SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Feb 19, 2004  

Waa ayo cadaw?

Khaalid maxamed maxamuud .
India – Hyderabad
Gabane04@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Qofka marka uu maqalo erayga cadaw waxaa maangiisa ku soo dagdago muqaal xambaarsaan cid duulaan ku ah sharaftiisa , maalkiisa, ehelkiisa iyo naftiisa .

Dunidan maanta lagu jiro majiro cadaw joogta ah ama saaxiib joogta ah .

way dhamaanaysaa saaxiibtinimada marka saaxiibkaa ka horyimaado danahaada wuxuu isu badlayaa cadaw sidoo kale cadawgaadii wuxuu isu badalayaa saaxiibkaa marka uu fuliyo danahaada . halkaas waxaa laga fahmi karaa xitaa walaalkaa hadii uu duulaan ku noqdo sharaftaada , maalkaada iyo naftaada wuxuu noqonayaa cadawgaada .

Aan idin xasuusiyo dhacdooyin gaar ahaan oo muujinayo cida cadaw ah .

Waxaa la ogyahay xiligii uu socday dagaalkii u dhexeeyay Ciraaq iyo Iran in dhamaan doowladaha carabta taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeeba lagrabtaagnaayeen kaligii taliyihii laga tuuray xukunka Ciraaq Saddaam xusseen aygoo u arkayay in Saddaam yahay hogaamiye carbeed oo difaacayo sharafta carabta.

Dowladihii carbeed ee u Saddaam u ahaa saaxiib halyaa carbeed ah waxaa ka mid ahayd dowlada Kuwayt . laakiin saaxiibtinimadaas ma waarin , Saddaam wuxuu qabsaday wadankii Kuwayt ee shaley saaxiibka la ahaa .

Markiiba dowlada Kuwayt waxay yeelatay saaxiib cusub oo ka awood badan saxiibkii hore waa dowlada Maraykanke. Dowlada Maraykanka waxay u hiilisay shacabka iyo xukuumada Kuwayt waxayna meesha ka sartay cadawgii ku soo duulay .

Hadaba akhristoo waa ayo cadawgii Kuwayt ? ma xukuumadii ciraaqaa taasoo ay wadaagaan dhqan, diin iyo darisnimo mise marykanka oo ah dowlad masiixiyad ah oo cadaw ku ah diinta Islaama iyo guudahaan muslimiinta?. Jawaabtaas waxaan u dhaafay akhristyaasha .

Hadaan u soo gudo galo nuxrka maqaalakan, waayhaan waxaa lagu arkaa qaybha hore ee warbaahinta soomalida “dagaal ayaa markale ka dhcay degaanka Buur- Cukur oo ka tirsan deegeenada soomaalida dagto ee Itoopiya, kaa soo u dhaxeeyo labo beelood oo soomaali ah ‘.

Inta badan war baahinta si cadaalad daro ah ayeey wax uga qoreen waxayna dulmiyeen dad markii horaba dulmanaa . waxayna ka bixiyeen muuqaal tilmaamayo dagaal u dhaxeeyo dad soomaali ah iyo ciidamada xabashida oo adeegsanayo dadkale oo aygane soomaali ah.

Laakiin sida xaqiiqda ah waxay tahay in la doonayo in lagumaado beel soomaaliyeed lana bara kiciyo, kadibne lala wareego dhulkooda , caruurtooda iyo haweenkooda, sharaftoodane la baabiyo balse ILAAHEEY (s.w.t) saas ma dhihin .

ILAAHAY marka uu doono in daalim kaa qabto waxuu adeegsanayaa cidii uu doono xitaa Kaneecaba ha ahaatee .

Beelahaas lagu dulminayo Buur – Cukur iyo nawaaxigeeda ILAAHAY waxuu ugartay isdifaacida eey iyga isdifaacayaan ka sakow in ku caawiyo gaalo saa ILAAHAY asgaa u talyo dunidaan oo dhan ciduu doonane adeegsado.

Waxaan ka akhriyay shabakad Internet ah, haya’d u dodo xuquuqul insaanka oo magaceeda lagu soo gaabiyo ( HIWA ) ay canbaraysay doolada Itoobiya markii ay ukla eexatay labo beelood oo soomaali ah oo dagaalamay . waxaan dhihi lahaa haya’daas ma aha haya’d u dooda xquuqul insaankee ee waa ay kadoodaa , xagay jirtay haya’daan markii dad aan waxbo galabsan lagu laynayey bartamha bariga magaalada B\wayne? xagaysa jirtay markii magaalda B/wayne laga abaabulayay in la soo gumaado dad aan waxbo galabsan? . waxaan u soo jeedinayaa warbaahinta iyo qoraayaasha in aysan dulmin dad markii horaba dulmanaa qalinkaadane aan aakhiro lagugu ciqaabin .

Sidoo kale waxaan talo u soo jeedinayaas waxgaradka beesha dagnta bariga magaalda B/wayne in ay dib isugu noqdaan kana fiirsdaan in la laxalashado dhiig qof muslim ah oo aan waxbo galabsan lana soo celiyo wada noo laashihii labda beelood ka dhaxeeyay.

Waxaan ku soo gunaanudayaa maqalkaygii su’ aashan.

Akhristoo sidoo kale waxaad is waydiisaa waa ayo cadawga beesha dagta Buur – Cukur iyo nwaaxigeeda ? ma beesha kale ee soomaaliyeed oo aywdagaan soomaalinimada, muslinimda darisnimada oo ku soo duuashay guryahoodii mise xabishida gaalada ah ee ay ku kala duwanyihiin diinta , dhqanka ee ka difaacday in la gumaado?.

Khaalid Maxamed Maxamuud.

India – Hyderabad.

Gabane04@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 19 2004  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD