SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Feb 17, 2004 

Sumayah waxay tiri "markaan akhriyey ka dib waxaan ogaaday inay tahay Diinta saxda ah".

 

Waxaan u bixiyey naftayda Sumayah ka dib markaan islaamay, magacaygi hore wuxuu ahaa "Fadi Fal Rijiin" waxaan u dhashay wadanka Sirilaanka waxaan ahaa masiixiyad diinta islaamkaa waan maqlay sida diimaha kale, waxaan imi Kuwait shan sano ka hor waxan ka shaqo bilaabay guri dadkiisu aad u wanaagsan yihiin,sidoo kale waxaa ka shaqeenayey isla guriga gabar reer Sirilaanka ah iyo ninkeeda oo dareewal ah, wuxuu ahaaa nin muslim ah wuxuu noo keeni jiray kutub islaami ah, cajilado quraan ah, muxaadarooyin iyo joornaalo diini ah, waxay dhagaysan jireen Qur'aan waxay akhriyi jireen kutubta wakhtiga firaaqada, waxaan jecleystay dhaqankooda iyo akhlaaqdooda wanaagsan iyo sida ay ii qadirin jireen.

Waxaan go'aansaday inaan akhriyo kutubtooda waxay ii keeneen kutub laga barto islaamka iyo mabaadi'idiisa, waxaan bilaabay inaan u akhriyo tilaabo tilaabo ilaa ay ii cadaatay diintan in aysan ku koobneyn arimo tirsan ee ay tahay diin dhameestirin oo kulminaysa nolosha oo dhan oo an waxba ka tegeen, waxan akhriyey kitaabka la yiraahdo "Gabadha Islaamka ah", waxaan ogaaday in diinta islaamku ilaalisay xuquuqda iyo karaaamada dumarka si aysan u ilaalin diimaha kale, waxaan ku qancay in islaamku yahay diinta xaqa ah, laakin waxaan doortay inaan ogeysiiyo arinkan waalidkay, waxaan u safray wadankaygii waana u sheegay nasiib darro waa diideen waxay ka baqeen jees jees iyo in dadka deegaanku igu bahdilaan, soo noqodkaygi ayaan la sameeyey xiriir si ay iigu ogolaadan inaan islaamo, laakin wax natiijo ah kalama kulmin, waxaan is barbar dhigay daacadda waaalidka iyo tan rabbi, waxaa iisoo baxday in tan rabbi wayntahay, waxaan go'aansaday inaan islaamo, waxaan ku iri gabadhii ila shaqaynaysey waxaan rabaa in aan islaamo xagee ka bilaabaa, waxaan isla garanay inaan u sheegno gabadha wakiilka naga ah, waan u sheegnay wayna so dhawaysay wayna ku faraxday, waxay ii kaxaysay guddi u xilsaaran dadka soo muslimaya, waxaan ugu tagnay goobtoodii, gabar wadaad ah ayaa ii sharaxday islaamka arkaantiisa iyo faa'idadiisa, ka dib guddigii hortoodi ayaan ku dhawaaqay tawxiidka aniga oo aan cidi igu khasbayn kuna qanacsan islaamka, waxaana ii tahniyeeyey walaalihii meesha joogay, waxaa ku soo joogsaday indhahayga ilmo farxadeed iyo ray-rayn iyo boholyow aan u qabo islaamka, waxay ahayd daqiiqado aanan ilaa wayn noloshayda, waxaan dareemay farxad, raaxo iyo deganaasho, maxaa yeelay waxan ka baxay mugdi una baxay iftiin, waxaan go'aansaday dhib kasta iyo mushkilad kasta oo igu timaada inaan u dulqaato si aan u ilaashado islaamnimadayda, waxaa mahad iska leh ilaahii igu hanuuniyey islaamnimada maalinkassta wakhti kasta iyo noloshayda oo dhan, waxaan u mahadcelinayaa hanuuninta uu igu hanuuniyey islaamka.

Intaas ka dib waxaan sii raac raacay casharo guddigu iigu talagalay ilaah fadligiis, waxaa ku negaaday qalbigayga islaamka, ma ilaawi karo gabadhii wakiilka iga ahayd tashiilaadkii ay ii sameesay iyo shaqadii oo ay iga dhintay si aan u akhristo casharo, waxaan bartay caqiidada, dahaarada, salaada waxaan xifdiyey dhowr jus oo quraan ah, waxaan soo gutay waajibka xajka anigoo ka mid ahaa koox dumar ah oo guddigu u diyaariyey in ay soo xajiyaan, alxamdu lilaahi, ma tilmaami karo dareenkayga markii aan tegay gurigii ugu horeeyey ee loo as-aasay in rabi lagu caabudi waa kacbade'e.

Waxaan mar labaad mahad u celinayaa Allah iyo dhamaan dadkii igu caawinay in aan islaamo, diinta islaamkana barto.

Sharma'arke Abdi-risaq Elmi

Cairo,Egypt
shsugulle@hotmail.com

Feein: SomaliTalk.com | Feb 17, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD