SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ITALY

Feb 15, 2004 

GOLAHA WADATASHIGA SOOMAALIYEED

G/W/S/005/04 London, 14/02/2004

Ujeedo:- dhibaatooyinka Ganacsatada iyo Dhaqaatiirka Soomaaliyeed

Ku hayaan Shacbigan tamarta iyo taagta daran

Mudanayaal, Marwooyin Walaalayaal

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
Waxaan hubaa in Shacbiga Soomaaliyeed ka marqaati kici doono wixii qeybaha bulshada ee ay adeegyada ka sugayeen ay ku faleen waqtigan adag ee ay maganta u yihiin Cabsida, Cudurka, Gaajada, Dilka, Dhaca, Afduubka aan loo aabe yeelin ee lagu hayo.

Waxaan filayaa in dhibaatooyinka ka soconaya Soomaaliya in ay Soomaalidu ugu yaraan og yihiin qeybta ay ka qaateen ganacsatada iyo dhaqaatiirta aan u naxariisan dadkooda ee cuntooyinka iyo daawooyinka dhacay ama tayadoodu yar keena dalkeena Soomaaliya.

Ganacsatadu kuma eka oo kaliya soo daabacidda iyo soo galinta lacagaha la been abuuray dalkeena Soomaaliya, ee waxay qeybo ka mid ganacsatadu ka qeyb qaateen burburinta dalka, iyagoo ka faa’iideysanaya burburka ku dhacay qarankii Soomaaliyeed waxay dalka ka dhoofiyeen wixii qeyraad ahaa ee uu dalku lahaa iyo waxyaabihii taariikhiga ahaa, isla markaana soo galiyeen dalka cuntooyin iyo dawooyin dhacay oo lagu soo farsameeyay dalalka dibedda.

Dhaqaatiirta Soomaaliyeed waxay heshiis la galeen qeybo ka mid ah ganacsatadaa xaaraanta ku cayishay ee dalka soo galisay isla markaana keena daawooyin dhacay, lagana soo badalay waqtiga dhicida, dhaqaatiirtan oo inta la og yahay daawada ay u qoraan bukaan socodka u sii sheega xitaa farmashiyaha ama goobta ay ka heli karaan dawooyinka ay u qoreen qofkii bukaanka ahaa.

Dhaqaatiirtu waxay ku leeyihiin waxa ka soo baxa daawooyinkaa dhacay ee ay dhinacooda ka iib geeyaan, kana yihiin “Shareholders”, Hadaba dhagaraha laga galayo ma yara ummadaan uu Ilaahay ka adeejiyay kii badbaadada u noqon lahaa, waxaanse jecelahay in la soo gaarey xilligii la shaacin lahaa burcadnimada hubeysan iyo hagardaamooyinka lagu hayo shacbiga Soomaaliyeed.

Waxaa isa soo taraya sheegashooyinka dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatooyinka ka soo gaareen cuntada iyo daawooyinka dhacay ee ay dalka keeneen ganacsatadan waalida ku qaba in ay ka xooleystaan shacbigeena, waxaan hubaa in wax la iska weydiin doono doorkii ay ganacsatadu ka qaateen burburinta dalka, kooxihii sida waxashnimada lahaana dalka u soo galiyay dhamaan waxyaabihii waxyeelada loogu geeystay shacbiga ciqaabi doono.

Wax badan ayaa siyaasiyiinta Soomaalida lagu eedeeyay burburka ku dhacay dalka, laakiin waxaa iyadana xusid mudan in shacbiga Soomaaliyeed ogaadaan xumihii ay dalka ka sameeyeen xubin walba oo ka tirsan bulshada Soomaaliyeed, Sida Siyaasiyiinta, Ciidamada, Hogaamiyayaasha Dhaqanka, Culumaa’udiinka, Ganacsatada, Dhaqaatiirta iyo ilaa heerka ugu hooseeya ee waxqabad xume falayaasha bulshada ku dhex jira.

Wuxuu qof kastaa og yahay in "Taalooyinka" adduunyada oo idil dhexyaal lagu xusuusto geesiyaal naftooda iyo maalkoodaba u huray dadkooda iyo dalkooda, hadaba waxaa isweydiin mudan waxa Soomaalidu ku xusuusan doonto Waraabayaasha caadeystay ka ganacsiga dhiiga dadkooda.

Waa wax iska cad cudurka maanta loo la'yahay daawada ee in ka badan Malyuumaad ku baahsan adduunyada la il daran yihiin waa "AIDS"-ka'e in haddii ay awoodi lahaayeen ay ku baahin lahaayeen dadka Soomaaliyeed dhexdiisa, si ay u helaan adduun yar oo ay maalmo ku noolaandaan.

Hadaba waxaan xusuusinayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed in taariikhdu xusi doonto qeybihii sida tooska ahaa iyo sida dadban uga qeyb qaatay burburinta iyo waxyeeleynta dalka iyo dadka lagu ciqaabi doono xumihii ay faleen.

SOOMAALIYA HA NOOLAATO

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ahna

Wakiilka Golaha wadatashiga Soomaaliyeed

C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
xildhiban@hotmail.com

Feein: SomaliTalk.com | Feb 15, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]