SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

Feb 12, 2004   

Habeenkii Cayaartooyda Somaaliyeed

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota waxaa sharaf u ah ineey marti galiyaan habeenkii Cayaartoydii Somaaliyeed, taas oo aad kula kulmi doontid kudhawaad dhamaan xidigihii ugu cad-caddaa ee cayaaraha Somaaliyeed.

Waa xaflad dhif ah oo nooceeda ah.

Nagu soo biir si aad u maamuusto kuwii sawirkeena caalamka iyo kan qaaradda madowba ka dhex dhalaaliyey.

Imow oo dhegeyso hibadooda iyo heerkii eey gaareen. Waabad la yaabi doontaaye.

Nagu soo biir si aad uga mahad celiso doorkooda ku dayashada mudan oo eey ku xafideen midnimada iyo sida eey wali dhalaankeenii ugu gaar-heynayaan gacmo ammaan ah.

Kaalay oo la kulan:

Cabdi Bille Cabdi - Virigina (Horyaalkii orodka adduunka ee 1500 mt 1987)

Cabdi Xalwo - Oregon (Ciyaatooy hore ee NCAA )

Axmed Carab - Michigan (PhD Cilmiga daaweynta cayaartooyda)

Iyo kuwa kale oo ka kala yimid goballo kale iyo Canada-ba.

Ha hilaamin, xidigiha reer Minnesota sida: Karaamo Dhageey, Siciid Qoorsheel, Cabdi Cali, Shiikha, Axmed Dahir, Safiyo Cumar, Aamaan, Nuune, Max'ud Ciise, Dalmar, Dayax iyo kuwa kale oo fara badan ayaa iyaguna goob-joog ahaan doona.

Habeenkaas taariiqiga ah, Ardayda Somaliyeed ee Minnesota wexeey soo badhigi doonaan Riwaayada sida heerka sare ah looga soo shaqeeyey ee "Mandeeq Ma waxaas ayeey naga mudneyd ?" . Waa riwaayad wadani, dhiiri galin, murti, sheeko, jeceyl iyo qosol (Shactiro) ba isugu jirta. Ha moogaanin !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Goorma: Sabti, Febaraayo 14-keeda (Maalinta Jaceylka Aduunka) 5:00 pm -10:00 pm

Goobta: 219 19th Ave, Minneapolis, MN (Hoolka Willy ee Jaamacadda Minnesota)

Qiimaha : $10 - Qofkiiba.

* Lacagta ka soo xaroota xafladdan waxaa si toos ah loogu agaasimayaa barnaamijyada bilaashka ah ee gacan-qabashada dhallaanka iyo ka caawinta casharada iskuulada ee ardayda Somaliyeed ee gobolkan Minnesota oo eey ardayda Somalida ah ee jaamacadaha Minnesota hagaan.

Si aad uga qeyb qaadato ganacsatada marti galinaya xafladdan ee magacooda la xusi doono, ama aad su'aalo u weydiiso, fadlan soo wac:

Siciid Kahiye (612) 205-5254

Cabdirashiid C/Qadir (612) 205-5419

Cali Kofiro (612) 770-2620

Max'ed Xassan (Sandheere) (612) 229-2247

Marti galiyayaasha ilaa iyo hadda wexeey kala yihiin iyagoo mahadsan:

Eagle Media, Hibaq Coffee, Dhakal Tax Services, Yaasiin Pool, Xamdi Restaurant.

Qoraalkan kala xiriir:
Abdirahman Ceynte  
ceynteyare@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 12, 2004 

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD