Meeshu waa Koonfurta Suudaan oo ay col iyo abaar kala
darani qaybsadeen. Malaayiin dad ah oo aan denbi lahayn ayaa saxariiraya.
Sida saxaafadda caddaanka caadada u ah boqollaal weriye oo kamarado la
yaayacaya ayaa sidii haad bakhti heshay halkaa ku xoomay. Risiqoodu wuxuu
galay in ay dadkooda u soo bandhigaan muuqaal argagax leh oo dunida iyaga ka
baxsan ku saabsan. Dano kalena waa ay ugu qarsoon yihiin. Kooda sawirka ugu
naxdin badan soo qaada ayaa billadda ugu sarraysa helaya. Nin kuwaa ka mid ah
oo kamarad sita ayey maalintaa riyadiisii u dhabowdey. Wiil yar oo qaawan oo
aad u macaluulan ayaa goob darxumo iyo habaas leh gandooda. Waa keligii.
Gaajo iyo tabardarro ayey naftu uga baxaysaa, ilbidhiqsi kasta ayuuna isaga
oo mayd ah wejiga ciidda gashan doonaa. Meel dhawr tallaabo u jirta waxaa
laba indhood oo kuwa wadka ka kulul kaga soo haya gorgor aad u weyn. Gorgorku
wuu arkaa yarku in uu dhimanayo, wuxuuna sugayaa inta ay naftu ka baxayso ama
kuududka ka dhacayo. Labadaa waxaa ku saddex ah ninka daawanaya ee sawiraya,
oo isaguna ah gorgor kale. Wuxuu noqday sawir aad u qaali ah.
Beri aan markaa ka fogeyn waxaa la joogaa Koonfurta
Soomaaliya. Col iyo abaar tii Suudaan ka daran ayaa loo labadiblaysan yahay.
Nin aad u macaluulay ayaa nafta la soo gaadhey biyaha Webi Jubba. Laakiin
tabardarro darteed ayey biyihii uu afka saaray naftu ka raacday. Waxaynu
aragnay nin kale oo isla xaaladdii hore qaba kaas oo maydkii ninka hore ka ag
cabbaya. Wax aan biyaha ahayn ma arki karo ama dan kama leh. Isla markaas iyo
isla degaankaas ayuu ilmo yari hooyadii oo mayd ah nuugayaa. Waxay noqdeen
laba sawir oo aad u qaali ah.
Mar saddexaad waa Ruwaandha. Waxaynu aragnaa
tobannaan kun oo mayd oo sida qashinka boholo waaweyn cagaf ku wada shubayso,
oo aan kafan, xushmad iyo dadnimo midina ka muuqan. Mar kale waa Yugaandha.
Waxaa la ina tusay qoysas dhan oo dhimasho AIDS lagu sheegay u daadsan, iyo
bulsho dhan oo waddadii dabargo’a ku hayaansan.
Sawirradaas iyo kumanyaalka la midka ah giddigood
marka la isku xantoobiyo waxay sidaan dhambaal iyo dareen isku mid ah, kaas
oo ah: “Qofka afrikaanka ahi waa dugaag aan wax qiimo ah lahayn.” Sawirkani
midabyo iyo muuqaallo kala duwan ayuu ku yimaaddaa, laakiin mar walba wuu ka
duwan yahay kuwo kale oo ay isku danta yihiin. Tusaale ahaan bahdilkii ku
jirey qabashadii Saddaam Xuseen sawirkan ma aha.
Sawirkaas Afrika laga muujiyaa in uu dhab ahaan jiro
iyo sababta uu u jiro waa arrin aad muhiim u ah oo mar walba in laga doodo
mudan, halkanse waxaynu kaga hadlaynaa sababta la isu tuso. Laakiin horta
aynu isla ogaanno warbaahinta taa muujisaa in ay tahay ta caddaanka. Taa
sababteeda waxaa la moodi kara warfaafintooda oo ta dunida kale ka horraysa,
laakiin runtu waa in ay dadka kale sawirkaas ka jecel yihiin, raadintiisana
uga firfircoon yihiin. Oo maxay u jecel yihiin uguna firfircoon yihiin? Waa
qiso dheer oo shan boqol oo sano hortood soo bilaabatay. Maalintii uu
sahankoodu Afrika cagaha dhigay ilaa maanta waxay u guntan yihiin laba
arrimood:
1) In ay reer afrika argagax, cabsi iyo isku
kalsoonixumo geliyaan.
2) In ay naftooda iyo dadkooda sarrayn, kalsooni iyo
dhiirrasho ku abuuraan.
Haddaba si ay labadaa danood u fuliyaan waxay
qariyaan, oo xumeeyaan, oo liidaan dhinac kasta oo ah dadnimada reer afrika.
Sidaa darteed inta uu cimrigaagu jiro oo dhan haddii aad warbaahinta
caddaanka daawatid ama akhridid ha ka yaabin in aad wax aan waxaas ahayn oo
Afrika ku saabsan ka aragtid. Warfaafinta oo keliya ma aha ee wax walba waa
ku sidaas: halabuurka iyo taariikhda tusaale ahaan. Bal eeg sida ay u
dafiraan ilbaxnimooyinkii hore ee Afrika: tusaale ahaan faraacinadu in ay
madow ahaayeen, Derbiga Weyn ee Simbaabwi in ay afrikaan dhiseen, iyo xataa
Qalcadda Taleex in ay daraawiishtu dhistay. Bal arag “Black Hawk Dawn” oo ah
filin ay ka sameeyeen dagaalkii iyaga iyo Maxamed Faarax Caydiid Xamar ku
dhex maray.
Sidaas ayuu halgankooda qabsashada iyo yeelashada ahi
ku bilawday welina ku socdaa. Intaa maanta waxaa u dheer dadaal ay ugu jiraan
in ay Afrika xasilloonida iyo nabadda kagala dagaallamaan, si aan horumar uga
dhalan. Isla markaana in loo arko meel baas oo ay dhimasho taal si looga dido
oo aan loo maalgashan, warshadaha iyo lacagtuna ugu guurin. Waayo? Sida la og
yahay Afrika waxaa yaal shaqaale da yar oo aad u jaban iyo khayraad ceedhin
oo aad u badan, labadaas oo ay dadka hantida lihi ku riyoodaan in ay ka dhex
shaqaystaan.
Yasidda aan xadka lahayn ee maskaxda iyo nafta dadka
caddaanka ah ka buuxda, ee ay qofka midabka madow u hayaan, ma aha dareen soo
jireen ah ee waa maskaxkufsi shan boqol oo sano lagu soo wadey welina lagu
wado. Tusaale ahaan giriiggii iyo roomaankii hore cudurkaas ma ay qabin (arag
qoraallada taariikhda Afrika ee Basil Davidson tusaale ahaan). Berigii hore
si toos ah ayey waxaas isugu barbaarin jireen, laakiin imika waxay u
sameeyaan si aan inta badan fudayd lagu fahmi karin, hase yeeshee mar walba
nafsad ahaan dareenka bulshadooda gelaya. Isbeddelkaa yar waxaa u sabab ah,
aniga aragtidayda, waxyaalo dhawr ah. Waa marka koowaade kala faquuqa dadka
qudhooda ayaa eeday ka dib markii uu Adolf Hitler si ba’an u karbaashey.
Marka labaad dunida waxaa ka soo baxay quwado waaweyn oo midabtakoorka lid ku
ah, sida tii Hantiwadaagga. Marka saddexaad dadkii ay dullaynayeen waxay
yeesheen wacyi iyo qaddar iscaabbin ah. Marka u dambaysana iyaga qudhooda
waxaa ka soo dhex baxay feker iyo dhaqdhaqaaq xor ah oo cunsurinimada u arka
badownimo bahalnimo ah.
In kasta oo ay isku dayaan in ay ceebtaa asturaan
waxaa jira marmar ay taasi faraha ka baxdo oo isku day kasta oo ay ku
asturayaan fashilmo. Tusaale taa ku saabsan aynu u soo qaadanno khilaafka ka
dhex aloosan dawladaha caddaanka ah iyo Simbaabwi.
Sannadkii 1980 markii Ingiriiska laga saaray
Simbaabwi tobannaan kun oo caddaan ah ayaa halkaa ku hadhay oo muwaaddiniin
noqday. Dadkaa tirada yari waxay haysteen in aad u yar mooyee dhulka beeraha
ah oo dhan iyo guud ahaan hantida dalka inteeda badan, bulshada kalena iyaga
ayey u adeegaysey. Markii dalku gobannimada qaatay waxaa la isku raacsanaa in
dadka asalka ah ee tirada badan beeraha wax laga siiyo. Laakiin muddo
labaatan sano ah Robert Mugabe taa waxba kama uu qaban. Markii uu madaxnimo
helay baahidii dadkiisa hoos uma eegin. Sidaas ayey caddaankii tirada yaraa u
sii wadeen in ay iyagu wax lahaadaan madowguna u shaqeeyaan. Dabadeed waxaa
la soo gaadhey goortii uu dadweynuhu Mugabe taa iyo arrimo kaleba kala
xisaabtami lahaa. Dabayshaasi kelitaliskii labaatan jirka ahaa ayey aad u
gilgishay. Sidee ayuu ku sii jiri karaa? Waa in dadka la mashquuliyaa, waa in
la soo toosiyaa qaddiyaddii la seexiyey ee qaybinta dhulka. Isla markaa
Mugabe wuxuu u baahday jabhaddii gobanimada la dhalisay, oo uu hore u dayacay,
si uu dabaysha ku soo dhacday uga dugsado. Iyaga waa in la soo maslaxaa oo
dhul beereedka ay caddaanku iska haystaan qayb laga siiyaa.
Kooxdii caddaanka ahayd markiiba waxay u qaylo
dirteen tolkood. Hiilkii ugu horreeyey wuxuu uga yimid reer adeerkood,
Ingiriis, waxaana ku xigey Yurub inteeda kale iyo Maraykan. Dalkii waxaa lagu
furay qalaanqal, waxaa laga shaqeeyey in Mugabe talada laga eryo, waxaana si
waalan loo taageeray ninka isaga kursiga kula loollama. Dalkii waxaa lagu soo
rogey cunoqabatayn, waxaana dhacay dhaqaale burbur iyo gaajo. Dabadeed
dhaqaale burburkaa ay cunoqabatayntu keentay ayaa dunida loo tusay maamulxumo
iyo musuqmaasuq. Haddii ay sidaa tahay maxay beri hore u dhici weyday? Mugabe
ma sannadkii 2000, markii ay caddaanka isku dhaceen, ayuu musuqmaasuqa
bilaabay? Dawladaha caddaanka ahi waxay isku dayaan khilaafka iyaga iyo
Simbaabwe ka dhex oogan in ay ku sheegaan mid ku saabsan dimuqraadiyad iyo
xuquuq aadami. Runtiise waa midabtakoor wejigiisa bahalka ah iftiinku mar
kale ku dhacay.
Ka tag Simbaabwi oo u fiirso qalalaasaha ka dhacay
ama ka socda dalalka macdanta hodanka ku ah oo dhan: J D Koongo, Kongo,
Badhtamaha Afrika, Laybeeriya, Siiralyoon, Angoola… U fiirso sida ay shirkado
caddaan ahi khayraadkaas u bililiqaystaan. Shirkad aan dawlad weyn dhabarka
ku hayni miyey waxaa samayn kartaa? Gawracii ka dhacay Ruwaandha waa la ogaa
in ay dalal uu Faransiisku ka mid yahay gacan aad weyn ku lahaayeen. Taas
runteeda waxaa ilays xoog leh ku shiday sarkaalkii berigii Qaramada Midoobay
halkaa u joogey, Romeo Dallaire. Wuxuu dhowaan soo saaray buug uu cinwaan uga
dhigay ”Shake Hands with the Devil – The Failure of Humanity in Ruwanda”.
Sababta uu Kofi Annan markaa ka dib xoghaye guud ugu dallacay waxay ahaan
kartaa xasuuqaas oo uu, sida la og yahay, door nacasnimo ah ku lahaa.
Ugu qaybsanaha Qarammada Midoobey ee Soomaaliya
isaguna wuxuu inoo xaqiijiyey xalka mushkiladda Soomaaliya in uu soo dhowaan
lahaa haddii uu mid keliya oo dalalka waaweyn ka mid ahi daacad ka noqon
lahaa. Arrinta in aan daacad laga ahayn loojiko ahaan waxaa ku xiriirsan in
sidaa lala rabo. In sidaa lala rabana waxaa ku sii xiriirsan in hoosta laga
afuufayo. Sidaas ayey mucaaddaladu isu keenaysaa. Marka aan sidaa u hadlayo
waan fahmayaa weydiinta quusta ah ee maskaxdaada ku wareegaysa, taas oo ah:
”Oo haddaa ma si kale ayey arrintu ahaan lahayd?!” Aadamigu wuxuu isku
dhaarsaday in aan dugaag kayn ku jira la noqon ee samo iyo iskaashi dunida
loogu wada noolaado. Sidaa darteed haddii taa la helo iyo haddii la waayaba
waa in ay dood waliba halkaa ka duushaa.
Waa kaa haddaba sawirka ay caddaanku ugu jecel yihiin.
Waa muuqaal dhimasho, cudur, liidnimo iyo hoog ah oo qof madow haysta.
Haddaba lacagtii dunida iyaga ayaa maanta haya ee ma doonaysaa in aad
dhadhamo ka heshid? Jawaabtu haddii ay tahay “haa”, kamarad iibso oo Afrika
tag. Dabadeed soo sawir qof ciidda jiifa oo ay naftu gaajo uga sii baxayso,
ama qof cudur aan dunida hore loogu arag u dhimanaya, ama qof waraabe raqayo
ama wax la naxdin ah. Waxaa keliya oo shardi ah sawirku in uu nafta aadamiga
argagax iyo yaqyaqsi wadajir ah ku abuurayo. Ogow qiimaha aad sawirkaaga ku
heli doontaa in uu ku xidhan yahay hadba qofka aad sawirtay inta uu madow
yahay – mar kasta oo midabka qofku sii madow yahay sawirku wuu sii
qaaliyoobayaa.
Ku darso qorshaha in aad heshid gacan cad oo dad
madow quudinaysa. Sawirka noocaas ahi in kasta oo uu ka hore ka jaban yahay
waxaad ku heli kartaa lacag aadan malayn karin. Haddii aadan sawirqaadista ku
fiicnayn ha quusan ee si kale yeel, tusaale ahaan qor wax taa la mid ah.
Sidaas iyo nasiib wacan!
___________________
F.G: 1) Halka aan ka adeegsadey “caddaan” dhaqan
ahaan waxaa la adeegsadaa “reer galbeed” taas oo ceebo badan lagu asturo, ay
ka mid tahay in magaca ummadda reer jabbaan lagu galo dhagar aanay waxba ku
lahayn. 2) Waxaynu og nahay malyuumaad caddaan ahi in ay eeddan ka ceeb la
yihiin. 3) Caddaanku qofka sidayda isaga oo magan u ah sidan u hadla waxay ku
aamusiiyaan: Hooggii aad ka soo firxatay ayaanu dunida u muujinaynaa si loo
ogaado waxna looga qabto.
Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com