“Walaahu yu,til xikma manyashaa,u” fahamka iyo garaadka
caqliga waa nimco gaaraa uu Ilaah bixiyo kumo xirno jinsi gaaraa sida
midab,diin iyo dhalasho. Waxaan shaki kujirin in fahmida fiqiga diinta
islaamka Ilaah dad googinaa siiyo sidda adoomadiisa saalixiintaa; balse
barashada cilmiga maadiga waa wax iska caadiyaa dadaalka qofka ayey kuxiran
tahay. Culimada dadka waxbara waxay sheegeen inuusan jirin ruux damiinaa ama
xarifaa waxaa kaliyaa ee udhaxeeyo waa dadaal iyo aqris dheeriyaa –waxaa
taasi udaliilaa caalimka weyn ee Ibnu- Xajar wuxuu isku dayey qur’aanka
xiftintiisa marar badan kumuusan guuleesan ilaa aaqirkii uu arkay dhagax
jamal oo kala jaban wuxuu dadka weediiyey dhagaxan xooga badan sidee lagu
jabiyey waxaa loosheegay in marar badan lagu celceliyey walibana lagu kala
jabiyey xarig markaasuu aad uyaabay! wuxuuna go,aan kugaaray inuu qur’aanka
iyo barashada diinta kucelceliyo waqti gaaban wuxuu kunoqday shiiq caalima oo
afarta mahdab kawada jawaaba –halkaas waxaa kacad cidii dadaashaa inay
waxbaran karto aysana wax barashadu kuxirneen factor gooniyaa aan ka,aheen
doonista qofka iyo dadaal dheeridiisa.
Nabigeena suuban(cs) waxaa laga wariyey inuu kula
dardaarmay asxaabtiisa wax barashada ilaa uu kuyiri cilmiga barashadiisa
uraadiya xitaa China, sidoo kale wuxuu rasuulka(cs) usheegay asxaabta inay
kixmada kaqaataan ninka waalan afkiisa iskaba daaye nin fiyoow!! waxaa kuucad
in meel kastaa iyo qofkastaa wax laga baran karo, wax barashada rag iyo dumar
loomo kala soocin waa waajib qofkastoo muslimaa ama muslimadaa saaran .
Waqtiyadan danbe umadaha aad ayey ugarteen faa,iidada
waxbarashada waxay aasaaseen hay,ado lagadaalama jahliga – waloow diinteena
mudaqadaskaa horay noogu waajib yeeshay. Waxaa meelkasto laga dhisay goobo
waxbarasho ilaa baadiyaha dadka waxbaa labaraa –Ilaahse waxaan kadalbeenaa
inuu mid nacfiyaa inoo sahlo barashadeeda aamiin aamiin.
Qofkastoo wiil iyo gabaraa waxay kudhashaan 9 bilood sida
caadiga waxyaalo iyo awoodo gooniyaa Ilaah waa ukala gaar yeelay waloow
waxyaalo badan iskaga midyihiin dhanka wax barashada hadaan tusaalooyin
usooqaadano wiil iyo gabar-ba waxbarasho waa la,aadaa waalid kastaa dadaal
iskumidaa ayuu kubixiyaa ubadkiisa si,hagar la,aani kujirto iyagoo rajo
kaqaba in inanka iyo inantaba wax usoobartaan mustaqbalkana wax taraan,
dhanka kale goobaha waxbarasho sida school-da qolo gooniyaa umma badna hadba
school-ka meeshuu kuyaalo qoloda ubadan ayaa iska diiwaan galisa waloow
intaan wax barashada kujiray ragu igala badnaayeen dumarka tiro ahaan goobaha
waxbarasho –balse kartida iyo firfircoonida ardayga waxay kuxirneed dadaalka
qofka. Casrigan cusub sida diintu hore usaadaalisay dumarku tiro ahaan waa
kabadan yihiin raga misana goobaha waxbarasho ee dalkeena waxaa kubadan ragga
hadaad booqato school-da sidaa aytahayna kaalmaha hore waxa kujiro dumar 10
qof ee ugu horeeyo fasal kastaa ama dufcadkastaa 7 kamidaa waa dumar –
sababtase wali magaran waloow la,oran karo dumarka soomaalida karti iyo
dhiirinaan gooniyaa ayey waayadan danbe lasoo baxeen –dhanka shaqada,
ganacsiga iyo wax barshadaba –tiro koob lasameeyey waxay muujisay in dumarka
Somalida shaqeeso in kabdan 16 saac halka ragu shaqeeyaan wax kayar 8saac –maxaa
udaliilaa? Dalka gudihiisa goobaha shaqada waxaa udareera badi dumarka halka
raggu fadhi kudirir ubadan yihiin sidaa darteed hooyo kastaa waxay biloowdaa
shaqada guriga marka ay salaada subax tukato quraac diyaarin kadib waxay
adaan goobaha ay kashaqeeyaan 10saac ayey jiraan ugu yaraan markay aqalka dib
ugu soonoqto halkaa ayey dib uga bilowdaa shaqada aqalka ilaa laga jiifsado
iyadaa kujirta shaqada aabuhu muxuu qabtaa? xitaa midka shaqeeyo wuxuu
shaqeeyaa dharaarii ugu badnaan 8saac marka taasaa tusaalo cad kuugu filan
–Allow inoo dhoor dumarkeena kartidooda aamiin, kuwooda jira dibadaha sidaa
ugama warhaayo waloow aysan shaki kujirin inay kashaqo badan yihiin kuwa
dalka joogo.
Deeqaha waxbarasho ee dibada loo aado waxaa inta badan hela
dumarka xilkas nimadooda iyo dadaalkooda aawadood maadaamo school-kastaa
ardayda uu dibada ugu diro waxbarshada lacag la,aanta waxaa hela ardayda
kaalmaha hore gala taasna koraan kusheegay cidda nasiibka ubadan hesha. Marka
nasiib xumida kudhacday aabayaasha soomalida ayaa kudhacday wiilashana, waxaa
yar xiligan aysan dalka gudihiisa shaqo dowlada iyo mid gaaraa aysan sidaa
uga jirin in aaba yaal badan iska jiifsadeed, wiilashana ay dhaxleen caajis
iyo xilkasnimo la,aan waayo xilligii aabuhu shaqada aadi jirin wiilkastaa
wuxuu kufekeri jiray siduu aabihii shaqada uga nasin lahaa, taasaa kudhiiri
galin jirtay inuu aad wax ubarto ama ushaqeeyo –balse maantay waajibkaas
gabdhahaa lawareegay waayo markay aragto hooyadeed oo suuqa ukalihi waxaa
sidegdegaa ugu dhalan inay hooyadeed kabadasho falkaa- isbedelkaan waa midka
ugu weyn ee laga dhexlay dagaalada iyo burburka wadanka kudhacay –waxaa aad
looga baqaa in ragu kuhaleeyaan dumarka difaaca dalka macnaa lawaayo nin
askarnimo qorto – qodobkaan simaskax kujirto uga feker isna weydii
mustaqbalka waxa uu abuuri karo dadaal yarida kudhacday ragga somalida.
Dalka British waxaa dhamaan goobaha waxbarasha lagu qasbay
in wiilasha loogu yeero magacyo gabdho sababtuna waa iyagoo sheegay in
gabdhuhu faham koodu kasareeyo midka wiilasha dhanka waxbarasha sidaa darteed,
si loo kordhiyo garaadka iyo caqliga wiilsha waa in loogu yeero magacyo
gabdheed –daawo kale aan taasi aheen culimada sayniska dalkaa waa waayeen –soo
yaab maahan!!hadii dumarka British lagu sheegay karti iyo firfirconi
dheeriyaa kawaran dumarkeena somaliyeed? waxaa hubaalaa inay wax badan awood
ahaan kasareeyaan dumarka kale ee dunida.
Sidoo kale waxaa hoos udhacday caado jaahiligii aheed in
gabdhuhu shar yihiin oo laga jeclaa wiilasha balse maantay waxaa nasiib badan
helay waalidka dhalay gabdo waayo badi waxaa wax caawiyo waa gabdhaha -
sheekooyinka lasoo guuriyo waxaa kumaqli jiray haddii wiil dhasho in liibaan
iyo guul kuusoo hoyotay silamidaa gabdhuhu yihin midan bedelkeeda, fikirkan
xiliga islamka kahor xitaa wuu jiray oo qur’aanka meelo badan ayaa looga
waramay hadda sheekooyinkaas maxaa bedelay? Waxaa lasheegaa hadii gabar
kuudhalato risiqaaga ayaa badan oo barwaayo ayay saadaalin uyihiin gabdhaha
sidoo kale colaada iyo faqriga waxaa sababa wiilasha..!!!