SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ATLANTA

Feb 14, 2004  

Ku: Reer Balcadka ku Firirsan Dibadaha, Waa Naloo Fadhiyaa ee Toosa

Burhan Cabdi Axmed -- "Yuxbul"
Atlanta, GA, USA
burabdi@hotmail.com 


Dusiga Degmada Balcad

Cisbitaalka Degmada Baclad


Webiga Shabbeele ee Degmada Balcad

Xoolo Dhaqato Aroor U Socoto

Taalo Ku Taal Degmada Balcad



Waxaa igu dhacay lama filaan markii aan furay Somalitalk bogooda, si aan u fiiriyo qoraal aan u diray in ay soo dabaceen, waana soo daabaceen waa ku mahdsan yahiin arintaas, kadib waxaa bilaabay in aan fiirfiiriyo wax cusub qoraalkii Balcad baa igu soo booday oo ay soo direen Ururka Daryeel oo ay rabaan in ay ku dhisaan dugsiyada Balcad, waana arin haboon in wax laga qabto.

Miyaad sheegi kartaan wax balcad ii tahay?

Ururka Daryeel iyo Somalitalk waa ku mahadsan tahiin in aad soo bandhigtaan xaalka Balcad, oo runtii aan ku dhacnay in aan hore wax ugu qaban amaba dib u fiirino Balcad haddii aan ka mid nahay barbaartii wax ku bartay dusiga hoose/dhexe/sare ee Balcad ama lagu daaweyn jiray Isbitaalka Balcad kana soo baxay dugsiga sare ee Balcad 1987- 1988 ama ku soo koray Balcad kuna dabaalan jiray wabiga Balcad. Xoolo badan baan ka qabnaa Balcad ee waa in dib loo dhugto wadankii Somaaliyeed.

Waxaa kaloo caawa aan tusay sawirkii dugsiga iyo wabigii Balcad oo aan ku dabaal jiray caruurtayda iyo xaaskeyga waxay iga balqaadeen in ay iga caawiyaan dib u dhiska Balcad balse waxay dhaheen waa in aan soo booqano Aabe Balcad runtii kama jawaabi karo codsigaa iminka.

Runtii nolosha waa meeshii aan ka bilaabay Balcad waa magaalo runtii caalami ah oo kulmisay dad badan oo Somaali ah waana jeclahay Balcad iyo Dhammaan dadkii reer Balcad oo nasiib daradu kale diray, waxii dhintay allah naxariistiiisa baa u tuugay kuwa wali ku jira gudaha Balcad waan salaamayaa.

Kuwa ku firirsan dibadaha waxaa na saaran waajib ee waa in aan ka kacno fadhiga dibna u dhisno gurigii Balcad lana xariirno Ururka Daryeel kana caawino sidiii dib loogu dhisi lahaa dugsigii Balcad dhexe /hoos/sare iyo isbitaalka.

Anigoo ah Burhan Cabdi Axmed -- "Yuxbul" waa magacii reer balcad iila baxeen-- kuna nool USA GA Atlanta ahna Madaxweynaha Urururka Ardayda Gobolka GA GSSU waxaan diyaar u ahay in aad idin ka caawiyo dib u dhiska mashruuca Balcad ee aad wadaan iyo dib u dhiska wadankii hooyo ee fadlan ii soo dira waxii aad nagu soo qortaan Atlanta ama reer Balcad ahaan waana joogaan Atlanta.

Warkii waad soo gudbiseen Ururka Daryeelkoow balse Marka kowaad waxay u taal reer Balcad, marka xigta waxii aan qaban weyno Somaali weyn baa noo diyaar ah ee na keena reer Balcadood, waa Yuxbul oo idin leh fadhiga ka soo kac maanta waa naloo fadhiyaa oo Balcad baa la dhisiyaa waana noo farxad baan qabaa.

Waxaan kaloo hambalyo iyo Mahadnaq balaaran u soo diray maaamulka Ururka Daryeeel oo noo soo gudbiyay qoraalka ka yimid Magaaladii Balcad iyo Barbaarta Somalitalk oo runtii ka shaqeeya daryeelka waxbarshada Somaaliyeed.


Qore Burhan Cabdi Ahmed
burabdi@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 14, 2004 

Taageer Daryeelka Degmada Balcad
Taageer dhismaha daryeelka caafimaad iyo waxbarsho ee Muqdishu iyo degaanka la xiriiro Guji  

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD