SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Feb 17, 2004 

 HA ISRAACSIIN DUNIDA

Ilyas Mahamud Hussein
ilyas_mh@hotmail.com

Cali 75 sano ayaa u go`day wuxuuna aad ulla yaabanyahay sida fudud ee sanaduhu ku soo dhaafayn,noloshiisana maanta xusuus uun ayey ku dhisantahay maxaa yeelay rajadiisa nolosha waa wax kooban.Cali wuxuu xisaab yar ku sameeyey 75 sano ee soo gudubtey sida ay ku soo dhaafeen,wuxuu ogaadey in uu noolaadey (27375) maalmood wuxuuna sii ogaadey haduu hurdey maalinta uu dhashey ilaa iyo maantii uu buuxiyey 75 sano, 8 sacadood maalin walba in uu noloshiisa 25 sano uu ku qaatey hurdo oo waa (9125) maalmood iyo in uu soo jeeday (18250) maalmood oo ah 50 sano kuwaas oo qaar uu ka bukay qaar uu ka gaajeesnaa qaar kalana  uu ka murugeesnaa oo farxada noloshu waxa soo marey ay iska koobnayd.Ugudanbayntii wuxuu Cali gartey in noloshu ay tahay harka labadiisa gelin oo ruuxa la yiraahdo waa cimri dheeryahay in uu noolaado maalmo kooban.

Hadaba akhriste waxaan tusaalahan gaaban u soo qaatey in si yar kuu fahansiiyo in nolosha marti aynu ku nahay oo ninkii maanta nool la ogayn in uu beri gaarayo iyo geerida ka dib awood kasta aynu lahayn in dhulka nalagu soo aasayo maalmo yar ka dibna jiritaankeena oo idil layska ilaawayo sidaa darteed waxaa ila haboon in dunidan ku meelgaarka ah in aan lays raacsiin.Dunida oo lays raacsiiyaa waxay keentaa in qofku uu ilaawo aaqiradiisa, aaqiro oo la ilaawaana waxay keentaa in uu qofka uu fududeysto ku dhicida denbiyada kuwooda yar iyo kuwooda  weynba.Danbiyada oo la fududaysto iyo ku dhicidooda oo aan layska ilaalin waxay keentaa in qofka qalbigiisa qalalo,qalbiga oo qalalana waxay ku dhalisaa ruuxa in uu gaaro heer uu kala garan waxa wanaagsan iyo waxa xun ama wanaagii xumaan u qaato, xumaantiina ay la fiicnaato.Qofka marka uu heerkaa gaarana wuxuu halis ku yahay naftiisa iyo dadka  ku agnool oo idil,wuxuuna noqonayaa ruux sheydaan hogaamiyo waana arinta maanta heysata soomaali badan.

Aaqiro oo la ilaawey iyo aduunka oo laga dhigtey hadafkeena kowaad iyo hamigeena oo idil oo aduun lagu  soo koobey wuxuu keeney in la is dhaco, la is xaqiro,la is dilo.Wataa naftii qofka soomaaliga ah qiimo beeshey.Aduunyo jaceyl iyo imaanka oo daciifay  ayaana u sabab ah dhibaatada maanta ina haysata.Dagaal oogaha wax laynaya iyo kan taageersanba waxa dabada ka riixaya waa aduunyo jaceyl,dagaal oogaha wuxuu isleeyahay madax noqo oo hantida qaranka dhac kan tageersana oo qoriga u sidana ama qalinka ku difaacayana wuxuu isleeyahay haduu hebel wax noqdo adigana dhacdhac koley weyn aad meysid.

Akhriste 75 sano waxay u dhigantaa (27375) maalmood waa maalmo yar waxaa taas ka sii   daran in aynaan jirin qof og inta uu nolaanayo,caawa markaad seexataa la`ogayn in aad beri soo kacaysid iyo in kale .10-kii qofood oo dhalataa imisaa gaarta 75 sano? Ilaah keliyaa og, lakiin waa dad aad u yar sidaan filaayo 2 ilaa 3 qofood kama badna,inta kale maalmo kooban ayey nolaadaan. Aad nooolaatid labaatan kun oo maalmood ama sodon kun oo maalmood koley waxaa tahay kii geeriyooda, sidaa darteed waxaan qabaa aniga  wax magarte iyo qof waqtiga aan ku xisaabtamin ayaa isku kibriya oo wax ka dhigta noloshan dunida taal.Hadaba walaalkey muslimka iyo walashey muslimada ah waxaan kula dardaarmi lahaa in aadan  isku iloowin noloshan ku meel gaarka ah oo tan la hubo in lagu waarayo loo shaqaysto. Qof walba oo muslim ahow u diyaar garow maalinta Ilaahi ku uuntay lagu soo hor is taajin doono. Ugu danbayntii Soomaalida waxaa kula dardaami lahaa seddax arimood oo xageyga ku qaali ah.

1- Salaada

Salaaddu waa lafdhabarka diinta islaamka waana camalka ugu horreeya oo qofka la waydiiyo oo lagula xisaabtamo qiyaamaha,waana waajibka aan marnaba qofka ka dhacayn oo aan laga cafinayn inta caqligiisu joogo.Qofka sida ay tahay u tukadana waxay ka ilaalinaysaa inuu ku dhaco waxyaabaha aan diintu ogolayn oo munkarka ah sida Quraanka ku xusan.Ilmaha yar yar oo aan qaangaarka ahayn waa in uu waalidka  ama qofka gacanta  ku hayo baraa salaada kuna amraa ina ay tukadaan qaas ahaan ilmaha lagu hayo wadamada aan muslimka ahayn si diintooda ugu badbaado.

2- In la`iscafiyo

Runtii wey adagtahay in la cafiyo ruux waalidkaa iyo walaalahaa xasuuqay ama nafsadaada  soo gaarsiiyey dhaawac culus ha noqdo mid jir ama mid maskaxeedba, hadana waxaa lagama maarmaan ah in la`is cafiyo si nolosha hore ugu socoto Illaahna noogu gargaaro waxaadna ogaataan in Illaah raxmadii ka fogeenayo ummad aan is cafin.Qofka danbiga laga galey asagey qof ahaan u fiicantahay in uu Illaah dartii ku cafiyaa qofka danbiga ka galey,laba sabab dartood, waa mida hore ajar iyo xasanaad ayuu ka helaa  tan labaadna qof ahaan ayuu nafisayaa oo qalbiga ayuu ka xasilayaa isla markaana culayskii qalbiga ka saarnaa ayaa qofka ka dhacaya. Soomaalida ma aha ummad is cafisa dhaqan ahaan oo waxay ku maahmahaan ”nimaan aarsan habar ma dhalin” waa maahmaah qaldan marka hore ma jiro ruux aan habar dhalin, qofna dhulka kama soo bixin tan labaadna waa maahmaah fidna xanbaarsan.Soomaaliya sanadihii tagey waxaa ka dhacey welina ka dhacaya ruux ayaa aargoosasho loo dilaa asaga oo waxa loo diley  ay tahay  in ay isku hayb ama qabiil ka soo wada jeedaan ruux kale oo hore wax u diley,dhacdadaan oo kale waxay sababtaa in xumaantii sii fido oo dilkii aargoosiga ahaa iska socdo ilaa ay qasabto in laba qabiil isku dhacaan oo boqolaal qofood sabab u noqdaan in ay ku dhintaan.Sida diinta ay qabto waxaa haboon ninka danbiga galey in asaga laga gooyo, qofna aan loo dilin denbi uusan galin.Soomaali hadaynu nahay danbiyo waaweyn ayaan iska galney mana jiro ruux beri ka ah in yar oo Illaah u gargaarey mooyaane, maxaa yeelay kan wax laynayey iyo kan niyada ka tageersanaa waa isku danbi sidey ila tahay, Illaahbaase og, sidaa darteed waxaan dardaarmi lahaa in la` is cafiyo isla markaana loo duceeyo kuwa qaska iyo dhiiga weli faraha kula jira, si uu Illaah u soo hanuuniyo isla markaana u tuso wanaaga iyo qayrka .

3- Waqtiga

waxaan kaloo soomaalida u sheegi lahaa in waqtiga laga faa`ideysto Soomaali hadaynu nahay waqtiga ma qiimeyno oo qaarbaaba dhaha ”ma aqaan sidaan waqtiga ku dhumin lahaa”. Ninka waxgaradka ah waa kan waqtiga sida fiican ugu faa`ideysto.Aaqiro waxyaabaha ugu weyn ee qofka  la weydiinayo ayaa waqtigu ka mid yahay,maxaa yeelay waqtiga waa cimrigaada oo qof walba waxaa la weydiin doonaa siduu waqtigiisa  ku bixiyey intuu noolaa, waana ayaandaro in Soomaali badan qaad iyo goobaha fadhi ku dirirka in ay waqtigooda qaaliga ah ku lumiyaan,walaalayaal halaga faa`ideysto waqtiga oo halagu qabsado wax aduun iyo aaqiraba qayr idiin leh.

Wabilaahi towfiiq

Ilyas Mahamud Hussein

ilyas_mh@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 17, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD