SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Feb 10, 2004  

BAL AAN EEGNO DHIILADA ISAAQ DHAXALKA AY REEBTO

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Aduunku wuxuu ka dharagsan yahay daan daansiga ay wadaan beelaha ka taliya Gobolada Waqooyi Galbeed, marar badan waxay ku celceliyeen inay dagaal aargoosi ah ku qaadi doonaan beelaha Hartiga ee dega Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn (SSC). Iyagoo doonaya inay ka midho dhaliyaan ayaa Hogaankooda u sareeya Mr. Daahir Riyoole booqdey xeryaha ay ku sugan yihiin maleeshiyada ka amar qaata.

Sida la wada agoonsan yahay Maamulka W/G ma dhaafsiisna magaalada Hargeysa nawaaxigeeda, dhinaca galbeedka wuxuu gacan ku hayntiisa gaadhaa ilaa Boorama, dhinaca Bariga waxaa dhaq dhaqaaqooda laga dareemi karaa magaalada Sheikh. Magaalada Burco oo ah caasimada labaad ee maamulka gobolka W/G, wali waxaa laga socota isticmaalka lacagtii hore ee Soomaliya, walina suuqyada magaalada waxaa lagu kala iibsadaa hubka fudud, dhinacyada magaaladana waxaad ka maqlaysaa dhawaaqa rasaas kala duwan, markaad waydiisid dadka magaalada degan waxay ku odhanayaan waa "Qoryo la kala iibsanayo".

Maamulka Hargeysa ka taliyaa maaha mid ka tisqaaday gobaladii laysku odhan jirey somaliland protectorate ee gumeystihii Ingiriisku maamuli jirey, waxay ku guul dareysteen iney helaan afti taageersan fikradooda goosashada. Aduunku wuxuu wada ogsaan yahay in Gobolada SSC ayna ka dhicin wax doorasho ah, firkarooduna tahay somaliweyn, haybna la wadaagaan beelaha iyo maamulka Puntiland.

Waxaa xusid mudan in maanta Hogaamiyayaasha xusbiyada mucaaradka Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe qirteen in dadka degan SSC ay goob joog ka ahaayeen shirkii Burco iyo Boorama fikrada goosashanada ay markaasba diidanaayeen, hadii dagaal lagu qaadno maanta ay sii kordhinayso colaad iyo kala fogaansho hor leh.

Mudane Siilaanyo wuxuu aad u dhaliiley dowlad ku sheegta Daahir Riyoole, wuxuu ku tilmaamey Nin jilicsan, siyaasadiisana u madax banaaneyn, wuxuu kaloo Siilaanyo cadeeyey in maamulka Daahir Riyoole sii kordhiyey colaad hore leh, sidoo kale wuxuu dusha ka saarey inuu masuul ka ahaa shilalkii ka dhacay Laascaanood. Wuxuu kaloo wargeysyada aduunka u sheegay in dariiqadii loo marey xadhiga Boqor Cismaan "Buur madow", uu ahaa mid qaldan, isagoo ka digaya in colaad hor leh dhexmarto beelaha hada nabada ah, wuxuu amray in deg deg loo sii daayo Boqorka.

Beelaha dega gobolada SSC waxay gadh wadeen u ahaayeen Xoogagii Daraawiishta iyo Sayid Mohamed Cabdulle Xassan, waxayna dagaal hubeysan la galeen gumeystihii Ingiriiska iyo huwantiisii oo ahaa beelaha Isaaq, dagaaladaasi waxay ka dhaceen goobaha ay ka mid yihiin, Afbakayle, Beerdhiga, Cagaarweyne, Daratoole, Fardhidin, Jidbaale iyo Ruuga. Dhacdooyinkii ay markiyeen gumeystaha iyo huwantiisa waxaa wali laga xusaa guriga looga taliyo Boqortooyada Ingiriiska.

Sidoo kale waxay door weyn ka ciyaarayeen maamuladii wadanka soo maray 60-kii sano ee u dambeeyey. Maanta oo gabi ahaanba wadankii soomaaliyeed dowlad la aqoonsan yahay ka jirin, waxay shukaanta u hayaan maamulada jira. Mr. Ahmed Mohamed Adan (Qeybe) oo ah masuulka ugu sareeya golaha wakiilada iyo 45 xubnood oo isku jira wasiiro iyo xildhibaano ka soo jeeda beelaha Harti, waxay sutida u hayaan inay fashiliyaan maamulka Daahir Riyoole ee ka taliya gobolada W/G.

Isku soo wada duuboo, beelaha Harti waxay maanta ku sugan yihiin jiida hore ee dagaalka, waana keeb la yuurur, waxayna diyaar u yihiin wixii ay la yimaadaan beelaha Isaaq, Nabad iyo Colaad midkood.


Madaxgaal 
Mohamed Jama   madaxgaal@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 10, 2004 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD