SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Feb 11, 2004  

Cadaawadda Fogaatay ee Laanta Afka Soomaaliga BBC-du u Qabto Puntland

Maxamed Khalaf

khcarabeey@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Si lala wada socdo laanta afka Soomaaliga ee  BBC-da sannadihii la soo dhaafay waxa ay si bareer ah qayb uga ahayd dhibaatada ka taagan geyiga Soomaaliyeed iyada oo madaxda iyo in badan oo kamid ah shaqaaleheedu ay si xun u isticmaaleen ammaano kulana dirireen jihooyin gaar ah.

Haddaba si loo muujiyo, si fiicanna loogu duwo indhaha ummadda Soomaaliyeed tallaabooyinkaas ayuu Yamayska faalladiisa waxa uu ugu kuur galayaa dhaq-dhaqaaqii BBC-da iyo todobaadkii la soo dhaafay. 

 

Daba-galkani waxa uu bidhaaminayaa sida ay laanta BBC-du ugu xagliso kooxda Carta oo ninka madaxda ka ah C/Qaasim, ay qaraabo dhaw yihiin ninka asna tifaftiraha ka ah laantaas Yuusuf-Garaad Axamed.  Sidoo kale waxa uu daaha ka qaadayaa inta ay le’egtahay cadaawadda madaxda laantaasi u hayaan dadka iyo hogaanka DGPL iyo sida ay dagaalkaas ugu xulafaystaan dhinacyada kale ee Soomaaliyeed ee ay is leeyihiin way idinka dhexeeysaa dareenka cadawnimo ee ay u qabaan shacab iyo madax.

 

29-kii Janaayo, 2004 waxaa Hotel Safari Park, Nairobi, lagu saxiixay heshiis (mar danbe nuxurkiisii la badalay) kaasoo ay saxiixeen hogaamiyayaal dhawr ah kana hadleen munaasabaddii saxiixa.  Xasan Bariise  -oo isaguna ah wariye ku soo caan baxay shirkii Carta ee sida wayn u waxyeelleeyay DGPL, isla markaana ay dhalasho ahaan is xigaan labada nin ee sare ku xusan- ayaa ka soo waramay munaasabaddaas oo si muuqata kutala gal loo geeyay madasha shirka markiuu gaaray marxaladda xasaasiga ah oo isaga uun loo arkay nin dabooli kara.

 

Xasan Bariise waxa uu si kutala gal ah meesha  uga saaray khudbaddii madaxweeynaha DGPL Md. Cabdulaahi Yusuf Axmed halka uu ka soo qaaday khudbado siyaasiyiin ay kulligood isku beel yihiin, isla markaana ka miisaan hooseeya Cabdullaahi Yusuf marka arinka laga eego awoodda siyaasadeed iyo baaxadda maamul iyo halganka taariikheed ee uu soo galay.  Khudbadda Cabdullaahi Yuusuf oo aad ugu dheeraatay mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed waxa jawaabo qaddarini ah ka soo diray safaaradda Maraykanka iyo wasaaradda arimaha dibadda Keeyna taasoo muujinaysa qiimaheeda.

 

Waxaa xusid mudan in BBC-da oo kooxda Carta ugu yeerta dawladda kumeel gaarka ah ee Soomaaliya, uu Xasan Bariise warbixintaas ku sheegay in saxiixaasi uu u gogol xaarayo in Soomaaliya loogu dhiso dawlad qaran markii ugu horeeysay muddo saddex iyo toban sano ah.  Dad badan waxa ay is waydiiyeen BBC-du goormay saxan tahay?  Ma doodda hore ee in Cabdilqaasim dawlad yahay baa sax ah, mise tan ay maalintaas ku sheegtay in aan Soomaaliya dawalad helin 13 sano ayaa sax ah?

 

Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da oo Jawaab u Weydey Eedaymihii Kaga Yimid Reer Bosaso
Suxufiyiin katirsan BBCda, Arday ka socda Jaaliyada dibadda iyo shacab faro badan oo booqday guriga SOFIHA, Bosaso Guji

30-kii bisha Janaayo 2004, waxaa Gaalkacyo safar saacado qaatay ku yimid madaxweeynaha DGPL, Md. Cabdullaahi Yusuf Axmed booqashadaas oo ku salaysnayd ilaalinta dastuurka PL, oo madaxweynaha ku khasbaysa in uusan lixdan maalmood dalka ka maqnaan karin.  Sidoo kale booqashadu waxa ay xambaarsanayd ahamiyad siyaasadeed, taasoo uu madaxweeynuhu golihiisa xukuumadda kala hadlay heshiiskii maalin ka hor kooxaha Soomaalidu ku gaareen Safari Park. Isla safarkaasi waxa uu lahaa macne amni kaasoo uu madaxweeynuhu ka dhagaystay madaxweeyne-ku-xigeenka xaaladda amniga dalka iyo halka ay marayso xurgufta siyaasadeed ee PL iyo SL.

 

Arimahaas oo dhan oo lagu daray miisaanka ummaddeed iyo juqraafiyadeed ee PL, iyada oo ayan Soomaaliya ka jirin hogaamiye isaga gooshi kara afar dalool dalool iyo bar dhulka Soomaaliya, ka dagi kara ama ka dhoofi kara in ka badan shan garoon diyaaradeed oo kulligood hoos yimaada maamulkiisa, arimahaas oo dhan, haddana BBC-du si kutala gal ah ayay u cabursay warkaas haba yaraateena wax ay ka soo qaaday ma jirin, halka ay isla maalintaas baahisay warar in badan ka macne yar dhacdadaas, isla markaana waraysi dheer oo ay ku gadayso siyaasadda C/Qaasim baahisay, iyada oo la ogayahay in uusan ka talin xaafad kamida xaafadaha Muqdisho.

 

1-dii Febraayo 2004, waxa ay ahayd maalin ciid ah oo Soomaaliya oo dhan si wayn looga xusay isku mar iyada oo aan la isku khilaafin.  Runtii dadka leh dareenka saxaafadeed PL waxa ay u ahayd maaddo wareed maaddaama markii ugu horeeysay ay in muddo ah reer PL isku mar wada ciideen, iyada oo la ogyahay in ay PL tahay meelaha uu ka jiro khilaafaadkaku salaysan firqooyinka diineed, 1992-kiina uu gaaray gacan ka hadal isaga oo dib u soo noqday kuna maldahnaa kii dhex maray mucaaradka iyo dawladda sannadkii 2002-da.

 

Intaa waxaa dheer in ay maalintu tahay maalin farxadeed isla markaana ka madax bannaan arimaha siyaasadda.  Saas oo ay tahay BBC-du oo dabooshay dhamaan sidii looga ciiday goballada dalka marna sooma ayan hadal qaadin PL, mana ayan raadsan wax wariye madax bannaan oo dhacada ay ka waraystaan maalintaas qiimaha leh, haddii  ay sabab awgeed wariyahoodii wax war ah ka waayeen. 

 

Intaa kaliya maahee, Axmed Siciid Cige oo isagu ka soo waramayay Hargaysa oo ay xurguf siyaasadeed oo sii xoogaysanaysa kala dhaxeesyo SL, waxa uu si kutala gal ah magaalooyinkii uu u tiriyay SL ugu daray Laascaano oo ah halka uu ka hurayo dabka dhex yaal PL iyo SL.

 

Arimahaas oo dhan waxa ay dadka PL u sii ifisay, gudo iyo dibadba, dareenka xag jira ee laga qabo shacab ahaan iyo madax ahaana, ilaa heer loo adeegsado hay’adaha wararka caalamiga ah ee madaxa bannaan. 

 

maxamed khalaf

khcarabeey@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2004 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD