Waxaa maalintii Jimcaha ee
13-12-1424H oo ku beegnayd 13-02-2004 lagu qabta dugisga sare ee Sh.
Barawe ee magaalada Hargeysa xaflad aad loo soo agaasimay oo lagu
maamuusayey xidhitaanka dawro sharci ah (siminaar) oo loo xidhayey qaar
kamida ardayda wax ka barata dugsiyada sare ee magaalada Hargeysa. waxaa
xidhitaankeeda ka soo qayb galay Culimo, odayaal, araday iyo dadwayne
kale oo fara badan.Waxaa ka mid ahaa culimadii halkaa ka hadashay Sh.
Maxamed Cumar Dirir (Sh. Magaalada Hargeysa) oo ku dheeraaday baahida
dhalinyaradu u qabto inay kordhinayaan aqoonta ay u leeyihiin diinta
islaamka, waxaa kaloo isaguna dhalinta waanooyin wax ku oola u soo
jeediyey Sh. Aadan Siiro oo ka mida culimada magaca wayn ku leh magaalada
Hargeysa.
Dawradan oo iyadu ka socotay mudo 30
maalmood ah masjidka Al-Raxma oo u dhow xabsiga dhexe ee magaalada
Hargeysa waxaa ka faa’iidaystay arday tiradoodu gaadhayso 430 arday oo
isugu jira hablo iyo wiilal. Masjidka Al-Raxma oo labo dabaq ka kooban
ayay habluhu dusha sare ka dhegaysanayeen duruusta, waxaana 5 maalmood
asbuucii maalin walba laga bixinayey 3 xiisadood oo middiiba saacad tahay.
Ujeedada laga lahaa dawradan:
Waxaa ka mid ahaa ujeedooyinka loo qabtay dawradan:
Kor u qaadida aqoonta dhinaca diinta
islaamka ee ardayda wax ka barata dugisyada sare.
Isku xidhka ardayda si ay isugu
kaashadaan khayrka.
In la dareensiiyo Masuuliyadda ka
saran iyo dawrka ay ku leeyihiin diintooda iyo dadkoodaba.
In looga faa’iideeyo ardayda wakhtiga
ay fasaxa yihiin wax anfacaya if iyo aakhiroba.
Duruusta Lagu Qaatay Dawrada
Waxaa ka mid ahaa duruusta iyo casharada lagu qaatay dowradan:
Duruus ku saabsan caqiidada islaamka.
Casharo fiqi ah (dahaarada, Salaadda,
iyo janaasada).
Casharo ku saabsan siirada rasuulka (SCW).
Muxaadarooyin kala duwan oo loogu
talo galay ardayda.
Culimada ka qayb qaadatay dawradan waxaa
ka mid ahaa:
SH. Mustafa X. Ismaaciil Haaruun, SH.
Maxamed Cumar Dirir, Sh. Yuusuf Aadam, SH. Xassan C/salaam, Sh. Ismaaciil
C/llaahi, SH. Aadam xaaji (Aadam siiro), SH. Yaasiin Ibraahin, SH. Ciise
Maxamuud, C/risaaq Ciireed, Maxamed Ibraahim, Shacbaan c/laahi, Khadar C/llaahi
Badeed
Kharashka ku baxay kutubta,
shahaadooyinka, iyo abaalmarinada kale la guddoonsiiyay ardayda waxaa ku
deeqay oo bixiyay qaar ka mid ah walaalaha khayrka jecel ee magaalada
Hargeysa.
Dawradan oo ah tii labaad ee nooceeda ah
ee loo qabto ardayda dugsiyada sare ee magaalada Hargeysa waxaa soo
qabanqaabiyey Gudiga Toosinta iyo Wacyigalinta Ardayda ee
magaalada Hargeysa.
Waxaa xusid mudan in dawradii koowaad oo
lagu qabtay isla masjidka Al-Raxma sanadkii hore isla bishan oo kale
(February-2003) ay iyadana ka faa’iidaysteen arday badani, sida uu uu
sheegay gudoomiyaha Gudigu Sh. Sacad Maxamud Sh. Muuse oo ka hadlayey
xafladda.
Jama Yare
jamyare@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 17, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan