doonaan .
Dawladda maraykanka ayaa la
filayay inay hayso dawladdii ama nidaamkii ay ku bedeli lahayd Sadam Hussein
intaanay dagaalka bilaabin hase yeeshee waxaa cadaatay in aanay nidaam dhaqso
ah keenin oo wadankana waxaa ka dhacay bililiqo iyo fawdo(Chaos). Dawladda
maraykanka ayaa hadda ku mashquulsan nidaanm dhisid iyo inay beesha caalamka
ka caawiyaan xallinta ciraaq.
Farqiga waa maraykanku
saaxiibo badan ayuu leeyahay iyo dhaqaale iyo cudud; Soomaaliduse saaxiibo ma
leh dhaqaale lagu baahi tiro warlordska iyo maleeshiyooyinka hubaysan laguna
kaafiyo ma leh sidaa darteed 13 sano ka dib iyo 14 shir weli waxba ma
hirgelin- Soomaalidu ilaahay ayayse leedahay.
Maraykanku waxay ahayd inuu
fiiriyo Soomaalia maxaa ka dhacay xukuumaddii markii la bedelay aydoo
nidaamkii bedeli lahaa aan lahayn!
Soomaalida maraykanka waxa
ay ka baran karaan wadaninimo, iyo sidii ay dagaalkii sokeeye uga gudbeen
qarni iyo bar ku dhowaad ka hor, sidii ay uga soo gudbeen noloshii kala
faquuqa ahayd (segregation) iyo cadaald darada dadka qaar lagu hayay siday
uga gudbeen oo ay ka mid tahay cadaaladda guryaha, shaqada, waxbarshada, iyo
ganacsiga inkastoo aan la oran karin maraykanku waa ay ka wada gudbeen
marxaladahaas haddana waa arrin wax weyn laga qabtay. Ugu danbayntii sida
maraykanku waxbarashada qasab ugu tahay caruurta ilaa ay ka gaarayaan 18 jir
ayaa ah arrin wax ku ool ah.
Maraykanka inqilaab kama
dhici karo jabhad hubaysanna waxba kama qaadi karto dadkana waxa ay leeyihiin
oo ay yaqaanaan hab lagu bedelo dawladda markaa jirta haddii ay xumaato,
dadkana dalkooda waa la jeclaysiiyay. Waxaa hadda mudan in laga hadlo hadii
Soomaaliya dawlad loo soo dhiso sidee looga difaacaa dawladdaas jabhadii
rabta in ay dumiso? Maxay dadweynaha ka yeelayaan haddii uu dal deris ah soo
hubeeyo jabhad?
Soomaalida dawladda ku soo
dhisayso Kenya haddayba hagaagto waxaa hadda la gudboon inay mustaqbalka
fiiriyaan oo cadeeyaan in soomaalida garaad u leedahay inay dawlad noqon
karaan oo ay beeniyaan fikradda ah waa reer guuraa oo aana weli u bislaanin
dawladnimo oo 30 sano ayay kulal kufeen dawladdoodii ama inuu isticmaarka sii
hayo ayay ahayd ee xornimada uma qalmaan. Mudanayaal afartaan qodob wax ka
dhaha:
1) Maxaa
waci gelin ah oo dadweynaha loogu talo galay siday u baran lahaayeen
dastuurkooda si aan qofna qof kale u dulmin?
2) Maxaa
wacyi gelin ah oo loo diyaaruyay dadka si ay wadaniyiin u noqdaan oo
wadankooda u jeclaadaan
3) Maxaa wacyi gelin ah oo loogu talo galay inay dadka dawladooda ka
ilaashadaan jabhad ama inqilaab militari- dadka waa in loo sheegaa sidii ay
ka yeeli lahaayeen haddii ay duruufahan oo kale la soo darsaan
4) Maxaa
wacyi gelin ah oo loogu talo galay dadku inay samayn karaan haddii ay dawladu
ku xumaato.
Waa in aan helnaa dawladda
adduunka ugu fiican si dhiigga iyo sharafta dadka Soomaaliyeed uu qaali u
noqdaa.
Codsi: Si aan u
baranno nidaamyada dawliga ee caalamiga ah. fadlan aan ka faa’iidaysanno
aqoon yahannada Soomaaliyeed ee Dunida ku kala firirsan ayagoo noo soo
gudbinaya dawladda ay ku hoos nool yihiin sida ay u shaqayso iyo waxa ay soo
martay intii karaan kooda ah. FADLAN DALKA AAD KU NOOSHAHAY DAWLADIISU SIDEE
U SHAQEYSAA?
Mahamoud Wardere
mnwardere@yahoo.com
Minneapolis, Minnesota USA.
