SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Feb 19, 2004  

Cabdiwaxid Cabdullahi Khaliif, ma qof dhan oo fayoowbaa, mise waxbaa si ka ah?

Abdiwelli Farah Shire
welli6@hotmail.com

  • Abdiwaxid xalaal barqo baa la qashaaye na taabsii wax micno leh oo aannu kugu ayidno?
Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Abdiwahid iyo qoraaladiisu waxay aad ugu bateen shabagadaha internetka ee somalida haddii aad fiirisana dhammaantood qoraalladiisa waa wax isaga ay ka tahay inuu A/hi Yuusuf wax ugu dhimo, hase yeeshee dad badan oo A/hi Yusuf mucaarad ku ahaa ayaa markay arkeen maskaxda abdiwahid iyo wixii la midaba sida ay u shaqaynaso isu bedelay inay taageerayaal A/hi u noqdaan,

Abdiwahid wuxuu soo qaataa gabayo iyo murti ay iska lahaayeen dad ama rag qiima badan ku lahaa mushtamacooda dhexdiisa, dabadeedna wuxuu isku dayaa inuu murtidaas ku khasbo meel aan munaasibkeeda ahayn, ninku caafimaad badanaa? Inuu internetka wax ku qoro maahee meherad kale ma laha miyaa? Hase la yaabin oo waxaa jira dad badan oo xanuunsan oo jirrooyin halis ah qaba oo hadana isu haysta inay fayow yihiin, sida marka la yiraahdo qofkaasi waxaas iyo waxaas buu ku khafiifay,taasna waxaa daliil u ah in Abdiwahid uusan marna qorin hadaf macquul ah oo taageerayaal kasban kara" keliya wax aad moodid baroor bilaa mabda' ah" ayuu ku raftaa,

Abdiwaxid xalaal barqo baa la qashaaye na taabsii wax micno leh oo aannu kugu ayidno? Baroortana iska daa waa dadnimo xumo eh, oo halka aad rabo inaad ka cararto iyo meesha aad u cararayso labada na taabsii? Ogowna qofkii qadiyad sax ah ku taagani inuusan marna waayin cid ku taageerta, laakiin qofkii ku wallaca wax aan dunidaba laga helin haddee salki waa jeel majnuun, taasna waxaa laga garan karaa qoraladaada oo waxaad u hadashaa sidii aad ummadda inteeda kale ka garasho badan tahay oo adigaa shahaado isa siiyey, waxaad isu magacawday inaad tahay qofka somalida ugu aqoonta roon xag diiniyo iyo xagga cilmiga maadiga ah labadaba, cidna talo kama qaadatid oo adigaa cid kasta ka sareeya, nabarrada iyo waxyeelada korkaaga ku dhacaysaa waxba kuma yeesho oo sida ay adiga kula tahay waxaad tahay geesi belo ka dhacday, xabashida ayaa waxay ku maahmaahdaa "ninkii dhal iska waayaa marka dambe naag uur leh buu guursadaa" Abdiwaxid anigu qabiil ahaan waxaan kuu jiraa 3 oday, cid aan u shaqeeyo oo i gadatayna ma jirto, waxyaabaha maanta somalia ka jirana qof walbaa og, qoraalladaadana kuma aadan soo bandhigin wax jira oo xaqiiq ah, xataa khibradaada ku aadan si been abuur loo sameeyo waa mid weyd ah, dadkuna kuma nebca, dhacdooyin aanaan ka warhayn haddii aad sirtooda haysana haddee kuma aadan darin qoraalladaada, waxaana jira dad badan oo waaweyn oo khibrad badan u leh waxyaabaha aad had iyo goor ka hadasho una arka inaad iska hadaaqaysid, dadka aad sheegato inaad ka soo jeedana waxay u badan tahay in lagaaga aqoon roonahay, aqoon adduun iyo mid aakhirana dadka in badan ayaa wax uga bilaaban yihiin, qofka islaamka ahna haddii uu wax fiican ku mashquulsan yahay marna dhaaf lama yiraahdo, hase yeeshee adiga wax baa si kaa ah oo waxaa lagu moodaa ninkii madowga ahaa oo 1981kii toogtay madaxweynihii maraykanka Reagan markii la qabtayna yiri waxaan rabay in magacayga laga sheego idaacadaha, ummadduna waa ay ogtahay waxwalba, ardaygu inuu isku dayo inuu macalimiintiisa wax u dhigana waa dhibaato ninkeed dhiba ah, qofka weyn in hadalkiisu noqdo dhegayso ama ha dhegaysanna waa mushkilo kale oo "cibaara adduun ah", Doqontu xataa caqli bay leedahay oo waxyaalaha qaarkood kama suuroobaan oo dhinacaas kuu malayn maayo, hase ahaatee waxaan kaaga shaki qabaa inay jirto sheeko caan ah oo wadankeena ka dhacday taas oo ahayd:

waxaa jiray nin boqor ahaa oo maal iyo xoolo badan lahaa maalintii dambe ayaa waxaa ka baxsaday geel badan oo horweyn ah, geelaas oo u baxsaday dhul lama degaan ah, markaas ayuu boqorkii sibraar caano ka buuxsaday nin madhibaan ahna kaxaystay oo ku yiri kaalay geelii ila raadi, kadibna waa la baxay raacdadii geelana waxaa lagu dhaxay 5 casho, geeliina waa la soo helay hase ahaatee shantii casho ee raacdada lagu maqnaa ninka madhibaan waa uu qatanaa isagoo weliba sibraarka sida oo mar walba oo uu boqorku rabo inuu caano cabbo ama dhamo wuxuu oranayey ii dhiib sibraarka dabadeedna intuu cabbo caanaha oo ka dhergo buu sibraarka afka ka xiraa oo u dhiibaa ninka madhibaan, maalintii 7aab galabteedii iyadoo ninkii madhibaan uu todobo qad yahay ayaa ciddii lagu soo dhowaaday dabadeedna intaan ciddii la imaan laakiinse lagu soo dhowyahay ayuu ninkii madhibaan u yeeray boqorkii oo ku yiri boqorow waxaan rabaa inaan wax yar kula hadlo, dabadeedna intay geed harki wada fariisteen ayuu boqorkii yiri ii sheeg waxaad ii sheegi lahayd, markaas baa ninkii madhibaan wuxuu yiri" ninyohow horta aji maahid oo hadddii aad aji tahay caanaha inaad iga qadiso iska daaye aniga ayaad bilow i oran lahayd, madhibaanna maahid oo haddii aad madhibaan tahay markaad dheregtid inta harta cab baad i oran lahayd ee ninyohow ma tumaal baad tahay",markii reerkii la yimidna boqorkii hooyadiis ayuu ku khasbay inay u sheegto aabihiisa sax ah, markaasay u sheegtay inuu dhalay tumaal reerka birta u tumi jiray, hadaba qormadani kuuma khusayso nasabiyad ahaan ee waxay khusaysaa hadafkaaga siyaasadeed iyo sida aad isu cajabisay adigoo laga yaabo inaad mugdi amag amag leedahay.


Abdiwelli Farah Shire
 welli6@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 19 2004  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD