Bulsho kasta waxaa waajib ku ah casriyayn
iyo dhaqaaq joogto ah, haddii kale waa ay dhagaxowdaa. Dhaqan kasta waxaa
daruuri u ah iftiin debedda kaga soo dhaca, haddii kale wuu indho beelaa.
Isku dayashada iyo wax kala qaadashada ummaduhu waxay door weyn ka cayaaraan
in uu horumarku u kala gudbo. Maantana shaki kuma jiro in loo baahan yahay
reer galbeedka in wax badan laga qaato. Laakiin wuxuu muran badani ka taagan
yahay waxii laga qaadan lahaa iyo waxii la iska moosi lahaa. Maxaa dan ah
maxaase dhib leh? Kala garashada iyo kala soocidda labadaasi waa arrin
xasaasi ah. Bulshooyinka dambeeya oo dhan taasi waxay ku dhex furtay dood
kulul iyo khilaaf gaadhey in dalal badan xabbad la iskala daalo. Taasi waxay
ugu daran tahay Dunida Islaamka ee aynu ka midka nahay (bal arag waxa ka
dhacaya Nayjeeriya, Masar, Aljeeriya, Sacuudiga, Baakistaan, Afgaanistaan,
Suudaan, Soomaaliya...).
Aynu isyar illowsiinno xaqiiqada ah reer
galbeedka, oo maanta dunida hagaya, sidoodaba in ay inagu eegaan cadaawad iyo
quudhsi, innaguna ku eegno cadaawad iyo cabsi. Bal aynu fekerka ku jeedinno
oo keliya horreyntooda iyo dambaynteenna. Markaa waxaa khasab inagu noqonaya
in aynu qiranno afar xaqiiqo:
1) In ay aad inooga horumarsan yihiin.
2) Horumarkaas helistiisu in ay waajib inagu
tahay.
3) In aanay daacad ka ahayn dimuqraaddiyadda,
xorriyadda iyo sinnaanta ay inoogu bishaareeyaan.
4) In aynu arrimahaas aad ugu liidanno
wanaajintooduna lama huraan tahay.
Dad badan oo waxgaradka muslinka ah, laakiin
reer galbeedka neceb, ayaa ku dooda: “Waxaynu uga baahan nahay oo keliya
horumarka farsamada, laakiin waxba ugama baahnin hab-fekerkooda iyo
hab-dhaqankooda.” Laakiin run ahaantii aragtidaasi waa mid uu caqliga
hagaagsani diidayo, waayo fekerka iyo dhaqankaba waa ay inagaga horreeyaan (dabcan
dhaqan badan oo xunna waa ay leh yihiin). Horumarinta fekerka bulshada ayuu
horumarka farsamadu ka dhalan karaa kuna dhisnaan karaa ee sidaa beddelkeeda
ma noqon karto. Marka aqoonta iyo karaamada dadka la dhiso ka dib ayey dadku
wax dhisi karaan waxa ay dhisaanna dhawri karaan. Horumarka farsamo iyo
dhaqaale ee aynu maanta aragno waxaa ka horreeyey mid caddaaladeed iyo bulsho,
kaas oo afgaradkiisu ahaa: xorriyad, sinnaan iyo walaaltinimo. Afgaradkaasi
wuxuu kale oo ahaa ”in tirada ugu badan bulshada ee suurtogal ah la geliyo
liibaanta ugu badan ee suurtogal ah”. Dalalka hodanka ah ee Gacanka Carabta
maanta cidina kama wershado iyo mishiinno badna, haddana horumar- iyo
ilbaxnimo la’aanta waa inagala mid.
Haddaba reer galbeedka in farsamo laga barto
waxaa ka door roon horta in laga barto sida bulsho loo dhiso loona abaabulo.
Haddii kale wershadda la dhiso waa la gubayaa farsamoyaqaankana waa la
dilayaa. Horta waa in carradii uu horumarku ka dhalan lahaa la falaa, dadkii
abuuri lahaana la helaa. Waa in la dhisaa bulsho nolosha u hanweyn oo
dhimashada neceb, xorna ka ah dhaqammada abaadey ee maskaxda dulleeya.Taa
waxaa lagu gaadhi karaa nabadgelyo, xorriyad feker, isku kalsooni shakhsi,
nolol jacayl iyo karaamo.
Labada weydiinood ee inagu dhex wareega ee
ah: maxaa la isu dilay iyo maxaa loo heshiin waayey? marka lagu daalo ayaa ta
habboon loo soo noqdaa, taas oo ah: maxaa qaldan? Waxaa qaldan sida la inoo
barbaariyo. Waxaa qaldan sida wax la inoo baro. Waxaa qaldan sida aynu qofka
waxtarka ah iyo ka aan ahayn u kala soocno. Waxaa qaldan sida aynu hawlaha u
maamulno. Waxaa qaldan sida aynu isu hoggaaminno. Waxaa qaldan sida aynu u
dhaqan nahay oo dhan.
Cilmi nafsigu wuxuu hubaa qofka yaraanta iyo
xataa weynaanta lagu ciilo ee lagu xanuunjiyaa in uu hadhow bulshada cadow u
noqdo. Bal haddaba dib u eeg habkii la inagu soo barbaariyey waxna la inagu
soo baray. Sow muu ahayn mid dil, canaan, cabsi iyo qaxar badan? Waalidka iyo
macallinku sow ma ay moodi jirin haddii ay aad inoo xanuunjiyaan in aynu
diricyo dadaal iyo fahmo badan noqonayno? Marka ilmaha malcaamadda lagu
darayo halkudhigga dhaqanku sow ma ahayn “Macallin, ilmahayga cadka adiga
ayaa leh anigana lafta ii reeb”? Inta nin ee maanta ciilka la qamuunyaysan
iyo inta dagaalooge xabbad la haliilayaa waa fac ay korkooda iyo
maskaxdoodaba nabarradii barbaarintu ku wada suntan yihiin. Taa darteed waa
ay aarsanayaan oo cidna u nixi maayaan.
Haddaba waxa koowaad ee ay tahay in aynu
reer galbeedka ka barannaa farsamada iyo lacag samaynta ma aha ee waa
barbaarinta iyo dhisidda bulsho hagaagsan. Iyaguba horumarka ay maanta
haystaan fuleynimo iyo feker cid kale oo ay ka baqeen kuma ay helin, ee
dhiirranaan, dadaal iyo aqoon ururin ayey ku kasbadeen. Xilligii ay ula
baxeen ”Casrigii Mugdiga – the Dark Ages” waa isla casrigii ugu iftiin weynaa
ilbaxnimada islaamka. Waa casrigii ay iyagu ku noolaayeen khuraafaadka,
cudurka iyo gaajada. Waa casrigii ay hablahooda nolosha ku gubi jireen iyaga
oo aqoonxumo darteed ku eedaynaya sixirrooley. Waa casrigii ay qofka
kiniisadda ka feker duwanaada dili jireen. Waa casrigii ay daacuunka ku dhaca
moodi jireen in ay yuhuuddu sabab u tahay. Waa casrigii ay baadderiyadu
denbidhaafka Ilaahay dadka ka iibin jireen.
Isla casrigaas ayey Dunida Islaamka ka soo
baxeen tobannaan caalim oo ku xeel dheeraaday culuunta nooc walba. Isla
casrigaas ayey Baqdaad, Qaahira, Qurduba iyo magaalooyin badan oo kale cilmi
iyo ilbaxnimo sare ku cammirnaayeen. Reer yurub aqoontaas iyo dhaqankaa kooda
ka duwan kama ay didin ee sida hoobaan ayey u gurteen. Taas ayey ugu dambayn
habeenkii dheeraa kaga soo baxeen. Waxaa hubaal ah taas la’aanteed in aanay
badmareennimo ku dhiirradeen oo qaarado fog u gudbeen, dabadeed malyuumaad
afrikaan ah addoonsi u rarteen. Waxaa hubaal ah in aanay Voltaire, Rouseau,
Descartes iyo raggii la midka ahaa hullaabta jahliga iska rogeen oo shideen
oogtii ”Kacaanka Ifinta” kaas oo Yurub oo dhan dhaxantii iyo gudcurkii ka
qaaday.
Hoogga aynu soo sheegnay ee ay Yurub soo
martay mid ka daran ayeyna maanta dhex yuururnaa. Sidoodii ayeynu miskiin
gaajaysan oo cunto xaday gacmaha iyo lugaha ka goynaa. Sidoodii ayeynu gabdho
aan maxkamad iyo marag toona la hor keenin dhagax ku dilnaa. Sidoodii ayeynu
qofka wadaadka erey ku khilaafa moodnaa in uu Ilaahay khilaafay. Tabtoodii
ayeynu jiman iyo shadaadiin aan muuqan dagaal kula jirnaa (bal eeg reer
hargeysa oo beryahan rumaysan in ay Boqortooyadii Jinku ku soo duushay iyo in
ay dadqallo orommo ahi Itoobbiya ka soo galeen!).
Carabta oo aynu ilbaxnimada ka dugsanno
qudhoodu inama dhaamaan. Aragtidheere sacuudi ah oo lagu magacaabo Ibraahiim
al-Buleyhi* ayaa aad uga xanaaqaa in bulshadiisa iyo kuwa la midka ah lagu
tilmaamo ”bulsho soo koraysa”. Xataa wuu ka xanaaqaa in lagu sheego ”bulsho
dambaysa”. Uma doodayo in lagu sheego ”bulsho horumartay” ee wuxuu ku
qanacsan yahay bulshadiisa iyo kuwa la itaalka ahi in aanay labadaa magac u
qalmin. Ma soo korayaan mana dambeeyaan ee waa ay taagan yihiin, ayuu
rumaysan yahay. Bulsho soo koraysaa waa mid waddadii horumarka cagta ku haysa,
ta dambaysaana waa mid laga dheereeyey laakiin soo ordaysa. Labada
xaaladoodba waxaa ku jirta rajo ah in cidda laga dambeeyo mar uun la gaadhi
doono. Laakiin dadka aynu ka hadlaynaa maba ah dad orod bilaabay ama tartanka
u soo saftay, ee bar keliya ayey ku wareegayaan. Maba yaqaannaan xarriiqda uu
beratanku ka bilawdo.
Oo haddaa sidee ayey dadkaasi u fekeraan una
dhaqan yihiin? Ibraahiim al-Buleyhi wuxuu inoo sheegayaa, dadkaasi sidoodaba
ma fekeraan, waxayna u dhaqmaan sidii kumanyaal sano hortood loo dhaqnaa. Oo
maxay sidaa abaadday ugu dhaqmayaan? In ay sidaasi wanaagsan tahay ayey
moodayaan. Sidaas ayaa lagu indho iyo dhego beelay. Xaaladda sidaas u xun
ayaaba lagu faanayaa oo la difaacanayaa. Dulliga ayaa la iskula weyn yahay.
Dhegaha ayaa la furaystay si aan dhawaaqa xaqa loo maqal, irridaha iyo
daaqadahana waa la xidhay si aan ilayska waagu u soo gelin. Sagxadda la jiifo
ayaa samada lagu sheegayaa, cid kasta oo leh horumar samada gaadhayna waxaa
lagu tilmaamayaa in ay sagxadda jiifto. Qof kasta oo isbeddel ku baaqa waxaa
la moodayaa xaasid iyo cadow liibaanta la haysto kala qubaya. Dugsi iyo
jaamacad kasta oo la dhigtaa waxba kuma kordhiyaan, cilmiguna ma galo,
maskaxdaa damiinka ah ee dhaqanka abaadey lagu soo qufulay, ayuu Buleyhi
rumaysan yahay.
Sababtaas ayuu ugu talinayaa in la abuuro
cilmi cusub oo lagu barto jahliga qudhiisa, loona bixiyo ”Cilmiga Jahliga”.
Oo cilmi la barto ayaa la arki jiraye sidee jahli loo baranayaa? ayaa la
weydiiyey. Wuxuu inoo sheegayaa in uu jiro ”jahal muddabbaq” oo ah in
aqoondarrada qudheeda aqoon la moodo laguna faano. Haddaba si jahliga noocaas
ah ee dhaqanka galay looga baxo horta waa in la bartaa waxa uu yahay ”jahli”.
Haddii kale isaga ayaa la ilaashanayaa oo la moodayaa aqoon iyo ilbaxnimo,
sida maanta la yahay. Taas ayaa u sabab ah dibudhaca haysta kuwa dibudhacay
oo dhan. Marxalad nololeed oo aad u gabowdey ayey ku dhagaxoobeen oo diiddan
yihiin in ay hore uga dhaqaaqaan.
__________________________
*Akhri waraysi dheer oo uu wargeyska Asharq Alawsat
la yeeshay Ibraahiim al-Buleyhi tirsigii soo baxay 14 nofembar 2003. Isla
markaa ku eeg maqaalkii “Badownimo iyo Ilbaxnimo” ee aan faafiyey 6 oktoobar
2003.
Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 25, 2004
QORAALADII HORE EE Ibraahim Yusuf
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan