w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
SOMALITALK
- HAMBALYO
|
Feb 19, 2004
HAMBALYO TO CIISE DHOLOWAA -AUTRALIA
Daabaco
Boggan | Print

Filimada anshaxa xun, ruugidda
Qaadka
iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin
Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya..
Guji...
HAMBALYO HAMBALYO
AROOSKA: Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi
& Ruqiya seed cilmi oo
ku aqal galay magaalada Oslo:
Waxaan halkaan tahniyada & hambalyo uga soo jeedinaynaa
anagoo kala ah Mohamed Rashiid Sh mohamed, xaaskiisa , nimco sheekh
Abdulaahi , mohamed rashiid ahmed hadi, xaaskisa, ubax ahmed, hadi
Bashiir sheekh Abdullahi, Ahmed mukhtaar sh mohamed, xaaskiisa, Abdi
sayid moalin yusuf & xaaskiisa, Abdi fatah yusuf urur , & xaaskiisa
Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi & Ruqiya seed cilmi
oo axadii ku aqal galay magaalada Oslo ,waxaan allah uga baryayanaa
kuwii isku waara ee ubad khayr qaba oo dalkooda & diintooda anfaca
AAMIIN, AAMIIN, AAMIIN
Hambalyada arooska waxaa loogu hagaajin karaa:
ahmedpo@hotmail.com
C/o: Ahmed Sheekh Abdullahi |
Abdullahi Nur Osman
Aosman66@yahoo.co.uk
London .UK
AAWW
Salaantaa islaamka ka dib waxaan halkaan hambalyo, taageero iyo duco ugu
dirayaa waalkeey CIISE DHOLOWAA oo degan Australia, aniga isma naqaano ,
balse waxaan jecleystay inaan hambalyadaan kuu soo diro , sababtoo ah waxaad
si aad ah u taageertay una caawisay caruurta soomaaliyeed ee ku dhibaateysan
dalki gudihiisa oo aan awoodin ineey dibada daawo u aadaan , runtii waan la
socday safaradaada iyo halgankaada, waxaana dareensanahay ineey tahay
masuuliyad bannaaneyd oo aad wax ka qabatay wixii awoodaada ah , aana filayo
ineey tahay dowr ay leeyihiin dadkeena dibada jooga , maadaama dalkeeni bur
buray , dadkeenina dhibaateysanyihiin, waxaana rajeynaynaa in ay dad badan oo
ka mid ah kuwa dibada jooga ay iygana dowrkaan ka qeyb qaadan doonaan , si ay
u kaalmeeyaan dadkeena ku dhibaateysan dalkeeni hooyo, waxaana jeclahay inaan
xasuusiyo dadkeena dibada jooga in aan la xiriirno hayadaha caafimaadka ,
kuwa arimaha bulshada, ku deeqda bixiya , iyo kuwa xuquuqul insaanka ee
wadamada aan deganahay , una sheegno dhibaatada heysata dadkeena, fund
raising na sameyno , si aan wax ugu qabano , dadkeena dhibaateysan ee aan
awoodin ineey daawo helaan ee xanuunsan,
Walaakeey CIISE DHOLOWAA waxaan leeyahay halgankaada meesha ka sii wad
alahana u kala garab galo , xusuusnowna in nabigeeni NNK uu yiri cidii
masaakiinta, iyo yatiinta gargaarta janada waan u simanahay, ee ilaaheey
danbigaada ha dhaafo, hana kuu gargaaro.
Wuxuu kaluu nabigeeni NNK yiri allaah wuu u gargaarayaa adoonkiisa inta uu
addoonku u gargaarayo waalkiisa muslinka ah
Walaalkaa
Abdullahi Nur Osman
Aosman66@yahoo.co.uk
London .UK
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 19 2004
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|
©
www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
|