SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XASUUQ

Feb 10, 2004  

Sannadguuradii 13aad ee kasoo wareegtay xasuuqii ka dhacay Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali

W/Q: Cabdulfataax M. Cabdulle
Feb. 10, 2004

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Maanta oo ku beegan 10-ka Febaraayo ee sannadkan 2004, beesha Nuux Maxamuud meel kasta oo ay joogaanba, waxay si murugo iyo tiiraanyo leh u xusayaan sannadguuradii 13aad ee kasoo wareegtay xasuuqii 86 qofood oo dhamaantood ka tirsanaa beesha Nuux Maxamuud. Dadkaas waxaa si gardarro ah loogu gumaaday Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali oo ku yiil degmada Kaaraan ee magaalada Muqdishu taariikhdu markay ahayd Feb. 10, 1991. Maalintaas iyada ah ciidamo hubeysan oo daacad u ah maamulkii Cali Mahdi Maxamed ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti, ayaa si bani’aaddanimada ka baxsan u xasuuqay dadkaas. Sababta shacabkaas aan waxba galabsan loo xasuuqayna waxay ahayd cadowtannimo qabiil oo xilligaas si gaar ah loola beegsaday guud ahaan beelaha ku abtirsada Daarood.

Shacabkan la xasuuqay waxay ahaayeen dad kasoo qaxay dagaalladii ka socday magaalada Xamar ee lagu riday dowladdii Maxamed Siyaad Barre. Waxayna saarnaayeen gaari xamuul ah oo ay ku qaxayeen, kadibna waxaa xoog ku qabsaday maleeshiyo hubeysan iyagoo maraya tuulo la yiraahdo Mubaarak oo u dhaw degmada Afgooye. Waxaana si qasab ah loogu celiyay magaalada Muqdisho oo ah goobtii ay hore uga soo barakaceen.

Markii Muqdisho lagu celiyay, waxaa loo gacan geliyay ciidamo nacayb gaar ah u qabay oo ay ood-wadaag yihiin beesha Nuux Maxamuud. Isla markiina, guddi si gaar ah loo xulay ayaa ku shiray Hotel Towfiiq, waxayna ansixiyeen in la xasuuqo dhammaantood iyaga oo aan waxba galabsan, dembina lagu soo oogin.

Aroornimadii 10-kii Febaraayo 1991, ayaa xukunkaasi lagu hor fuliyay guddi sare oo loo xilsaaray fulinta gumaadkaas. Dadkaas waxaa lagu laayay qoriga loo yaqaan Baroon, maydkoodiina waxaa lagu aasay hal god!

Wax yar ka dib, marki la fuliyay xasuuqa dadkaas, Cali Mahdi Maxamed ayaa wareysiyo kala duwan ku sheegay in ilaa 50 qofood oo ka tirsan Jabhaddii USC la dilay kadib marki looga shikiyay in ay abuurayaan amni darro carqalad ku ah USC. Hadalkaas waxaa laga sheegay Idaacadda ku hadasha codka maamulkiisa, wuxuuna ahaa marin-habaabin loola jeeday in lagu baabi’iyo dambiyada dagaal ee la fuliyay. Shacabkan la xasuuqay waxay ahaayeen dad ku abtirsada beesha Nuux Maxamuud waxayna ab-wadaag yihiin qabiilka Majeerteen kamana mid ahayn jabhaddii USC. Sidoo kale ma ahayn dad hubeysan.

Dadkan la xasuuqay waxay isugu jireen arday, ganacsato iyo culumaa’udiin, da'dooduna waxay u dhexeysay (8 jir ilaa 65 jir). Cali Mahdi wuxuu wareysigiisa ku sheegay in tirada dadka la laayay ay ahayd ilaa 50 qofood balse tirada runta ah waxay dhamayd lix iyo siddeetan (86) qofood. Bayaanka idaacadda laga sheegay wuxuu muujinayaa ujeeddadiisa oo ahayd in uu daboolo ama qariyo falalka bani’aadannimada ka baxsan ee maamulkiisu ku kacay.

Xasuuqani wuxuu ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ka dhaca magaalada Muqdisho, waxuuna qayb ka yahay gumaadyo iyo falal argagax leh ee isugu jira: jirdil, kufsi iyo Afduubyo loo geystay beesha Nuux Maxamuud. Falalkaas oo dhammaantood diiwan gashan xilliyadi ay dhaceen iyo goobihii laga fuliyayba waxaa weeye kuwo naxdin leh oo aragagax kugu beeraya.

Xuskan sannadguurada 13-aad ee xasuuqii ka dhacay Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali, oo ah mid aan ka baa’bi doonin xuxuusta dadka Soomaaliyeed ee nabadda jecel, gaar ahaan beesha Nuux Maxamuud, waxuu kamid yahay dhacdooyinka murugada leh ee ka dhacay dalka Soomaaliya 13-kii sano ee ugu dambeeyay. Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo hey'adaha aan dowliga ahayn ee u dooda xuquuqda aadanaha, in ay xil weyn iska saaraan sidii looga hortagi lahaa xad-gudubyada ka dhanka ah bini’aadannimada loona aqoonsado kuwa ka dambeeya dambiilayaal-dagaal. Sidoo kale waxaan u soo jeedineynaa dhammaan Ururrada Bulshada oo ay saxaafadda Soomaaliyeed qayb ka tahay in la hor mariyo ololaha wacyi galineed ee ku wajahan nabadda iyo dhowridda xuquuqda aadanaha, si loo abuuro jawi nabadeed oo saamaxaya in dadka Soomaaliyeed ay ku wada noolaadaan si nabad ah oo cadaalad iyo sinnaan ku dhisan, loogana digo kuwa geysanaya xadgudubyada ka baxsan Xuquuqda Aadanaha ee dhacaya goor walba.

Warbixintan waxaa diyaariyay:

___________________________
Cabdulfataax M. Cabdulle
Golaha Beesha NM 
warbaahinta@yahoo.com 
===================================================

ENGLISH VERSION

13th Commemoration of the Massacre at Mohamud Ahmed Ali Secondary School

By: Abdulfatah M. Abdulle

Today, February 10, 2004, the Nuh Mohamud clan all over the world is commemorating, with deep sorrow and pain, the 13th commemoration of the massacre of 86 victims of their people. These victims were deliberately massacred in the then Mohamud Ahmed Ali Secondary School, located at Kaaraan District of Mogadishu, Somalia, on February 10th, 1991. On that day, the execution has been carried out by armed militia loyal to the then Ali Mahdi administration, appointed in Djibouti. The reason for killing these innocent civilians was a part of well planned ethnic cleansing towards Darod population who were, at that time, singly targeted for massacre in and around Hawiye dominated area.

The massacred victims fled from the ongoing civil war that resulted the ousting of former regime of Mohammed Siyad Barre. They were captured by heavily armed militia while traveling on transport trucks in Mubarak, near the district of Afgoi. They were forcibly returned to Mogadishu and held as prisoners in the Mohamud Ahmed Ali Secondary School.

Immediately, the captives were handed over to another militia from the tribes neighboring with Nuh Mohamud clan and then a special selected committee of Mahdi's administration held an emergency meeting in Towfiq Hotel. The committee issued a decree authorizing to massacre all of these innocent civilians. Their order has been implemented on the early morning of Feb. 10th, 1991 with the presence of some of high status officers. The victims were massacred with heavy machineguns and buried in a mass grave!

Shortly thereafter, Mr. Ali Mahdi issued statements in different interviews that totally denied the facts. He said that about 50 men of the United Somali Congress (USC) had been killed after they were allegedly creating instability in their community. His statements were broadcasted from a radio station of his own administration and were meant to hide the atrocities committed by his administration.

On the contrary, the victims were unarmed, innocent civilians of Nuh Mohamud, a subclan of Majeerteen, and were never part of the USC.

The victims were students, businessmen and religious people between the ages of 8 and 65 years. This massacre was the first of its kind in Mogadishu. It officially cleared the way for further prosecutions in the form of torture, killing, rape, intimidation, blackmail, etc. against the Nuh Mohamud clan. These documented facts are events, which will leave everyone with a great sorrow.

The 13th commemoration of the Mohamud Ahmed Ali Secondary School massacre, which is unforgettable event to all peace-loving Somalis everywhere, particularly the Nuh Mohamud community, is just one of the inhuman crimes happened in Somalia during the past 13 years.

Therefore, we are appealing to all the Somali people and pro-human rights non-governmental organizations for ideas on ways to confront atrocities against humanity and recognize those behind them as war criminals. We are also appealing to the local and/or international media groups as well as the civil societies to increase the awareness of human rights in order to create a peaceful environment for the Somali people. A peace based on justice and equality that will always remind those committing crimes against humanity of the wrongness of their deeds.

Abdulfatah M. Abdulle

The Nuh Mohamud Advisory Committee
warbaahinta@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 10, 2004 

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD