Feb 10, 2004
!!!!MABA AADAN DHALANE DHOWRSAN OKIDAA? !!!!
Jabarti Osman
Jabarti2020@hotmail.com
Waxaan mudo aan sidaa u sii fogay ku soo
bandhigay shaashadaha internet-yada Afka Soomaaliga lagu qoro maqaal aan kaga
hadlayay shirka ka socda Nairobi. Maqaalkaas waxaan kaga hadlay arimo badan
oo ku saabsan bilowgii shirka, habsocodkiisa, caqabooyinka kala duwanaa ee
soo wajahayay had iyo goor, wax yaalaha burburinkara, iyo waxyaalaha sababi
kara inuu guulaysto. Hadaba waxaan aad ulayaabanahay eray ka mid ahaa
odoraskaygii oo aad moodid inuu durba soo ifbaxay, kaasoo ahaa, tolow
dhunkashada Nairabi ka dhacday ma tii Caydiid iyo Cali Mahdi bay noqon,
Soomaaliyay toosuduna ma tii Carte ayay inana noqon, marka waxaad
moodaa madashii oo aanba lagu kala kicin, gogoshii oo aanba la laabin,
xaajadii oo aanba la gaba-gabayn in labadiiba soo rumoobeen, oo ilayn
Soomaalidu waxay tiraahdaa “Tuugaas lax ma ka dhaarsan lahayd” Sidoo kale
waxay yiraahdaan “Nimaad taqaanid yaa tahay lama yiraahdo” war ilayn nimanku
waa nimankii, aaway dhunkashadii Cabdulahi Yusuf iyo Muse Suudi, Aaway
Soomaaliyay toosadii Cabdiqasim, Qanyare, Ina Caydiid, Cabdulahi Yusuf ,
Shaati Guduud, Moorgan iyo mowliid macaane, aaway gacma is qabsigii iyo
baroortii (oohintii) iyo is bihin bihintii iwm.
Sowtan durba xulafooyin cusub samaysmeen,
sowtan durba kooxo isku xulafo ahaa kala jabayaan, sowtan durba wixii la
saxiixan laadka lagu dhuftay, sowtan durba qodobo iyo qoraalo aan la isku
ogayn la isku camaynayo. Aaway Dowlad baanu dhisidii, aaway Sheekadii ahayd
Shacabkayagaanu u tanaasulaynaadii.
Waxaa kale oo iyana soo ifbaxayday odoros
kale oo aan hore u soo sheegay oo ahaa faragelin shisheeye inaysan meesha ka
marnayn, sida Itoobiya, Carabaha, Iyo Maraykankuba, sidoo kale waxaaba daba
maroojis bilaabay Kenya oo maadaama ay ku fashilantay inay ajandaheedii
ugaarka ahaa ku fushato shirka durba bilowday daba maroojis iyadoo ka
masayrsan Ugaandha , diidana in la yiraahdo wax Kenya ku guulaysan wayday
ayaa Uganda ka mira keentay oo guul ku dhamaysan.
Hadaba akhristow ma dhabaa waxa ay reer SRRC
ka caraysantahay, mise Itoobiyaa meesha ku jirtoo tiri burburiya shirka sida
shaashado internetka ka mid ahi soo qoreen.
Waa marka koowaade waa run in Itoobiya ay
ulajeedooyin dhow iyo kuwo dheerba ka leedahay Soomaaliya, sidoo kale waa run
in ay isku dayayso inay ajandaheeda ka dhexfuliso madasha shirka iyadoo
adeegsanaysa hadba ninka u dhaga’nugul mabda’ooda. Hadaba su’aasha kale oo
iswaydiinta u baahani waxay tahay “ma Itoobiya oo qudha ayaa qasaysa shirka
mise dowlado kale oo badan ayaa iyaguna fidmada wax ku leh oo doonaya inay ka
dhexfuliyaan mabdayadooda iyo danahooda gaarka ah ee soomaaliya ay ka
leeyihiin iyagoo adeegsanaya raga ay gacansaarada la leeyihiin kuna fushan
karaan mabaadidoodaas?) Su’aashaa jawaabteeda oo gaabani waa HAA oo way
jiraan dowlado kale oo dabka waxka hurinaya sida Kenya, Masar, Maraykanka iyo
Ugaandha qudheeda.
Laakiin waxaan oran karaa waa been in ay
Itoobiya ka danbeeyaan xirgifta cusub ee shirka soo kala dhexgashay, haa oo
way jiraan qaar ka mid ah SRRC oo ay si toosa u gacansaar ula leedahay, kuna
fushato mabdayadeeda, laakiin khilaafka cusubi wuxuu ka dhashay arin aad
xasaasi u ah oo markii hore sidii lagu heshiiyay iyo nuqulkii danbe wixii ku
qornaa is khilaafeen taa soo kala ah:
1- SOO XULISTA XUBNAHA BAARLAMAANKA
CUSUB YAA AWOODEEDA LEH.
2- ABDIQAASIM OO LOOGU YEERAY
MADAXWENAHA SOOMAALIYA SAXIIXIINA KA NOQDAY GOOBJOOGE QUDHA, MEESHII LA
FILAYAY AMA IN UU ISAGU SAXIIXO AMA XASAN ABSHIR OO LOO ARKAYAY RA’IISAL
WASAARAHA SHARCIGA AH EE QOLYAHA SADEXDA XARAF TNG AMA CARTE LOO YAQAANAY.
3- QOLYAHA CUSUB EE BALCAD AMA SAMATA
BIXINTA OO LOO AQOONSADAY AWOOD AMA KOOX SI BUUXDA LOO SIIYAY AQOONSI
SHARCI AH, (Taasoo aad moodid in indhaha laga saabtay in ragaani ahaayeen
xubno 24 hore wax u saxiixay ee aysan ahayn rag cusub balse shaatiga un
soo badasheen).
4- UGU DANBAYSTII RAG CULCULUSH OO LA
IHMAALAY AMA KAALINTOODII LA DUUDSIYAY, SIDA XASAN ABSHIR, CABDALA DEEROW,
CABDULAHI ISMAACIIL, MOORGAN, IYO RAG KALE OO BADAN, UNA BADAN SRRC IYO
XULAFADOODA.
Heshiiskii ama qorshihii la isku ogaa ee
hore wuxuu ahaa in shaqsiyaadka dagaal abaabulayaasha, qolyaha shacabka iyo
maamulada isugu jira ee shirkii hore saxiixay ee 24 xubnood iyo Isimada ahaa
ay soo xulaan Golaha cusub ee Baarlamaanka iyagoo ku salaynaya hab qaybsigii
ahaa 4.5. Afar waaxood iyo badh.
Laakiin waxaa lagu soo daray inay habqabsiga
wax ku yeeshaan koox cusub oo shirku intuu socday magaca cusub la baxday
walow ay afraad ahaan ku jireen shirka inkastoo qaarkood aysan awood saasa oo
muuqata ku dhexlahayn shirka maadaama aan loo arkayn dad la siin karo
darajooyinka sadexda ah ee kor ku xusan, sidaa awgeedkana saxiixii hore kama
aysan mid ahayn. Qoladaasina waa xubno ka tirsan kooxda Balcad ku shirtay ee
Samatabixinta la baxday.
Qodobkaa hadii sida cusub loo daayona waxaad
moodaa in ay awooda miisaankii habqabsi siin doonto Carte iyo Xulafadooda
Cusub ee Samatabixinta , taasina ma farxad gelin doonto qolada awel shirka
joogtay ee u badan SRRC –da iyo xulafadooda sida Xasan abshir , deerow,
mowliid macaane, qanyare iwm.
Dhinac kale hadii laga eego habka cusub
wuxuu ka cadhaysiiyay dad badan oo ka mid ah Daarood, Digil iyo Mirif, Iyo
qolyaha laga badan yahay maxaa yeelay , waxaa miisaankii u batay dhinaca
Hawiye, maadaama ay marka la eego Dagaal Abaabulayaasha meesha ku jira ugu
badan yihiin, xamar oo qudha oo halmagaalo ah iyo Soomaaliya inteeda kale
Dagaal abaabulayaasha iyo Maamuleed Goboleedyada marka la isku darona ay weli
badan yihiin qolyaha Muqdisho oo kuligood ah Hawiye soocan , taasina ma aha
mid u cuntami karta Qabiilada Daarood, digil iyo Mirif, Iyo Qolyaha iyo
Qabiilooyinka laga badan yahay.
Arintani marka ma aha mid sahlan ee waa arin
aasaasi ah una baahan in xal waafi ah loo helo, waa arin u baahan in
miisaanka waxqabsi la ilaaliyo, waa mid u baahan in xulafooyinka kala duwan
ee siyaasada ku hardamaya si taxader leh oo misaaman wax loogu qaybiyo. Waa
arin aysan fahmi Karin qolyaha shirka maamulkiisa haya laakiin waxaa lagama
maarmaan ah inay fahmaan dareenka ka dhalan kara arintaan waa hadii ay isku
dayaan inay qolyaha ka biyadiidan ku dirqiyaane.
Waxaaa kale oo xusin mudan in arintii ahayd
4.5 weli meesheeda tahay laakiin waxa la isku hayaa waa yaa soo xulaya
Xubnaha Golaha Cusub ee Baarlamaanka. Taasi waxay ka caraysiisay rag badan oo
SRRC ah oo u arka dad ku jira Xulafada Cusubi inay yihiin rag aan matali
Karin dadkooda, kuna dhexhaysan cod iyo taageero midna, sidaa awgeed su’aashu
waa yaa fariisan doona baarlamaanka mar rag u hadli kara dadkooda, ka talin
kara danta guud ee dadkooda, matali karaa, cod ka haystaa, hadaan si kale u
dhigo ma rag kalsooni lagu qabi karaa oo istaahila inay fariistaan kursiga
Baarlamaanka ama xataa u qalma inay wax soo xuli karaan, mise waa caale
qaatayaan lagu adeegto oo aan hunguri mooyee mabda iyo mowqif midna lahaynbaa,
yaase la siin doonaa soo xulista xubnayaas.
Arintani waa xasaasi, waa aasaasi, waa aayo
umadeed iyo cidii matali lahayd. Hadaba maadaama aan doorasho jiran,
shacabkuna waxba dooran Karin waa in dadka wax soo dooranayaa noqdaan rag
shacabku ku kalsoon yahay, lagu aamin qabo, hadii taasi dhacdo waxaa dhacaysa
in ragaasi soo xulaan rag u u qalma kursiga Xubinimada Baarlamaanka. Taasina
waxay keenin soo dhawayn iyo ka raali noqonsho ka timaada shacabka.
Jabarti Osman
Jabarti2020@hotmail.com
QORAALADII HORE JABARTI
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 10, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|