Munaasabada lagula kala wareegayey qalab Caafimaad
oo ka dhacday Xarunta Isbitaalka Guud ee Magaalada Garoowe.
Qalabkan oo ay ku deeqeen Bulshada reer Puntland
Gaar ahaan kuwa Gobolka Nugaal ee ku sugan Denmark iyo Jarmalka ayaa
wuxuu isugu jiray Qalabka computer-ka ee dadka lagu baaro oo ah nooca
Ultrasound iyo ECG. Maxamed Jaamac Faarax oo ah ninka qalabkan waday ayaa
wuxuu sheegay in qalabkaani ku fadhiyo lacag dhan US $ 40,000 (Afartan
kun oo doolar).
Wuxuuna sheegay Maxamed Jaamac in lacagtaan ay
qaaraan ahaan isaga ururiyeen Bulshada Reer Nugaaleed ee ku sugan Denmark
iyo Jarmalka ayna isla garteen in loogu deeqo isbitaalka Magaaladda
Garoowe.
Sidoo kale waxaa ka hadlay Xafladaasi Agaasimaha
Isbitaalka Maxamed Xasan (Carabay), wuxuuna ka hadlay sida loogu baahan
yahay qalabkan ay maanta ugu deeqeen Jaaliyadahu.
Waxaa kale oo halkaasi hadalo wax ku ool ah ka
soo jeediyey Dr. Daahir Liilan oo ka mid ah Madaxda Hay’adda Caafimaad ee
WHO, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “ waajib kayagu waa in aanu wax ka
qabano Caafimaadka, waxaanu bahwadaag nahay 23 wadan"
WHO kaalinta ka ay qaadanayso waa kor u qaadida
aqoonta shaqaalaha iyo bixinta Daawada Tbda oo ah nidaamka DOT (Daily
oral treatment), shaybaarkana waxaa loo aqoon saday "central
laboratory of Puntland", oo ay taakulaynaso(WHO), Sidaas waxaa yiri Dr.
Daahir Liilan.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxaa kale oo uu
yiri.WHO, waxay kaloo ku talo jirtaa dhakhaatiirtii aan Jaamacadda
dhamaysan in dibada loo qaado iyo hadda 2 dhakhtar oo la qaaday 14 kalena
liiska ayey noogu jiraan, waxaana la qaadi doonaa 10 qof oo la soo bari
doono caafimaadka bulshada (Public health) , who waajibaad keedu waa in
ay la shaqayso Wasaaradda Caafimaadka.
Ugu dambayntii, waxaa halkaa hadallo ka soo
jeediyay Islaan Maxamad Islaan Muuse, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa
”Waxaan idinku salaamayaa 114-ka cadadka qur’aanka kariimka ah, waxaan
jawaab gaaban ka bixinayaa, haddaan nahay bulshada Nugaaleed, haddii
dadkayagii maqnaa qalabka aan la heli Karin noogu deeqeen, waana ku
mahadinaynaa, annagoo boqorro iyo dadweynaba ah, waxaanu u dhiibaynaa
dadka ku shaqada leh, haddii ay ku luntana la xisaabtamaynaa. Qoladiina
dibedda jirtana, idinkuna halkaa ka sii wada. Xagga xil-wareejinta wasiir
ku-xigeenow, bishu meeshay ka dhalato ayaa laga eegaa, idinkaanu idinku
wareejinaynaa, wixii ka xumaadana waan idinkula xisaabtamaynaa” Sidaas
waxaa yiri Islaan Maxamad Islaan Muuse.
<><><>
WARSAXAAFADEED AY SOO SAARAY WASAARADDA
QORSHAYNTA IYO TIRO KOOBKA PUNTLAND.
War-saxaafadeedkan oo ka soo baxay xafiiska
Wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo Tirakoobka Maamul Goboleedka Puntland
oo uu nuqul ka mid ahi soo gaaray Somalitalk ayaa wuxuu u qornaa sidaan:
DAWLAD-GOBOLEEDKA PUNTLAND..... PUNTLAND STATE
OF SOMALIA
Wasaaradda Qorsheynta & Tirakoobta ..... Ministry
of Planning and Static’s
Ref. WQT/34/04 Date: 15/02/04
WAR SAXAAFADEED
Ku: Hay’adaha deeqda bixiya
Ku: Ururrada Samaflka
Ku: Saxaafadda Madaxa-bannaan
Ka dib markay abaartaka jirta Puntland noqotay
mid soo jiitantay oo daba-dheeraatay ayaa waxaa la abuuray guddi heer
sare ah oo ka koobma 7 wasiir, si ay ula tacaalaan wax ka qabashada
abaarta baahday.
Guddigaasi wuxuu qabtay hawlo fara badan oo ku
dabciyay xaaladda abaarta meelo badan oo Puntland gudaheeda ah. 7/2/2004
waxaa si ku meel-gaar ah looga dhigay (Focal Point), Wasaaradda
Qorsheynta iyo Tirakoobka xaaladda abaarta.
Wasaaraddu waxay si dhakhso leh u guda-gashay
muhiimadda hawsheeda loo xilsaaray, waxayna ogaatay in xaaladda abaartu
mareyso meel aad khatar u ah, ayna ku baahday Puntland oo dhan, iyadoo
sababtay:
- 1. Daaqii oo dabar-go’ay.
- 2. Dhimasho xoolo fara badan.
- 3. bara-kac.
- 4. Biyo la’aan meelaha qaarkood.
- 5. Caafimaad-xumo ku habsatay dad iyo duunyaba.
- 6. Waxbarashadii iyo noloshii dadka
tuulooyinka oo aad u liidata.
Baraha abaartu si xun u aafaysay waxaa ka mid ah:
Xuddun, Taleex, Xallin, Boocame iyo goobo ka
tirsan degmada Garowe sida Sinujiif, Xammur, Siiga-dheer, Cuun, Libaaxo.
Dhulkaas dhammaantiis wuxuu ka mid yahay dooxada
Nugaaleed, waana meelaha halista ugu badani hadda ka jirto. Halkaas
xoolihii wixii socon karay ay ka haajireen, qaarkoodna ay dhinteen,
dadkii ceyroobay waxay ku soo urureen tuulooyinka halkaas oo uu ku hayo
dayac fara badan, una baahan yihiin gurmad deg deg ah, intaan dhimashada
dadka bilaabin, waxayna si gaar ah ugu baahan yihiin quudin iyo nafaqeyn.
Sidaas oo kale, dhibaato ba’an ayaa ka jirta
meelo badan oo ay ka mid yihiin:
- 1. Dhulka u dhaxeeyo Qardho, Beyla,
Isku-dhuban iyo Eyl.
- 2. Dhulka loo yaqaan Cadduun, Hawd iyo Golol
oo ka tirsan degmooyinka Garowe, Burtinle iyo Jarriiban.
Labadaas goobood waxaa u hayaamay dadkii iyo
xoolihi ka bara-kacay dhulka abaarta ah, waxayna ku sugan yihiin xaalad
khatar ah oo biyo la’aan, iyo caafimaad xumo xoolaha iyo dadkaba, waxayna
u baahan yihiin biyo-dhaan deg-deg ah, iyagoo gaadiidkii (awrtu) ka
dhammaadeen.
Sidaas darteed, waxaan dawlad-goboleedka Puntland
qeylo-dhaan u diraysaa bulshada caalamka inay la soo gaarto kaalmo deg
deg ah intaan xaaladdu faraha ka bixin.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Tirakoobta
Maxamuud Warsame faarax
-dhammaad-
Waxaa qoraladan isku soo duba riday
Cawaale Jaamac Salaad
jamnaf87@hotmail.com
Somalitalk Garoowe-Soomaaliya