SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Febraayo 19, 2004  
Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


HAMBALYO HAMBALYO
AROOSKA:
Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi & Ruqiya seed cilmi 
oo  ku aqal galay magaalada Oslo:

Waxaan halkaan tahniyada & hambalyo uga soo jeedinaynaa anagoo kala ah Mohamed Rashiid Sh mohamed, xaaskiisa , nimco sheekh Abdulaahi , mohamed rashiid ahmed hadi,  xaaskisa, ubax ahmed, hadi Bashiir sheekh Abdullahi, Ahmed mukhtaar sh mohamed, xaaskiisa, Abdi sayid moalin yusuf & xaaskiisa, Abdi fatah yusuf urur , & xaaskiisa

  Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi & Ruqiya seed cilmi  oo axadii ku aqal galay magaalada Oslo ,waxaan allah uga baryayanaa kuwii isku waara ee ubad khayr qaba oo dalkooda & diintooda anfaca   AAMIIN, AAMIIN, AAMIIN

Hambalyada arooska waxaa loogu hagaajin karaa: ahmedpo@hotmail.com C/o: Ahmed Sheekh Abdullahi


War-1-19-Febraayo,o4,Nairobi.
Kooxda G-8 oo taageertay Qoraalkii wasiirka Kenya......................

Qoraal ay ku saxiixnaayeen 3-da hogaamiye ee G-8 ayaa sheegaya in ay taageersan yihiin qoraalkii wasiirka arrimaha dibada kenya ee 17-kii bishan ee ka hadlayay saxiixa heshiiska hogaamiyayaasha soomaalida ee 29-kii Janaayo e State Huose-ka Kenya.

kooxda G-8 ayaa siyaasadeeda ku sheegay in ay dhexdhexaad tahay ,waxay kaloo sheegeen in ay diyaar u yihiin in la galo wajiga 3-aad ee shirka Nabada Soomaalida ee awood qaybsiga, waxana ay kula taliyeen kooxaha kale ee shirka ka qayb galaya in la ansixiyo qoraalka buuga Axdiga iyo dastuurka oo doodiisu socotey muddo ka badan 7-bilood.

Kooxda G-8-ka ayaa kulankii Safari Park hotel ee 9-bisha Janaayo ka dib Gooni uga baxdey Hogaamiyayaasha Mbagathi oo tiradoodi ahey 20-hogaamiye.

War-2-19-Febraayo,Nairobi.
Qoraalka buuga Axdiga iyo dastuurka oo wali loo....................................

Madasha shirka nabada Soomaalida ayaa saakey la qorsheenayey in shirweynaha la horkeeno qoraalka buuga axdiga iyo dastuurka ergadana ay u codeeyaan.

Ergada iyo Hogaamiyayasha Kooxaha Golaha samata bixinta ,SRRC,TNG-Abdiqasim iyo TNG-da Mbagathi ayaa ku soo xaadirin hoolkii lagu qaban lahaa shirweynaha ee Madasha shirka Mbagathi.
Kooxaha kala ah Golaha samata bixinta,TNG-da Cabdiqasim ayaa sheegay in ay taageersan yihiin heshiiskii hore iyo qoddobadii lagu saxiixay guriga Madaxtooyada kenya 29-Janaayo,04, labadan koox ayaa ku hanjabey in haddii qoddobada wax laga bedelo ay shirka ka bixi doonaan,

G-8 ayaa iyaga aaminsan in loo gudbo wajiga 3-aad ee awood qaybsiga qabiilada Soomaalida ee shirka halka SRRC-da iyo TNG-da Mbagathi ay diidan tahay in la mariyo ama la gudbiyo qoraalka buuga axdiga iyo dastuurka ee shirka nabada Soomalida ee 15-billod ka socda dalka Kenya.

War-3-19-febraayo,04,Nairobi.
Xuseen Caydiid:-SRRC-da kama Bixin shirka mana ka bixi........

Guddoomiyaha Bisha ee Golaha SRRC-da Xuseen Maxamed Faarax Caydiid ayaa maanta qabtey shir jaraa'id uu kaga hadlayey Mowqifka Golaha SRRC-da ee ku aaden Qoraalkii wasiirka Arrimaha Dibada Kenya.

SRRC-da ayaa ah Kooxda ugu tirada badan hogaamiyayaasha kooxaha ee ka qayb galaya shirka nabada Soomaalida.
waxaa kaloo uu sheegay in ay saakey sameysteen guddi isku dhaf ah oo ka kooban SRRC iyo TNG-da Mbagaghi.
mar waxa laga weydiiyey hogaamiyayaasha aadey magaalada jawhar ayaa uu ku sheegay in ay fasax ka qaateen Golaha SRRC-da iyo IGAD,waxayna u baxeen danno gaar ah ee shirka iyo gole kale kama dhisayaan Jahwhar ayuu ku jawaabey.

waxaa kaloo uu cadeeyey in ayan jirin wararka sheegaya in ay shirka ka baxayaan SRRC-da oo uu sheegay in ay halka joogeen 15-bilood una soo dulqaateen shirkana ilaa la dhiso dawlada kama tageyno,
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay SRRC-du diidaneyn in la mariyo ama loo codeeyo qodobadii ka mid ahaa Qoraalka buuga axdiga iyo dastuurka ee wajiga labaad ee shirka.

Xuseen Caydiid ayaa sheegay in ay maanta la kulmayaan wasiirka iyagoo kala xaajoon doona qodobka 30-aad ee xulida xubnaha baarlamaan iyo cidda soo xulaysa.

Qodobkaasi ayuu ku sheegay in wasiirka uu ka dhigay cidda wax soo xulaysa siyaasiga juffo ka sii juffo in xulitaanka laga qayb galiyo.

sababta ay SRRC-da saakey u diidey ayaa uu ku sheegay in marka hore la kulmayaan wasiirka aarimaha dibada Kenya ka dibna la ansixin doono maalmo ka dib .
dhamaad .
Abdikarim Aden huusein.
Nairobi,Kenya.

abdikarimhussein@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 Faafin: SomaliTalk.com |Feb 19, 2004  

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD