SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SPR

Feb 18, 2004 

 ENGLISH VERSION: READ HERE

SOMALI PEACE RALLY

Galkaio City, Somalia, February 18th 2004


PRESS RELEASE
SPR/INFltlk/M2/194/2004


WAXA YAAL PUNTLAND MA AHA XILKORORSI EE WAA XAARAAN KORORSI

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO


Galkaio City, Somalia, February 18th 2004 – Somali Peace Rally – Samayntii maamul goboleedka Puntland bartamihii 1998 waxay ahayd inay dadka gobolladaas u keento horumar iyo wax-qabad, ka dib markay bur-burtay dawladdii Xamar. Nasiib darro fikirkaas wanaagsan waxaa afduubtay koox danaystayaal ah oo uu horboodayo nin aan ka xishoon waxa uu rabo. Wakhti ka
dib, sharcigii waa lagu tuntay ujeedadii loo sameeyey mamulka Puntlandna waa laga leexday.

Colonel Abdullahi wuxuu ku tuntay sharcigii dalka markii uu diiday inuu doorashooyin ka sameeyo Puntland sannadkii 2000. Waxaan ognahay inay taasi keentay dagaal sokeeye oo lagu hoobtay. Meeshii uu dadweynaha waydiisan laha wakaalad, wuxuu doorbiday inuu isugu yeerto baarlamaan ku sheeg uu horay u sukushay aanna diidi karin waxa Kornaylku rabo, iyo oday dhaqameed u badan kuwo mac-mal ah. (wuxuu na baday waxaa nooga daran wuxuu na baday baa Somaali sahal u oran jirtay). Waxayka xishoon waayen kuwa xildhibaannada sheeganaya inay diidaan xilkororsi xaaraan ah, ee xitaa naftooda khusaynaya waayo ayaga naftooda waa ka dhammaatay wakaaladdii.

Halka gobollada laga hormarin lahaa, waxaa Cabdullahi iyo kooxdiisu u isticmaaleen dakhligii yaraa si loogu doonto saddanad qaran. Waxaa canshuurtii dadka laga qaaday la siiyey kuwo ku sifoobay dambiilyaal qaran, malaha arrinku waa shinbirba shinbirkiisuu la duulaa. Nairobi waxaa ku faaftay Cabdullahi baa la dooran, waayo asaga kaliya ayaa lacag ku fatahayey qofkii yiraahda, "oo maxaa la isu daalin madaxweynihii waa noo muuqdaayoo waa Cabdullahiye". Lacagta dadka saboolka ah intii tuugta khasnajiyada ahi xadday mooye, intii kale doorasho aan qabsoomayn baa lagu galay.

Nasiib darro waxaa kornaylku uusan xisaabta ku darin dhowr arrimmid oo run ah: fashalka maanta Somali haysta waxaa gar-wadeen ka ahaa nin ay Cabdullahi isku noociyad/khibrad iyo fici; ahaayeen – saajin talyaani oo aan ka libiqsan ka takhaluska ciddii ka hortimaadda rabidtaankiisa. Waxaa narnaba Cabdullahi is weydiin inaan Somali doonayn markale ina Siyaad ama Caydiid, illaa ayadoo aqlabiyaddu waalato mooyee.

Puntland maanta ma taal saddano la cusboonaysto ama ma jiro madaxweyne ummadeed, mana aha wax macne samaynaya. Gobolladaasi kama shaqayn maamul dadku doortay sanooyinklii la soo dhaafay, arrintuna korosiguna waxay u egtahay hal xaaraanihi ma dhasho nirig xalaal ah. Waxaa macne samayn lahaa haddii Cabdullahi isku magacaabo madaxweyne intuu nool yahay, sidi laba
alifle Bokaasa, ooy calaamado badan wadaagaan Kornaylka.

SPR waxay si adag u diiddan tahay xukun xoog ku haysiga Col. Cabdullahi iyo sida uu ugu tagrifalanayo hantida dadka Puntland, waxaa ayana ay diidan tahay si buxda dilidda dadka qaba fakir ka duwan kan Cabdullahi. Alle ha u naxariisto kuwii u dhintay fikirkooda.

sprally@hotmail.com

<><>ENGLISH VERSION<><>

SOMALI PEACE RALLY

Galkaio City, Somalia, February 18th 2004


PRESS RELEASE
SPR/INFltlk/M2/194/2004


No Mandate to Extend In Puntland State of Somalia

Galkaio City, Somalia, February 18th 2004 – Somali Peace Rally – The creation of the regional administration called Puntland State of Somalia in 1998 was to improve the livelihood of the people after the fall of the central government in Mogadishu, Somalia. Unfortunately, this novel idea was hijacked by a bunch of power hungry individuals led by a ruthless warlord. Both the constitution and the purpose of this entity ceased to exist in 2000.

The constitution of Puntland was shredded when Col. Abdullahi, former President of Puntland, refused to hold elections in 2000. It is known that this led to a bitter civil war in the region. Instead of waiting for the verdict of the people, Col. Abdullahi asked a hand-made so-called members of parliament and fictitious elders to endorse his abuse of office. The pliant so-called MPs did not even shy extending their mandate, which was itself at stake.

Instead of developing the region, Col. Abdullahi and his bunch of criminals used the meagre resources of the region for seeking national leadership. In the meantime, the tax of the people is being fed with criminal warlords who happened to naturally fly with Col. Abdullahi with the same feathers. In Nairobi, the buzz-word for the ill-fated electioneering was Col. Abdullahi, simply because he is the only one dolling out money to anybody who says him “you are the president". The money of people was spent on an election campaign that has no end in sight.

Unfortunately the Colonel never thought of few basic facts. The current crisis in Somalia was mid-wifed by a man with similar qualifications – Italian trained old-guard officer, who had no qualms with eliminating his political adversaries. A few seconds of thought were not given to the undeniable fact – that Somalis would never elect another dictator and warlord like Aidid unless the majority goes crazy.

The new attempt to justify an illegitimate parliament or presidency does not make news. Puntland State of Somalia had no legitimate government for the last few years. There is nothing to extend in the first place. As the Somali says, an ill-gotten she-camel does not give birth to a legitimate off-spring. It would make a sense had Col. Abdullah called himself president for life – a la Bokassa, a man of similar tendencies.

SPR speaks loudly against Col. Abdullahi's unconstitutional stay in office and his unbridled abuse of the resources of the region for personal aggrandizement, not to mention the assassination of people with dissenting views. May Allah bless those who fell because of their conviction.

sprally@hotmail.com

<><>
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh SPR, mana ahan mid ka tarjumaya aragtida SomaliTalk.

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 18, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD