SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Feb 17, 2004 

War-1-16-Feb,04,Nairobi.

Xoghayaha Arimaha horumarinta Sweden oo la kulantay Hogaamiyayaasha kooxaha Soomaalida

 


shaley ayaa kulan gooni ah la yeelatay Ainta soder oo ah haweney ka socotey wasaaradda arrimaha dibada Swden ahna Xoghayaha horumarinta deeqaha wadanka Sweden dhamaan Hogaamiyayaasha Soomaalida ee shirka nabada uga socda dalka kenya.
Dawlada Sweden ayaa ah Dawladaha ugu deeq bixinta badan ee shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee 15-bilood ka socdey wadanka kenya.
Haweeneydaasi ayaa ka socdey wasaarada arrimhaha dibada shaley qado sharaf ugu sameysay Holidey Inn Hotel ee magalaada Nairiobi dhamaan hogaamiyayaasha soomaalida ee ka qayb galaya wadahadalada nabada ee soomaalida.
kulankaasi Anita sodre ayaa gooni u ahaa kooxaha soomaalida ee kala ah SRRC,G-8,Golaha badbaadada iyo Dawlada KMG,waxayna ka wada hadleen sidii loo sii horumarin lahaa heshiiskii dhawaan 29-janaayo lagu saxiixay guriga Madaxtooyada dalka Kenya.
haweneyda ayaa ujeedadeedda kulanaka aheyd in ay ogaato khilaafka keenay in la ansixinwaayo qoddobadii ay hogaamiyayaasha gacantoodsa ku saxiixeen heshiiskii 29-janaayo.04.
kooxda SRRC ayaa ku doodey in uu u xayiran yahay ergada SRRC oo diidan qodobka 30-aad ee xulida xubnaha baarlamaanka ee shirka nabada Soomaalida,kooxaha kale ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in la gudbiyo ama loo codeeyo lana ansixiyo Buuga axdiga iyo datuurka Soomaalida KMG ee shirka Nabada Soomaalida u xayiran yahay muddo ku dhowaad 6-bilood.
khilaafka Buugan ayaa la isku raacsan yahay 93-qodob marka laga reebo qoddobka 30-aad ee xuilida xubnaha baarlamaanka ee beelaha Soomaalida ka qayb gali doono Baarlamaanka la doonayo in laga dhiso shirka Nabada Soomaalida oo kenya ka socda muddo 15-billod ah.
Anika Sodre ayaa mar ay la hadlaysa qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha u sheegtay inay intuu shirka Soomaalida socdayba dowladeeda la garab taagnayd taageero dhan kasta ah sidaas aawgeedna taageerada ay bixiyaan u adeegsan doonaan qaabab kale oo ka duwan kuwii hore.
Kulankaasi waxaa ka soo qayb galay kooxo ka kala socday DKMG ah dhinaceeda wasiirka madaxtooyada Cali-baashi X. Max'ud, NSC(Samata-bixinta)oo ay ka yimaadeen Faarax Wehliye Cadow,C/llaahi Adan Axmed, iyo C/llaahi Geedi SHadoor, kooxda G8 waxaa iyadana ka socday Max'ed Qan-yare Arax, Mowliid Macaane, iyo Cumar Finish,kooxda SRRC oo ku timid tiro ilaa toban xubnood ah ayaa waxaa ka mid Xuseen Max'ed Caydiid oo isaga ah Guddoomiyaha xilliga ee ururkaas, Col. C/llaahi Yuusuf Axmed, Max'ed Aadan Waayeel, Xasan Abshir Faarax, Hilowle Iimaan Cumar iyo rag kale, dhinaca Sweden ayaa waxaa ku wehliyay Anika Sodre waxaa ka mid ah xubno ka tirsan wafdigeeda oo qaabilsan arrimha deeqaha Afrika ee dalka Sweden.
Rajada weyn ee shacabka soomaalida oo uu ka qabo shirkan ayaa ah in Dawlada caadil ah laga helo laguna soo afjaro dagaalkii sokeeye oo soomaalida oo socdey 14-sanno ugu danbeeyey
dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi,Kenya.

abdikarimhussein@hotmail.com


Feein: SomaliTalk.com | Feb 17, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]