Waxaa wax lala yaabo nagu noqotay
hadalkii ay dhawaan magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelada Dhexe ee dalka
Soomaaliya ka soo saareen xubno ka tirsan SRRC-da kuna sheegay in ay
tahay in dalka Kenya laga wareejiyo shirka dib u heshiisiinta Soomaalida
ee halkaas mudada dheer ka soconayay.
Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu
cambaareynayaa hogaamiyayaasha 16 bilood ka dib hadal aan habooneyn mid
lagu abaal mariyo dowladdii martigalisay shirka dib u heshiisiinta ka soo
saaray magaalada Jowhar ee dalka Soomaaliya.
Waxaan ugu baaqeynaa in madaxda ku sugan
magaalooyin ay ka mid tahay Jowhar ee dalka Soomaaliya, kuwaas oo aan
looga dhameyn shirka soconaya in ay ku soo laabtaan waxna ka qaataan
sidii loo badbaadin lahaa dadkooda iyo dalkooda.
Hadalkii uu dhawaan ka jeediyay
saxaafadda ma aheyn hadal la qaadan karo danjiraha dowladda Itoobiya
wakiilka uga ah Soomaaliya Danjire C/casiis Axmed, kuna saabsanaa cidda
qaadaneysa xilka soo xulidda xubnaha ka mid noqonaya baarlamaan ay
Soomaalidu yeelato, maadaama hogaamiyayaashu ku heshiin waayeen qaabkii
lagu soo xuli lahaa xubnaha baarlamaanka.
Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu
aaminsan yahay isla markaana u xaqiijinayaa Danjiraha Dowladda Ithiopia
in ay tahay arrin go'aan ka gaaristeedu leeyihiin ummadda Soomaaliyeed
ciddii soo xuli laheyd xubnaha ay doonayaan in ay matalaan shacbiga
Soomaaliyeed.
Arrinta uu soo hadal qaaday danjiruhu
waxay sii murjineysaa waxna u dhimeysaa xiriirka labada ummadood ee
walaalaha ah, sidaas darteed waxaan mar kale ku celineynaa in dowladda
Ithiopia ku ekaato kaalmada ay ka geysaneyso fududeynta howlaha shirka
dib u heshiisiinta Soomaalida uga soconaya dalka Kenya.
Ma dooneyno in aan meel ka dhacyo u
geysano dowladda iyo shacbiga aan walaalaha nahay ee Ithiopia, Shacbiga
Soomaaliyeed waligood waa xusuusan doonaan soo dhaweyntii ay shacbiga iyo
dowladda Ithiopia soo dhaweeyeen dadka Soomaaliyeed qaran burburkii ka
dib.
Waxaan rumeysnahay in ay jiraan ma
xishoodayaal doonaya in ay ka faa'iideystaan cadaawadii labadii
xukuumadood ee "Dargiga iyo Diktaatooriyadda" ku dhisnaa ee horseedka ka
ahaa dagaaladii lagu hoobtay ee dhexmaray labada dal iyo labada shacbi
dib u soo nooleeyaan hadal heynta cadaawad ku sheegta aan dhinacooda ka
dhamaan ee ay ku doonayaan in ay ku gaaraan danahooda gaarka ah.
Lama arag dagaal iyo dhibaato aan laga
heshiin bal dib ugu noqo dagaaladii ka dhacay dunida ee sababay geerida
maaliyiin qof iyo burburkii baaxadda lahaa ee ka soo gaaray qeybihii uu
dhexmaray dagaaladii qaraaraa ee adduunka ka dhacay, maantana isu
dhexmaraya kuna wada nool dalalkooda sida "Gacal wadaagay dhiig iyo
dhalasho".
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda
ahna
Wakiilka Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed
C/casiis Cali Ibrahim "xildhiban"
xildhiban@hotmail.com
Feein: SomaliTalk.com | Feb 24, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan