SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Feb 12, 2004   

MAXUU AHAAY SAFARKII KASHMIIR.pilot

Cali diiriye nuur pilot:::::::london
liibaan33@hotmail.com

waxaa laydinka rabaa cadaalad inaad la imaataan faalo

 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

 Waa kuma ninka miirkiisa qaba oo meel la fariisanaya magool, Aqriste nin suxufi ah oo magaciisa la yiraahdo jamaal oo uu shaqeeya jariirad la yiraahdo war-dheer oo ka soo baxi jirtay ama la yitraahdo

Xaquuqal-ul-saabiriin oo ka dhisan barigga dhexe ayaa ninkaas oo jariiradaa uu qaabilsan warr-waraynta arimaha bulshadda gaar ahaa,Xagga xaquuqal insaanka uu socdaal ku joogi jiray barigga dhexe isagoo socdaal kuurgalid ah ku tagay qaaradda aasiya isla markaana deganaa sida muuqata.

Isagoo soo maray wadama badan ayaa waxuu ku hakaday wadanka hindiya isagoo hore uu daganaa dalka bakistaan oo uu hore uu deganaa, balse dalkaan hindiya ayuu haatan ku hakaday, Waxaay uu ujeedadiisu ahayd bal inuu wax ka ogaado xaaladda iyo daruufaha nololeeed ee haysta dadkii ku tabaaloobay shaqaaqada ka taagan kashmiir iyo guud ahaanba nolosha meeshaas ka jirtaa.

Waxuuna doonaayay si aduunyadda loogu dirro qaylo doon loogu yabooh iyo waxii dunidu u fidin karto,oo kaalmo ahaa,Dadkaas oo arimahaa aad iyo aad ugu baahnaa gaar ahaan, Xagga nolosha ayaa ninkaa suxufiga ee jamaal la yiraahdo ee waran waranlaha ahi meela walbo uu kuur galay isagoo tooxinaya dadka ay arimaha uu haybinayaa aanada uu yahiin, Sida hayadaha gurmadka, Qaas ahaan kuwooda war-fidinta. Waxuu samaystay isku doon meheradeed oo laganka dadwaynuhu jeclayeen isuguna yimaadaan halkaas iyo intii uu samaystayba ama uu joogayba isla markaana darka bunka,Waayo war.fidiyeenaddii hay,ada ayuu ka helay soo dhawayn badan kana war qaatay, Waxuuna uu joogtaystay in ay soo noq-noqdaan isagana waxuu ka jiriyaa waxii soo kordhay war ku saabsan docduu rabay oo ahyd in isaga uu ahaa kan kaliya ee soo jiita hadalka marka ay noqoto,

Waxaay sidaa ahaataba maalin ka mid ah maalmaha ayaaa waxaa soo ag fadhiistay nin aanu looga baran meeshaas oo magaciisa la yiraahdo cabdi xakiin, Laaakiinse anan ka duwanayn hor-weyntii,

Sabadan wax walba haye, Hase yeeshee aan joogta ahayn sida seera daaqyada uu qaalibka ah,

Aqristoow waa ay is bariidiyeen jamaal iyo cabdi xakiin, Is-Nabdaadintaa iyo is magac dhow ka dib, Waxaay hoos isu tooxiyeen iswaraysi, Jamaal isa sheeg inuu yahay nin wariye ah isagoo raaciyay jariirada uu ka socdo, Ninkii cabdi xakiin ahaa waxuu isugu sheegay in uu yahay af-hayeenkaa nimanka kowaad ee dunidda, Suxufigii jamaal ahaa intuu sidii lamadood ku jiray uu baraarugay ayuu ku jeestay jeebkiisa kalana soo baxay buug yare iyo qalin ugu jiray una faadhumaystay sidii qof naxsan oo kalaa yaaban waxa ninkaan meesha keenay, Ilayn jamaal waxuu maqlay waxaana hore uu maqale, Wuxuuna jamaal si dhaban dhaaf ah ugu ganay af-hayeenkii su,aalo sidaan ahaa..

Jamaaal. Waa maxay ama maxaad ugu jeedaan samaynta ururkaan halkeese xurun u ah?

Cabdi-xakiin.Ururkaan waxaan aas-aasnay dhawaantaan, Waxaayna ujeedadiisu tahay in aanu

faafino ama aan wax ka sheegno inamada koowaad.

Jamaal. Waa maxay dhibaatadda idiin haysataa ama qaasaraha idiin gaaray haatan?

Cabdi xakiin.Dhibaatada na haysataa waa tasayn nagu timid mana garanayo dhibkaas.

Jamaal. Waxaad tiri waa nala tasayaa ee sidee baa laydin taseeyaa bal inoo kala faafi?

Cabdi xakiin. Cid war noo haysa ma jirto shar iyo qayr nalama sheego sida loo sheega kuwa kale.

Jamaal. Maxaad jeceshahiin in dinidda loo sheego, ugu yaraan maxaad jeceshahay?

Cabdi xakiin. Marka lays qarxiyo oo lays walaaqo waxaan nahay kuwa dhibaatada ku dhacdo,

Canaan iyo tirtirsi baa nalagu bilaabaa Qarkaa ka hare, Qarkaa baanu is haynaa

Meesha isaga kac waa ragee kaalay adigu wajah,Meesha ha ii fadhine,Waanigii

shalay ilaa alaafeyta eryadaye, Waxaa iyo wax xilo oo sii kale daran baa i hela

Ninkaygaan sidaa la leeyahay waa ninkii markii la faqaayay lagu yiri shaqadii ka soo tag

qarkaa ka soo tag qayr cusubna aanan helin, oo juuqna odhan oo ku dhago

barjoogay loo dhigay iyo wax daran oo kale, Waana taa hore qarkay ka hadhaye

Jamaal. oo yaaban fajac iyo yaab ka muuqda oo dhabanka iyo gacmuhu isa saaray ayaa yidhi runtii

waa arin loo baahnaa in la ogaado oo dunida la gaarsiiyo ee aan sii yara anba qaadnee

hadalka ee gartay xaaladaha aad sheegtaye,Waxaad iga warantaa marka ay muxaafidku

Ama golaheed wax jiraan waa sidee dhinacaaga?

Cabdi xakiin. Waa su,aal fiican, In kasta oo aad moodo inaad dulxaadinaysid laakiinse maa caleesh,

Waana taasi aad sheegtay tan hore waa marka aanay ka qasnayn ee deebloowda la

hayo arina shax shax yahay oo ay sida xerteeda ugu diboodhiso ayuun bay iigu

durdurisaaa oo waliba jeesjeesid iyo mashiiqsi ku jirro, Marka ay yara jah wareertana

Waxaan ahay nin uu muuqda caga-damdamlaha kowaad oo magaalada intaa le,eg

baan socod ku maraa habeen iyo maalin anoo is lahaa aarso oo waxaa taleefoon ku

yaal aan kolba mid soo garaacaaa anoo iska yeelyeelaya dadweyne taageero ii soo

dirayana ma laha xitaa mararka qaarkood hanjabaad baan ugu daraa.

Jamaal.. Oo qoslaya ayaa yidhi: Wallaahi..Yaa...Ballo arag..Yaa..Waxbaan arkay tan oo kalaa lama

arag..Yaa waa ugub. Wuxuuna intaa jamaal raaciyay maxaa is badal ah ku dhacay ee aad

dareentaa adoo soo koobaya?

Cabdi xakiin..Wuxuu yiri lama tirin karo waxa ii gaaray maskax ahaan iyo mooraal ahaanba waxase

ugu wayn; Waxaan yeeshay dhaga nuglaantii cadowga, Waxaan qaayibay samirkii.

Suxufigii.. Ayaa yidhi....War...Iyo wacaalba waan aragnee maalin cad baa lays dhacayaa... bye...

Aqristoow waxaan markaan jecelahay inaan wada milicsano gabay, Balse gabaygaan waxaa loo tiriyay jabhadii usc ee maxamed siyaad ka saartay magaalada muqdisho iyo guud ahaanba dalkii xiligaas siyaad bare iyo qamaan bulxan waxaay joogeen ama uu qaxeen magaalda buur dhuubo

Hadaba gabyaagii fayasal cali ina waraabo oo inta badan tageeri jiray jabhadaas ayaa tixdaan waxuu tiriyay bishii maarso 1991 isagioo xoogagii usc ama qabiilka hawiyaha aad uu taageersanaa, Hadaba tixdii aan dhamaanteenba wada milicsano tixdii la magac baxday Waa iga dagi waysay, Macnaha iyo murtida ka danbayso aannu wada eego tixdii faysal cali libaax waxuuna yidhi::::::::

  • Dhibka aadanaha waa sinaaa dibad bixiisiiye
  • Qaarbaa dagaalkii ku haray oo doc jiif galaye
  • Dalkoodoo ku filan baa cuntada loo dawiriyaaye
  • Dulucdayda meesheey ahayd baan u daadigiye
  • Dhagahiina igu deeqa oo dooda iga dhuuxa
  • Diktoorkii dumay maalmahii lala dagaalayay
  • Ee xamar daryaantee ee madfaca diririglaynayay
  • Ee maydku wadad daadsanaa dadkoo mid kaliya
  • Oo qiira wada duuban iyo doonis kaliyaate
  • Halkuu daama waynuhu fadhiyay fiidkii lagu daatay
  • Ee dabada loo rogay waqtiga waa is dabajooge
  • Waajibkaa dadweynahii daadahshoow iyo ururkiiye
  • Taariikhda baal dahab ah bay kaga darmayaane
  • Ha yeeshee dareen baa dhacay iyo dabacsanaan wayne
  • Afrikaanka cudurkii dilaad dabada haysaane
  • Iyadoo uuna reerkii dagin uuna wali doogsan
  • Iyadoon dagaalkii dhamaan oo buntiqii yaalo
  • Iyadoo uu doofaarkii degay gado duleedkeeda
  • Iaydoon shirwaynihii la dudin qaranka doonaayey
  • Iyadoo daryeelkii bulshadu aad uu kale daatay
  • Iyadoon rasaastii damin xamar dhex duulaysay
  • Diriri way horeysaye hadaan dib ugu sheekeeyno
  • Jabhadii dubaha wayn dhakada duudka ku sii qaadatay
  • Ee miciyihii daadisee daamankii jabisay
  • Cabdi bile ragii soo diray iyo jananaduu doortay
  • Ee faraha laga duubtoo loo dagdagi waayay
  • Maantana dalkii fadhiyoo qaarba ka dowlad ahe
  • Ma il duufto daacadiye bari waajib dooon tahaye
  • Durbaba waxaan wafuud loogu dirin waa iga dagi waysayeee.

Aqristoow waxaa ka muuqata tixdaan gabayga ah inuu abwaanku ku taageersanaa jabhadii uscda

Waliba isagoo waxoogaa dhaliilsanaa jabhadaaas laakiinse guud ahaanba tixdaan waxaay ku socotay xoogagii maxamed siyaad xamar ka saaray markaa lama oron karo faysal waxuu necbaa uscda maxaa yeelay tixdaan ayaa ka marqaati kacaysa siduu uu tageersanaa uscda iyo snmta nabadeey..

QORE

Cali diiriye nuur pilot

liibaan33@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 12, 2004 

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD