SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Feb 22, 2004 

 Odayaasha Galkacyo oo Dadaal ugu Jira Daminta Dagalkii Goldogob

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 

Odayaasha Labada dhinac waqooyi iyo koofurta Galkacyo ayaa wada dadaal lagu daminayo dagaal ka dhacay meesha loo yaqaano Saaxa qurun oo ka tirsan Degmada Goldogob,dagaalkaas oo dhex maray reerr guuraa wada dega deegaankaas oo kala ah jilibyada ay ka dhasheen Hogaamiye kooxeedka Cismaan Xasan cali Caato iyo Madexweynaha Dowlada Goboleedka Puntland Col.Cabdullaahi Yuusuf Axmed,Dagaalkaas oo inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen ilaa afar qof oo labada dhinaca.

Waxgarad,culumaaudiin iyo Siyaasiin ka tirsan labadaa beelood ayaa maalmaahan u socdeen wada hadal lagu soo afjarayo xasaradaas,iyadoo beesha Cismaan Caato ku eedaysay maamulka Puntland inay ku lug lahaayeen dagalkas oo ay yiraahdeen Tikniko ay leedahay maamul goboleedka ayaa ka qayb qaatay dagaalkii dhexmaray labada beelood reer guuraagooda,balse waxaa si wayn isaga fogeeyay eedaas nin u hadlay dowlad goboleedka Puntland oo yiri marna ciidanka dowladda iyo qalabkeedu kama qayb qaadan dagaal udhexeeya labo belood oo derisa.

Tuulada saxa qurun oo ka tirsan Degmada Goldogob ayaa ilaa shalay deganayd oo ayna ka jirin wax dagaala tan iyo markii meel udhow ay isku hardiyeen beelo ku murmay daaqsinka aagaas.

Cabdi Xasan Somalitalk.Com/Muqdisho
abdi172@hotmail.com

Feein: SomaliTalk.com | Feb 22, 2004

 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]