Baribaa waxaa jiray boqor caan baxay oo
Soomaaliyeed oo ka talin jiray degaanka Jigjiga caasimadda u tahay. Waxaa
boqorkaa la odhan jiray Garaad Wiil Waal wuxuuna ahaa nin aragti
soofaysan, aftahanimo, iyo hogaamin aad u heer sarraysana Alle weyne ku
manaysatay. Wuxuu dagaal galaa-bixin jiray niman Galla ah oo uu dhul
badan ka furtay. Wuxuu ahaa nin weedhiisu ka socoto degaanka u dhexeeya
Herar iyo Jigjiga iyo dhulalka dariska la ah. Colaad iyo nabadgelyaba
wuxuu ahaa hormuud Soomaaliyi ku dhaarato gabyaa culusna ah. Saldano taam
ah iyo tol aad u tanaaday oo xoog badan markii uu isku hubsaday ayuu is
cajabiyey oo wuxuu isku qanciyey inaan Bartire nin la aragti ah ama kusoo
dhaw ku jirin.Sidoo kale waxaa
jiray wiil dhalin yar oo qeyrada Garaadku ka dhashay ahaa Ilaahayna dadka
wax walba uma siminee ku manaystay bidhaan, hadal macaan, aftahanimo, iyo
garasho heer sare ah. Cali ayuu ahaa magaciisu. Wuxuu Cali caashuqay
haweenay ka mid ahayd haweenkii Garaadka oo uu wacad ku maray inuu wax
walba oo aan dhiig-sokeeye ahayn oo ay ku qaadataba mar guri
haweenaydaasi xaas ka tahay yagleelo. In muddo ah wuxuu ku taamo siddii
dabin mar haweenaydaa uu kula kulmo uu qooli lahaaba, habeenkii dambe
ayuu ku guulaystay inuu la kaliyeysto oo haasaawe aan kala go’ lahayn iyo
‘hadal beenta ka fiican runna raad ku lahayn’ la qaadaa dhigay.
Mar saddexaad waxaa jirtay xaaska
Garaadka ee Cali jeclaaday oo ahayd haweenay aragti fog Garaad Wiil
Waalna u ahayd dhidib adag, mar walba halkii uu goldaloolo ka yeelan
karaba u tilmaanta, xasarad walbana u marta siddii saygeedu ugu nagaan
lahaa saldanada Bartire islaweyni iyo qab ragna uusan sabab u noqonin
burburka boqortooyadan balaadhan. Waxaa u muuqatay muhiimadda ay
boqortooyadu u leedahay tolkeed oo colaad af-dhiige ah hareeraysay iyo in
hogaamiye sida odaygeeda adag aysan ka maarmin. Sida aad sheekadaba ka
dheegan doonto waxay ahayd gabadh aan ragga waxba u ogayn dhinac walba oo
aad ka eegto kuna haboonayd inay Garaad Wiil Waal u dhaxdo.
Inkasta oo ay garashada qofka
Soomaaliyeed ku adagtahay in shaqsi kale udub dhexaad u noqdo sheeko
Garaadka magaciisu ka dhex yeedhay haddana waxaa xaqiiqo ah inay lama
huraan tahay in Cali lagu hormaro si qodbaqaadka sheekadu u hagaago.
Cali afadii Garaadka waa kii jeclaaday.
Wuxuu sheedda ka ilxoolaadiyaba habeenkii dambe ayuu sida kor ku xusan
badheedhihiisii caddaystay. Naa dee waan ku jeclahay oo adiga ayaan dumar
kaa calmaday haddii aadan wax ila qabanna halis ayaan ku jiraa! Intaa
dumar Ilaahay badiyey mid aan adiga ahayn oo aan sidaa u eegaayi ma jirto.
Sidaa awgeed nin dhalin yar oo ku dhaqan kara maskax iyo maalna Ilaahay
siiyey ayaan ahayee ‘ha i diidin waa anigaa ku jecel sida dhashaadiiye’
ayuu wax qalqaashaday. Haweenaydii haye iyo hawraarsana ma odhan hah iyo
hoogayee muxuu yidhi, naa yuu imooday toonana ma odhan. Hadal aflagaado
laga dhawray diidmo qayaxanse ah ayey ku yuubtay. Waxay damacday inay
dhinacyo badan wax ka tusto iyadoo waliba rabta inay ka gun gaadho damaca
xiiraya ee Cali.
War miyaadan ogeyn inaan Garaadka
xaaskiisii ahay oo miyaadan naftaada uun u baqaynin wax walba oo kale
haddii aad xeerin weydo? Miyaadan wiilkaa yar ee xariirta ah ahayn oo
dumar taad doontaba ka heli karin, maxaad ku doontay haweenay nin kale u
dhaxday? Miyaan gabdho turaabtaa ahayn see wax yihiin? Hadalo aan sidaa
iyo si u eg ku qiyaasay ayey gabbaad ka dhigatay oo ku bushisay damacii
Cali. Nin meeli u caddahay meeli ka madow baa la yidhiyee Cali caqli
celintaasi ma kaafiyin ee naa waxaa ka bax oo waan ku rabaaye anigaa
arinta maarayn doona ee ha i diidin oo mar uun haye afkaaga ha ka yeedho
ayuu soo celiyey?
Waxaad moodaa Cali inuu aad ugu
dhagganaa fikir raggii xilligaa noolaa badankiisu qabay oo ku
salaynaysnaa maahmaahdii isla iyagaasi sargooyeen ee ahayd “kas naageed
oo kadaloob rag kaaga dambeeyey kaad ogayd ma aha.” Inkasta oo haweenayda
rabitaankeedu caddaa, wax damac ah oo ay u haysay Calina uusan jirin,
inay markaaba ku dalbato rag u dhaga nugul fulinta amarka Garaadka si ay
abaalkii uga waraabiyaana awooday, si kale ayey maaganayd oo waxay rabtay
darsi lama iloobaan ah in odaygeeda ka barto dhacdadan. Calina isagooy
maahmaahdaa khaldan maddaxiisa ka guuxayso kartidiisa iyo hadal
wanaagiisana ku kalsoon ayuu in badan abla-ableeyey siddii uu gabadha
madaxeeda minjo oogu roggi lahaa.
Jilibka ayuuu xodxodasho u aastay. Wax
la haasaawaba goortii in la kala hoydo loo hogbaday ayey waxay dacal
go’ii uu hulaabnaa ka mid ah marisay asal si ammaarad barri loogu garto
ay u noqoto. Ha la yaaabin in Cali go watay maxaa yeelay waqtigaas ragga
Soomaaliyeed sidaa ayey u labisan jireen waxayna ahayd intaan macawisaha,
saraawiisha iyo dhamaan dharka tolan geyiga Soomaaliyeed soo gaadhin.
Cali isagoon wali dhooroofin sirta ay haweenaydu la damacsan tahay
damaciisiina aan waxba uga hirgalin ayuu cadho la luuday. Wuxuuse
naftiisa ku samirsiiyey inuu soo noqon doono isna oggolaysiin doono
haweenayda.
Kalkii xigay ee Garaadku gurigiisii usoo
hoyday ayey maamuus ka dib waxay afadii u sheegtay wixii dhacay oo dhan
oo waxay tidhi nin kula caqli iyo hawaba ah ama noqon kara ayaa Bartire
ku jira ee hooy qabka jooji. Ninbaa xalay oo dhan i shukaansanayey oo
go’aan ku gaadhay inuu iga kaa qaado. Garaadkii ayaa cadho cirkaa maray
oo si qaadasho waa iyo quudhsi ku jiro u yidhi waa kuma ninkaasi
habeenkaa caawa ah ayaan unuunkiisa jarayaaye? Way u dajisay oo tidhi
waxba inaad dagaalantid uma baahnid saa damac uu isagu i damco waa
halkiisee, waxba iga qaadi mahayo aniguna doonimahayo isaga. Waxaanse kuu
shegayaa calaamad aad ku garan doonto barrito marka tolku shirayo ee aad
ragga Bartire isagu yeedho. Oo maxay tahay calaamadaasi ayuu weydiiyey?
Afarta faraq ee go’iisa mid ka mid ah ayaan xalay aslay oo sidaa ayaad ku
garan doontaa. Waayahay bal barito waxaan ku dhigo hala soo dhawro ayuu
Garaadkii ku seexday.
Cali nin irdhoon buu ahaaye gurigiisii
markii uu tagay kadib ayaa waxaa ishiisu qabatay go’iisa oo ini guduudan
tahay oo asal waxaad moodo ka muuqdo. War tolow yaa kuu cillaamay, ayuu
isweydiiyey. Islamarkiiba intuu isagu isu jawaabay ayuu wuxuu fahmay inuu
suntanyahay oo calaamad ragga lagaga sooco haweenaydii ku dhufatay. Wuxuu
goostay inuu is badbaadiyo si aan qorshihiisu u fashilmin amnigiisuna
halis u galin. Habeenkii ayuu si dhuumasho ah u guureeyey oo rag lagu
qiyaasay 20 oo kuwa barri geedka shirka iman doona ka mid ah in asal ah
go’yaashoodii kusoo wada jiiday. Haddii la barqaystay guurtidiina isu
timid Garaadkii ayaa si doqoni ma garatay ah isha raggii ula raacay bal
si uu u arko yarkii xalay afadiisa shukaansaday.
Jahjahasho gaaban ka dib, wuxuu la
kulmay wax mucjiso ku noqday. Rag aan ka yarayn 20 oo wuxuu arkay mid
walba dhinaca asal ku leeyahay. Haweenaydiisii ayuu u cadhooday oo uu is
yidhi maxay kaa lugoynaysaa! Gurigiisii markuu ku noqday ayuu warsaday
waxa ay uga jeeday macluumaadkii ay siisay. Ninkii miyaadan arag ayey
su’aashay, suuye ilaa 20 nin ayaa dacalka wada casaa ee waa see xaalku?
Miyaanan kuu sheegin in nin kula garaad ah Bartire ku jiro ayey u celisay,
qosol dheer dabadii.
Habeenkii xigay ayuu Cali soo noqday oo
isku dayey bal inuu mar kale beer jileecsado haweenaydii isagoo hadalo
macaan ka dib weydiiyey bal in mawqifkeedii wax iska badalay. Xaaraan
caleeg iyo maya ayey isu raacisay inuusan meesha ku dibdhicinna way u
sheegtay hase yeeshee waa layska haasaaway in muddo ah ileen midkood
walba dan gooni ah ayuu wataaye. Markii uu dheelman doono ayey isagoon
dareensanayn go’ii uu hagoognaa fiidda hoose in yar ka goysay si bal ay
calaamad ugu noqoto Garaadka barritoole uguna aqoonsado Cali. Markii
Garaadkii soo hoydayna warkii ayey ku taabatay oo tidhi waxaad raadisaa
nin dhinac go’an. Garaadkiina waa yahay kan yar bixisaa wadaan u malayne
ayuu ku laabriixday.
Cali haddii uu gurigiisii tagay wuxuu
markiiba isha ku dhuftay go’iisii oo dhinac dulaaqan yahay wuxuuna gartay
in haweenaydii mar kale sumadday. Isla habeenkii ayuu guuray oo uu si
kali kali ah ula kulmay kontomeeyo nin oo uu ka dhaadhiciyey in Garaad
Wiil Waal faray in dhammaan ragga barri kulmi doona mid walba go’iisa
dacal ka gooyo. Waa arin yaab leh oo ay adag tahay inaan fahamno wuxuu
uga jeedo laakiin waa Garaadkeenii waxaanan hubaa inuu wanaageena laabta
ku hayo sidaa awgeed waa inaynu adeecnaa oo aan fulinaa amarkiisa ayuu
xujaystay. Imisa jeer ayuu hadda ka hor arin fajac badan inoola yimid;
tanina waa mid kuwii hore uun la mid ah, ayuu raaciyey. Nimankii way
qanceen dhamaantoodna waxay ku dhaceen dabinkii Cali oo ay farqaha wada
jarteen.
Shirkii markii la yimid subixii xigay
wuxuu Garaadkii fiirfiiriyey nin go’ dhinac go’an wata hase ahaatee wuxuu
arkay in ku dhawaad dhamaan ragga meesha jooga dacalku u wada jaran yahay.
Talaa ku caddaatay oo in ninkii gedogedayn jiray ged cusub lasoo baxay
ayuu xaqiiqsaday. Cawaysinkii ayuu xaaskiisii uga waramay in rag ilaa
kontomeeya ah oo go’yaal dhinaca wada go’an wata goobta joogeen. Qosol
ayey ka wareegtay mar labaadna ku abhisay inuusan is mahadinin oo aan
islaweyni indha duubin maxaa yeelay rag caqli u saaxiib ah oo kale ayaa
Bartire dhex bariisan haya.
Habeenkii saddexaad ayuu Cali mar kale
isku dayey inuu haweenaydii beer laxawsado isagoo kolba sheeko cusub oo
tii hore ka macaan u saaraya. Way uga dhaaratay inay waxba ka yeesho oo
inna wax beer nugayl ah wuu kala kulmi waayey. Waxay damacday inay
fashilkiisa si habboon uga shaqayso iyadoon rag isku dilin. Waxay haddaba
la gashay sheekooyin kale duwan oo dhacdooyin hore sida dagaalo,
taariikho, jacayl iwm isagu jira oo Bartire dhexdiisa ah. Habeenkii oo
dhan ayey halkii fadhiyeen oo sheekaba sheekay keentaaye barigii kalana
waa tiida gureen, siddii laba ruux oo waligood is yaqaanay in muddo ah
aan is aragna u sheekaysteen iyadoo waliba aqalka daahu u xidhan yahay.
Goor ay waa soodhawaadkii tahay ayuu Cali is arkay isagoo gunduruxsanaya
oo wakhtigiiba illoobay markaa ayuu gurigiisii u dheelalaabay isagoo og
in mar dhaw shirkii la isugu iman doono.
Waagii haddii uu baryey ayaa Garaadkii
reerkiisii soo bariidiyey isagoo waliba hinfidh ka muuqdo; naa maxaa la
sheegay? Nabad iyo naxariis. Oo xalay oo dhan aqalka daahu waa u
dheeraaye see wax u jiraan? Waxba ma jiraanee, adigu saw ima aaminsanid
aniga, ayey wediisay. Wanaag iyo intii dumar lagu raaco oo dhan ayuu ku
yaqaanay wax uu u aamini waayana hadda ka hor kuma arag sidaa daraadeed
waxaa u banaanaa oo kaliya inuu yidhaahdo haa oo waan ku aaminsanahay.
Sidaa unbuuna yidhi. Haddaba haddaad i aaminsan tahay xalay oo dhan
ninkii isagaa ahaa ayaa guriga joogay oo aanu sheekaysanaynay wax aan
sheeko ahaynna nama dhax marin ayey u celisay. Markaad maanta geedka
tagtaan waxaad ku garan doontaa sifo uusan xariifnimo kale oo uu ku
badalo heli karin. Oo maxay tahay ayuu Garaadkii weydiiyey. Waxaad arki
doontaa ileen waa nin xalay oo dhan soo jeedayee isagoo madaxa
hoogaaminaya oo lulmoonaya. Waayahay bal aniga iyo isaga ha laysku eego
maanta, ayuu yidhi.
Geedkii ayaa raggii isagu yimid. Cabbaar
haddii uu fiirfiiriyey waxay markiiba ishiisu qabatay barbaar gooni ragga
uga fadhiya oo aad moodo inuu xadraynayo. Waa sidee saaxiib, maxaad ugu
lulmoonaysaa shirka dhexdiisa miyaadan xalay seexan ayuu Garaadkii
weydiiyey? Talo faro ka haaday, ma is tidhi? Maya, kama haadin ee Cali
nin garashadiisu gaashaan qaad tahay ayuu ahaaye markiiba wuxuu gartay
ujeedada hoose ee su’aasha Wiil Waal si degani iyo kalsooniyi ku jirtana
ugu jawaabay “maya Garaad ma lulmoonayo ee waxaan ka fakarayey lugo
goroyo ma horaa mise waa dib.”
Garaadkii oo markiiba fahmay in ninku
ninkii xariifka ahaa ee haweenaydiisa shukaansaday yahay ayaa qosol la
dhacay. Waxaad tahay damac-badanihii isaga ahaa ee aan dhawrka jeer ku
guuldaraystay inaan helo; saw ma aha adiga ninka xaaskayga hunguriyeeyey?
ayuu Wiil Waal si cod dheer u yidhi. Guurtidii geedka fadhiday ayaa mar
qudha dhinaca Cali wada eegtay iyagoo mindhaa u naxsan aayo xumada uu la
kulmi doonana ka welwelsan. Waxay islahaayeen koley yarku ciqaab mudaye
ciqaabtaasi ma dil qudh-gooye ahbaa mise waa dakhar in badan uu la dhul
jiifi doono. Waxaa laabtooda ka guuxday su’aasha ah tolow inta ficil xumo
badatay see Garaad Wiil Waal reerkiisa Cali u hawstay!
Cali isagoo raba inuu jawaabo oo is xujo
bixiyo ayaa intuusan wali hadlin Garaadkii hadalkii mar kale qaatay oo
soo jeediyey dhammaan guurtidii geedka fadhiday isagoo leh: Bartirow i
maqal haddii tii Rabbi ii timaado waxaad hogaamiye ka dhigataan oo aad
doorataan wiilkaa yar maxaa yeelay waa nin garasho culus oo aan iga
dhicin dabagalkiisana aydaan ku khasaaraynin.
Intaasi hadday Garaadka afkiisa kasoo
baxday qosol gariir male beenoobay uu sababay ayaa wajiyada guurtidii
geedka fadhiday ka muuqday waxayna mar kale si hanbalyeyn u eg u wada
eegeen dhinacii Cali geedka ka fadhiyey madaxana u yara gundhiyeen.
Calina shaw is yar atooree oo inuu mansab hor leh oo uusan Bartire ku
dhex lahayn ku yeelan doono niyadiisa u sheeg.
Halkaa ayey Cali iyo Garaad Wiil Waal
isku barteen, raadintii iyo rabitaankii Calina ku ibo beelay,
haweenaydiina ku badbaadisay colaad iyo ciil sokeeya iyadoo naf
ahaanteeduna ceeb-ka-saliim ah.
Cawaale Xuseen Cabdi
awallea@hotmail.com
Feein: SomaliTalk.com | Feb 15, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan