SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA

Feb 17, 2004 

ASTAAMAHA AABBAHA ALLE YAQAANKA AH:

Qore: Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.
alhudaa1@yahoo.ca

 

1) Waxaa lagu yaqan inuu yahay Axad Ilaahay kabaqa, Rasuulkiisana raaca.

2) Wauxuu aad uga warqabaa baahida reerkiisa: Xagga, Diinta, maalka, ama Mooraalka.

3) Xaaskiisu way ku faraxdaa marka uu guriga soogalo.

4) Waakan dhisa culuumta iyo caqliga reerkiisa, isla markaasna saxa caadooyinkooda.

5) Ma aha mid dila xaaskiisa, ma-caayo, mana xaqiro.

6) Makeeno gurigiisa shay aan Ilaah raalli ka ahayn, mana geeyo reerkiisa goob Alle uusan jeclayn.

7) Waa kan had iyo goor daaweeya qalbiga xaaskiisa.

8) Marka uu maamulayo arrimaha reerkiisa, ma aha BAKHIIL iyo XAASID.

9) Ma aha qof neceb qaraabada xaaskiisa(sabab sharci ah la’aanteed).

10) Kama hagrado xaaskiisa waxa nafteeda u roon oo aadduunyo ah(awoodiisa)

11) Waa kan xusuusta rabbigii abuurtay markuu maamulayo reerkiisa.

12) Wuxuu had iyo jeer ka dalbaa cafis xaaskiisa, maadaama uusan dhammayn Karin xaqeeda.

13) Waakan ugu yeera xaaskiisa naynaasaha tan ugu wanaagsan.

14) Maalka reerkiisu u baahi qabo waakan aan ku bixin meelo kale oo aan fiicnayn.

15) Waxaa lagu yaqaan in xaaskiisu kuxiran tahay, gabdhaha AKHLAAQDA iyo DIINTA ku sifoobay.

16) Gurigiisa waxaa laga yaqaan jacaylka islaamka iyo ehelkiisa.

17) Kuma yiraahdo xaaskiisa “Waad fool-xuntahay & Waan ku-necbahay”.

18) Sidoo kale ma habaaro xaaskiisa.

19) Markay jirran-tahay iyo markay culus-tahay wuu u-khidmeeyaa xaaskiisa.

20) Waakan ka abaal mariya ugana mahad naqa xaaskiisa dadaalkeeda.

21) Wuxuu baraa carruurtiisa xaqa hooyadood iyo in ay ushaqeeyaan.

22) Wuxuu u caddeeyaa xaaskiisa in gurigu iyada kutaagan yahay.

23) Waa kan tusa xaaskiisa in isaga waalidkiis iyo iyada keedu isku mid u yihiin.

24) Makeeno gurigiisa MARTI xun.

25) Wuxuu dhisaa diinta xaaskiisa iyo ubadkiisa.

26) Ficil xun iyo hadal xun kuma horsameeyo reerkiisa.

27) Waxaa lagu arkaa reerkiisa goobaha khayrka sida: MASAAJIDKA & MALCAAMADA.

28) Ciyaalkiisu lama aha saaxiibbo kuwa dhaqanka iyo diinta gurracan.

29) Kama shaqeeyo meel xaaraan ah, gurigiisana lagama cuno..cunto xaaraan ah.

30) Mageeyo reerkiisa goobaha lagu-so- jeedo iyadoo Ilaah lacaasinayo.

31) Gurigiisa lagama xirto dharka qarriban.

32) Reerkiisu madhibo dariska mana sheegaan beenta.

33) Wuxuu ka-fakaraa danaha Muslinka iyo Soomaalida.

34) Qawl-kiisa iyo ficilkiisu waa isku mid.

35) Ma aha qof ku takhasusay qurxinta QABYAALADDA.

36) Xaaskiisu ugama baqdo sidii dhurwaaga oo kale.

37) Ma aha qof caro badan oo dabeecad xun.

38) Waa nin badanaaba gurigiisa laga helo.

39) Waa kan aan ka-fakarin calooshiisa, dharkiisa iyo hurdadiisa oo kaliya.

40) Dadka maxanto, majaajuuso sidoo kale iskuma diro.

41) Waakan xaaskiisu usheegan karto waxa baahideedu tahay, dhakhsana uga hesho.


Qore: Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.
alhudaa1@yahoo.ca

»» SIFAADKA SOOWJADA SAALIXADDA AH [Maxamed A.]

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 17, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD